KIBIR IYO KADEED CAASHAQ


Warsan, waxay ku dhalatay, isla markaana ku soo barbaartay degmada Hodan ee magaalada Muqdisho, waxayna wax ka baran jirtay Dugsi sare Banaadir, da’deeduna waxay aheyd 20-jir, quruxda uu Rabbi ku maneystay Warsan waa mid aan la soo koobi Karin, balse haddii aan wax ka taabto:-

“Qoorteeda dheeriyo, laafyaheeda qurxooniyo, timaheeda dhuxushiyo, sida seenta geenyada, sii dhaafay dhabarkiyo, bushimaheeda buurbuuraniyo, midab guduudan lagu dheehiyo, dhexdeeda siriqsaniyo, wax loo dhigaa jirin, Weynihii na uumay baa, Warsan ugu deeqay.”

Warsan, waxay ka dhalatay qoys tujaariin ah, waxayna aad u necbeyd in ay la haasaawdo wiilasha saboolka ah, waxayna had iyo jeeraale ku hamin jirtay in ay mar uun hanan doonto wiil hantiile ah oo ay la qeybsato macaaniga nolosha, iyadoo waliba aheyd gabadha qura ee wiilasha ay fasal wadaagga yihiin uu mid walbaahi si gaar ah jaceyl aysan cidina la ogeyn ugu qaaday� wiilasha oo isugu jiray Tujaariin iyo sabool ayay mudnaanta siin jirtay kuwo qaniga ah� halka kuwa faqiiriinta ah ay gooni u faquuqi jirtay.

Xasan, oo ahaa mid ka mid ah wiilasha sida aadka ah ugu go’doomay jaceylka Warsan, isla markaana ay isku fasal ahaayeen, kana soo jeeday reer sabool ah ayaa u babac dhigi waayey kuleylka iyo karkarka uu ku hayey kalgaceylkeeda, wuxuuna go�aan ku gaaray in uu u soo bandhigto jaceylkiisa.

Xasan, waxaa ku sii siyaadday, kuna saaqday suntii cishqiga� habeen iyo dharaarna hurdo way ka haadday� hungurina daayoo maba haweysanaayo� waxaa laabta ka degay dheemantii hablaha� waxaa looga heesaa halka ay ku nooshahay.

Xilligii ardayda laga soo fasaxay iskuulka ayuu Xasan baadi goob u galay jaceylkii jiifka ka jaray, wuxuu meelaha heehaababa waxay mar keliya labadiisa dhaayood qabteen Warsan oo sii laafyooneysa meel aan sidaa uga sii fogeyn, Xasan oo iska raariday

in ay tahay fursaddda qura ee jaceylkiisa uu ku soo bandhigan karo ayaa beegsaday waddadii ay Warsan ku socotay, isagoo duulaya sidii dayuuraddii ayuu garabkeeda la soo sinmay, wuxuuna ku yiri “Warsan, abbaayo, waan ku salaamay,” Warsan oo cod macaan, isla markaana dabacsan uu dhinaceeda ka soo yeeray ayaa jaleecday, misana waa Xasan oo ka mid ah dhalinta ay sida aadka ah u yasto faqriga dartii, markaas bay ugu jawaab celisay “Waan kaa qaaday�ee� maxaa kuu daran? Xasan oo mar ku farxay salaanta laga qaaday, marna ka naxay su’aasha kulul ee salaanta daba taal, sina isu leh fursaddan ha iska qasaarin ayaa isagoo qarqaraya sidii qof qandho hayso yiri:

Wehelkii nafteydaay, Waxtarkii qalbigeygaay,

Warsantii I deeqdaay, Waayo-aragnimadiyo,

Wanaaggiyo asluubtiyo, Waaxid ku maneystaay,

Wacad waxaan ku marayaa, Waqtigii la joogaba,

Waaxyaha jirkeygiyo, Wadayaasha dhiiggiyo

Wadnahaa ku tebayee, Waaberiyo gabbaldhac,

Wiish baa igu yeerayee, Wadaaddada Qur’aaniyo,

Wardi wayga quusteen, Waxa aan la liitaa,

Waa adi daraadaa, Warankii jaceylkaa,

Wadnaha iiga yaalee, Waxba iima reebnee,

Waan kuu dan sheegtee, Wax-garad jiraa yiri,

Wadajir bay labo gacmood, Wax ku qaban karaane,

Warsaney ila walwaal, Wadaamaha caashaqa!!!

Warsan oo ereyada Xasan ay ku sii siyaadiyeen carada ay u heyso dhalinta faqriga ah ayaa ugu jawaabtay:

Wagarey ka waasacan, Wax la yaab leh weeyaan,

Wiilkan soo cataabayow, Waxa aad I leedahay,

Waan ku yaqyaqsoonayaa, Waanan kuu digayaaye,

Weedheyda maqaloo, Warka aan ku leeyahay,

Waa hubaale ogow, Weligey kumaan hamin,

Will sabool ahoo, Waxba aanan heysan,

Waaxyahey inuu hantoo, Waab kula dakeeyee,

Waxba haysku daalinoo, Wado aad dhamaadkeeda,

Weligaada gaareyn, Waqti kaaga luminee,

Waawarey intaan oran Waddada iiga beyr!!!

Warsan oo dhaayaha ku sii gubeysa Xasan ayaa halkii kaga dhaqaaqday� Xasan oo talo ay ka jahwareertay, boogtii jaceyl ee ku tiilna ay ka damqatay ayaa naftiisa kula hadlay:-

“Maxaad u damacday naf aan, marnaba kuu damqaneyn, darteed aad dullowday, duurka kugu deysay, mar haddaad tahay sabool, aanan kuu diirnaxeyn, mowlihii na uumayba, miskiin iyo maalqabeen, maba uu kala saarine, maxay ku keentay arrinkaas?”

Xasan markuu tixdaa oraneyey ilmo ayaa ka qubaneysay, wuxuuna laabtiisa ku beeray in uusan marnaba hanan doonin jaceylkiisa, isagoo u aaneynaya in uu danyar yahay, sidaana lagu liidayo, si kastooy ahaataba Xasan naftiisu kama ay tanaasulin jaceylkii ku keliyoobay� waxaana mar walba la hor keenayey suuraddeeda wacaniyo qaabka socodka laafyaheeda� waxayna taa ku sii kordhisay in uu sii gacloodo� taasna waxaa ugu wacneyd, Warsan il qabataahi kama aysan libirsaneyn, xidigtii Xaawooleeyoo idil iyo xuural-ceyn bay aheyd.

Warsan, fasalka marka ay soo gasho wiilasha oo idil sidii TV ayay daawan jireen, iyadoo qaarkoodna aysan casharba dhiganeyn ee ay ku shuqlan yihiin oo qura daawashada bilicda iyo quruxda dumar ee Warsan Rabbi u dhammeeyey.

Warsan, caado ayay u aheyd in ay ku jeesjeesto dhalinta faqriga ah, waxayna aaminsaneyd fikir ah “In haddii ay la haasaawdo ama la saaxiibto wiil danyar ah ay la darseyso marxalad adag oo ka saareysa nolosha sare ee ay ku nooshahay, sidaana ay ugu dhaqaaqday la dagaallanka saboolka.”

Run ahaantii, Xasan, wuxuu ahaa ardayga keliya ee marka ay tartan ka qeybgelayaan sida aadka ah ugu xisaabtamaan ardada fasalka ay wada dhigtaan iyo macalimiinta intaba, wuxuuna aqoon durugsan u lahaa maddooyinka ay qaataan, gaar ahaan physics-ka iyo Xisaabaadka oo ardayda kale uu uga fiicnaa.

Guuldarradii jaceylkiisa kaddib tartan weyn oo u dhexeeyey fasalka uu dhigto Xasan iyo fasal kale ayuu kari waayey in uu ka qeybgalo, balse saaxiibadiis oo aad u jeclaa ayaa hoygiisa ka soo maray isagoo buste isku duuduubay sidii ruux malaariyo hayso, waxayna ku booriyeen in uu raaco oo uu ka qeybgalo tartanka maadaama aan looga maarmin, Xasan isagoo qiimeynaya hadalka saaxiibadiis ayuu raacay.

Xasan isagoo maahsan oo maqane jooge ah ayaa goobta tartanka la keenay, dhowr daqiiqadood kaddibna tartankii ayaa bilowday, Xasan oo maalintaas laga filayey in uu guul wax ku ool ah u soo hoyo fasalkiisa ayaa gabey firfircoonidii iyo howlkarnimadii uu ku caan baxay, isagoo weliba fasalkiisa ka saacidi jiray su’aalaha ad-adag ee Xisaabta iyo Physics-ka, balse nasiib darro maalintaasi Xasan mar qura ma uusan isku dayin inuu ka jawaabo hal su�aal, waxaana u shidnaa mowjad kale, waxayna isaga iyo ardaydii ay fasal wadaagga ahaayeenba guuldarro aad u weyn kala soo hayaameen goobtii tartanka.

Xasan, dhib weyn kuma aysan hayn guuldarrada ku soo habsatay fasalkiisa, waxaase maskaxdiisa mashquuliyey “Qalanjadii qalbigiisa qolka ka degtay, misana aan daryeeleyn naftaan aawadeed la il daran.”

Xasan, si kastuu u sasabo amaba u maaweeliyo nafsaddiisa wuu samirsiin waayey, mar kastuu u hawoodo in uu la kulmo Warsan waxaa maskaxdiisa sidii ambalafaayarkii uga dhex dhawaaqayey ereyadii deyrada ahaa ee Warsan ay ku soo gunaanudday kullankii hore ee ahaa:- “Waxba ha isku daalinoo, waddo aad dhammaadkeeda, weligaada gaareyn, waqti kaaga luminee, waawareey intaan oran, waddada iiga beyr.”

Kolkuu ereyadaas kulkulul soo xasuustana Xasan dib ayuu cantuuftiisa isaga liqi jiray, wuxuuna la dersay jaceyl ay cidina la wadin, waqtigiisana lumiyey, si kastuu sameeyana aan sadrigiisa ka suuleyn.

Xasan, wuxuu dhexda ka galay badweyntii murugada oo qofina ay ka badbaadin Karin, Warsantuu calmaday mooyee�waxaa marba marka ka dambeeya ku sii kordhayey fikir iyo fayoobi darro uu ka dhaxlay qalbi ka sii janjeera� kalgacal uu ku keliyoobay buu cidlo kula cataabayey� mowjadaha jaceylkaa marba dhan u jeedinayey� (Illeyn caashaq ciirsi ma laha, qalbigu tuu calmaday mooyee!!!).

Run ahaantii, Warsan markeedii hore cishqi qarsoon ayaa laabta ka degay, kaasoo ay u qaadday Xasan, maxaa yeelay Xasan wuxuu ahaa ardayga keliya ee ardayda fasalka oo idil ay sida aadka ah uga wada heleen, gaar ahaanna gabdhaha oo iyagu u riyaaqay sida uu casharada ay macalimiintu bixiyaan dib ugu sharaxi jiray, isagoo si fiican u fahamsiin jiray, wuxuuna Xasan ku sifoobay dabeecad wanaagsan, furfurnaan, howlkarnimo, waayo-aragnimo iyo weliba fahmad uu Eebbe ku maneystay.

Warsan, si kastoo ay nafteedu uga heshay Xasan, haddana waxay doorbidday in ay ka weecato xaggiisa, kana goosato xitaa salaanta, waxayna had iyo jeeraale isku maaweelin jirtay waxyaabaha la daawado, sida TV-ga, iyadoo is illowsiineysa jaceylka Xasan ee faqriga ku dhisan, balse way kari weysay oo mar weliba waxaa la horkeenaa sawirkiisa, waxayna nafta ku canaan jirtay in ay iska ilowdo jaceylka saboolka galay.

Xasan, hooyadii Faadumo iyo aabihii Nuur madi ayuu ku ahaa, wuxuuna ku soo barbaaray nolol ciriiri ah, taasoo ay ugu wacneyd Aabihii oo geeriyooday Xasan oo umusha lagula jiro, hooyadiina wax ehel ah waxay ka shansaneysay walaalkeed Cabdi oo kala hooyo ay ahaayeen, wuxuuna ahaa nin aqoon sare leh, isla markaana Ditoor ah, wuxuuna ku nool yahay Mareykanka.

Abti Cabdi, wuxuu ahaa ninka keliya ee hooyo Faadumo ay is oraneysay garab ayaad ka heli doontaa, balse xaas iyo caruur fara badan ayuu ku yeeshay Mareykanka, dib dambana uma soo eegin walaashiis, isagoo xitaa war iyo wacaal toona aysan ka helin.

Hooyo Faadumo, waxay ahayd hooyo aad u firfircoon, dhibaatooyin badanna ay soo food-saareen, waxayna dhexda u dhuuqsatay koriinshaha wiilka keliga ku ah, iyadoo aysan jirin cid ku garab qabatay Alle mooyee, balse Hooyo Faadumo waxaa farxad iyo reyn reyn u aheyd wiilkeeda oo qaan gaaray, misana waxbarashadiisa ay meel wacan u mareyso.

Abti Cabdi, wuxuu noqday hantiile caan ah oo sharaakado badan ku yeeshay dalka Mareykanka iyo waddamo ka mid ah Yurub, wuxuuna dib u qooraansaday, isla markaana dib u jaleecay xaalka ay ku sugan tahay walaashiis Faadumo, isagoo iska dhaadhiciyey in ay tahay fursadda qura ee cafis uu kaga dalban karo walaashiis ay tahay in uu Mareykanka soo dejiyo, wuuna go’aansaday.

Dhanka kale, Warsan, waxaa u rumowday riyadii ay muddo dheer ku taami jirtay, waxayna hanatay kii hammigeeda ku yiil, hantiile Holandi ka yimid ayay nolosha la qeybsataa, aroos aad ay ugu riyaaqeen dhammaan marti sharaftii ka soo qeyb gashay ayaa loo dhigay, balse hantiile Hanad ayaa ahaa nin tumasho badan, oo dhaqanka reer galbeedka wata, wuxuuna habeen walba ku caweyn jiray kalaabyada caalamiga ah ee magaalada Muqdisho sida Curubo & Jubba, taasoo Warsan ay aad u dhibsatay, waxayna arrintaasi dhalisay muran xoogan oo labadooda soo kala dhex galay, kaasoo ugu dambeyntiina ku soo afjarmay furiin iyo kala tag ay Warsan ku weysay hantiilihii ay waqtiga dheer ku hammin jirtay, waxayna noqotay nasiiblaay aan naruuro laheyn, waxayna nasiib darrada la soo deristay u nisbeysay qaladkii ay ka gashay naftii ka dooratay dunida. Waxaase la yaab iyo fajaciso ah Warsantii u han weyneyd in ay tujaar la haasaawdo, saboolkana ka dido in ay maanta shalaay ka taagan tahay, waxayna dib u qooraansatay jaceylkii ay iska indho tiri jirtay ee Xasan, balse miyey is weydiisay waxay kala kowsan doonto? Cishqigii dhabta ahaa ee ay iska meermeerin jirtay ayaa ku laba laabmay “Illeyn waxaad qarsato way ku qurunsadaane,” jaceyl waqti badan ay is illowsiin jirtay ayaa ku xididdoobay� iyadoo saboolnimo aawadeed u dafirtay kalgacalkii laabta ka degay� “Si kastood isku maaweeliso jaceylka dhabta dheel kuma suulo” ayay Warsan iskula qowshay, iyadoo xaalkeedu ku soo biyo shubtay in ay dhexda u dhuuqsato sidii ay u hanan laheyd cishqigey cidlada kaga dhaqaaqday, iyadoo u aaba-yeelin dhibbanaha la ildaran jaceylkeeda, waxayna war ugu soo koobtay hadal kulul oo murugo ku reebay, kaasoo Xasan aan marnaba laabtiisa ka suuleyn, wuxuuna qorsheystay inuu iska iloobo jaceylka saboolnimada ku dhisan ee uu la heehaabayo, maadaama aysan cidina ku garabsiineyn.

Warsan, waxaa ku beryey waa cusub, waxaa mar walba hor imaanayey suuraddii naftii ay arda qurubada kaga tagtay, waxay mararka qaar is weydiisaa “Armuu ku diidaa ku deyriyaa ood ku daashaa,” haddana middaas nafteedu kuma aysan samreyn oo waxay doorbiddaa in ay fool ka fool kula kulanto nafta hargal iyo hoyaadba seejisay ee fekerka iyo fiyoobi darida ku beertay.

Waa yaabe, Xasan ma u maciini doonaa naftan aawadiis u il daran?� Mise wuu ku gacan seyri doonaa?� Haddiise uu wax kala qaban waayo jaceylka jiifka iyo joogaba ka jaray, sidey Warsan xaaladdeedu noqon doontaa?.

Warsan, waxaa mashaqo iyo murugo ku sii abuurtay markastoo ay damacdo in ay Xasan u bandhigto cishqigan ceysh iyo cabitaanba ka gooyey, misana culeys iyo caloolyow ku sii kordhiyey, waxay ka baqataa in uu u deyriyo, balse waxay ka badin weysay in ay deg-deg ku hesho dawadii qalbigeeda.

Warsan, waxbarashadeedii seeg-seeg ayay ku noqotay, min bilowga xisadda illaa dhammaadka waxay labadeeda dhaayood ku shuqlanaayeen shaqsiga ay daraadii u miir doorsoontay oo maba la socoto duruusta ay macalimiintu bixinayaan, su’aalaha wareegtada ah ee macalinku ardayda weydiinayo kolkii ay iyada ku timaado dhowr jeer ayuu macalinku u yeerayey, waxayse goor dambe oo ardayda iyo macalinku la cajabeen waxa helay gabadha, sidii qof hurdo ka soo toosay mar qura ku soo baraarugtaa iyadoo lagu wada qoslayo, misana ardaydu labo labo ugu sheekeysanayaan, waxaana mararka qaar dhacda in macalinku ku yiraahdo “Imtixaankii final-ka ee shahaadada Dugsiga sare lagu qaadan lahaa ayaa kugu soo fool leh, mana u maleynayo haddii aad sidaan ku sii socoto in aad ku baasi doontid, waayo dadaal fara badan ayaa lagaaga baahan yahay, mana ku socotid waddadeedii.” Balse Warsan, hadallada uu macalinku oraneyey ma aysan aheyn kuwo ku socday oo ay tixgelin siineysay, ee waxay waqtigaas ku dhex maquuraneysay badweyn jaceyl, waxayna iskula hadaaqeysay “Markii xisada laga baxo miyaad la kulantaa, mise fasalka dhexdiisa ayaadba ugu soo bandhigataa?”

Goortii uu gambaleelku yeeray oo ardadii loogu baaqay in ay fasax yihiin oo la soo wada dareersaday, iyadoo qof waliba ay u degdegeyso halka ay danteedu tahay ayay Warsan go’aansatay in ay sinnaba isaga lumin fursaddan qaaliga ah, oo ay geesinimo is geliso,una sheegato Xasan jaceylka jahwareerka ku riday.

Warsan, waxay soo xuurisaba markay Xasan ku soo dhowaatay ayay cod dabacsan oo macaan ku tiri “Gacaliye, waan ku salaamay,” Xasan oo la yaaban qofka dhabarkiisa ka soo hadlaya, misana gacaliye oranaya ayaa mar qura dib u qooraansaday, saa waaba Warsantii cidla ciirsi la�da kaga dhaqaaqday, inta wejigiisoo idil is baddelay ayuu si kulul u yiri “Maxay tahay salaanta aad maanta ila soo maagtay, muraadkaaga ma yaree, danahaaga ka hadal, warkana ii soo koob waqtiyaa igu socdee”.

Warsan, naxdin iyo argagax awgii ayuu hadalkii dib ugu noqday, in yar kaddib goorey sii aamusan tahay oo wax war ah ka soo bixi la’ yahay, ayuu Xasan damcay in uu halkeeda kaga tago, balse kolkuu labo tallaabo horey u qaaday ayay mar keliya Warsan bushimaheeda ka soo firxadeen ereyadaan:-

Xasanow, Xaqiiqdii, Xasuustii Cishqigaadaa,

Xubnaha jirkeygiyo, Xabadkiyo beerkiyo,

Xameetidiyo calooshey, Xuubsiibay idilkood,

Xarkihii jaceylkaa, Ixir-xiray dhammaanteey,

Xayaatadii nafteydaa, Xabsi kuugu jirtoo,

Xasanow la�aantaa, Xabaashaan doorbidee,

Xalaashaadoon ahaadaa, Xaajadeydu tahaye,

Xakaar iga dhowroo, Xaruntaada I gee.

Xasan oo dhegihiisu ay dhibsanayeen ereyada cataawga ah ee Warsan afkeeda ka soo burqanayey ayaa ugu jawaab naqay sidan:-

Xubbigaad igu idleysayoo, Xakaarkiyo dhibtuu I baday,

Xumadduu igu beeriyo, Xusuustiisii la waashayoo,

Xawooleey dhamaantood, Adiga kaaga soo xushay,

Waa adigii xoorayoo, Xushmaddiyo wanaagiyo,

Xummaan iigu baddelee, Xuural-cayn I kaafisaan,

Xamar ka soo xushayee, Xubbi kuuma qabee,

Xoolo ninkii kaa qabo, Xafiisyada ka dacwee.

Warsan, kii kurbada kalgacal baday kolkuu keligeed cidlada kaga dhaqaaqay, ayay noloshoo idil ka doorbiday geeri, waqtigaas wixii ka dambeeyey Warsan maskaxdeedu taam ma ahayn, sidii qof waalan ayay u soconeysay, keligeed bay isla hadleysay intii ay waddada ku sii jirtay, goortey hooygeedii soo cagadhigatay ayay mar qura sariirta isku tuurtay, iyadoon cidina war ku darsan.

Warsan, maalintaas waxay u aheyd maalintii masiibada iyo mururgada ay la deristay, ma aysan garaneyn meel ay kaga baxsato mushkiladdan soo asiibtay, waxay mar is tiraahdaa “Nolosha inta kaaga harsan, sidaan miyaad ku sii jiri doontaa?� Mise xabiibkii aad koonkan ka xulatay ayaad hoy xalaal ah kula caweyn doontaa?”

Warsan, waalidiinteed iyo walaalaheedba aad ayay uga naxeen dhibta haysata gabadhooda. Hooyo Maryan oo aheyd Warsan Hooyadeed ayaa aad u jecleyd gabadheedha, waxayna iyadoo weydiineysa sida loo hayo ku tiri “Gabadheydiyey, maxaa ku helay?� Xagee lagaa hayaa?� Maxaad u baahan tahay oon kuu qabtaa?” Warsan, oo moodeysay in Xasan wax looga sheegay ayaa mar qura la soo boodday “Xasan aaway?!� ma imaanayaa?!” iyadoo weli ereyadaa isaga hadaaqeysa ayay Hooyo Maryan tiri �Waa kuma Xasanka ay gabadheyda sidan ugu waalan tahay oo maskaxdeeda oo idil qabsaday? Balse ma aysan jirin cid su�aasheeda uga jawaabtay, waayo ruuxa ay la hadleyso maba ahan qof xasilloon oo maskaxdeedu deggan tahay, ee waa qof ereyga carrabkeeda soo dhaafaya uu Xasan ku lamaanan yahay.

Si kastaba ha ahaatee, Xasan, Abtigii Cabdi ayaa la soo hadlay, wuxuuna ku wargeliyey in uu dhowaan Muqdisho ku soo fool leeyahay, taasoo sii xoojisay isla markaana sii dhistay niyaddii Xasan oo iska illoobay dhibtii iyo dhakafaarkii uu ku hayay kalgacalkii uu ku keliyoobay, isagoo ay dib ugu soo noqotay firfircoonidii iyo howlkarnimadii uu horey uga lumiyey jaceylkii Warsan. Wuxuu diyaar garow xoog leh ugu jiraa imtixaankii kama dambeysta ahaa ee Dugsiga Sare, wuxuuna sida badan xilliyada uu firaaqada haysto muraajaco ku sameeyaa buugaagtiisa. Xasan oo fahmad uu Alle ku maneystay ayaa kalsooni buuxda iskugu qabay in uu ku guuleysan doono imtixaanka dhowaan ku soo fool leh.

Wuxuu waqtigu is guraba, maalinba ay maalin u dhiibto, waxaa la soo gaaray xilligii uu qabsoomi lahaa imtixaankii final-ka ee Dugsiga Sare, ardaydii oo idil waxay soo camireen wajiga hore ee Iskuulka si ay u xaroodaan fasallada loogu talagalay. Xasan, ayaa ka mid ahaa ardayda sida farxaddu ku dheehan tahay isugu qaban-qaabiyey gelista imtixaanka, isagoo ku han-weynaa in uu guul ka soo hooyi doono.

Dhanka kale, Warsan, iyadu yididiilada iyo diyaargarawga loogu jiro imtixaanka way ka baaqsatay oo mowjado hirar waaweyn leh ayaa sitay, waxay dhex maquuraneysaa badweyntii caashaqa oo cidi ay ka caawin Karin.

Aabbe Max’ud Geeddi, oo ahaa Warsan aabaheed, hantiile caan ahna ka ahaa magaalada Muqdisho ayaa gabadhiisa ku guubaabiyey in ay isku diyaariso imtixaanka, isagoo weliba aan war iyo wacaal toona u hayn jacelka gabadhiisa ku xidideystay isla markaana jiifka iyo joogga ka jaray, waayo wuxuu moodayey xanuunka gabadhiisa haya xanuun dumar uun. Balse Warsan maankeeda marnaba ma gelin hadallada guubaabinta ah ee aabaheed uu kula qowlayey oo waxaaba marba marka ka dambeysa la hor keenayey muuqaalka iyo habdhismeedka midka ay magaaladan ka alkumatay, misana maankeeda dooriyey.

Gambaleelkii ayaa yeeray, ardaydii oo idil fasalladoodii ayay ku wada xaroodeen, marka laga reebo Warsan oo xaaladdeeda caafimaad laga deyriyey. Run ahaantii Warsan marka loo eego halka uu gaarsiiyey Jaceylka Xasan ma aheyn mid dheel dheel uga suulayey, waayo cudurka sidiisaba intuu cusub yahay ayuu wax ka qabasho leeyahay, balse mar hadduu kugu fogaado si loo daweeyo way adag tahay, (Gamuunna mar hadduu gacanta ka baxo soo celis ma laha). Warsan, wax badan ayay iska meermeerin jirtay jaceylka dhabta ah ee Xasan ay u qabtay, iyadoo taasina ay u aaneyneysay saboolnimo darteed. Waxaa bilaabatay xisadii ugu horeysay ee imtixaanka, Xasan subaxaasi wuxuu ka mid ahaa ardayda ugu caaboon ee farxadda wejigooda laga dheehan karay, imtixaankii markuu dhammaaday ayay dhammaan ardaydii dibadda u soo wada dareereen, iyagoo la moodayo askar xero laga soo saaray.

Warsan, subaxaasi iskaba daa in ay imtixaanka ka qeyb gashee qofkii arkaa maba rumeysaneyn xitaa in ay jiifka ka soo toosi karto, waayo waxaa la moodayey sidii qof sanad sakaraad aheyd, oo sariir ayay wehel la noqotay� indhihii deeraleyda ahaa god ayay ku aruureen� dhabannadii dhal-dhalaalka badnaa raf ayay noqdeen� qaabkii iyo quruxdii soo jiidashada laheyd way suuleen � il mar aragtaahi mar kale uma xiiseyn in ay eegto� sidey isu baddeshay oo ay u baaba�day darteed, horey ayaana loo yiri “Wax kastoo qiime leh mar ayay qiime beelayaan.” Warsan, qofkeedii hore ma aheyn� ruuxii horey u garanayey xitaa hadduu arko ma keeni Karin wejigeeda, waxaana suurtagal ah haddii ay sidan ku sii socoto in ay Qatar weyn soo asiibi doonto.

Warsan, hooyadeed iyo aabaheed iyo weliba ehelkeeda oo dhami aad ayay u saameysay, ugana damqadeen waxyeelada ba’an ee gabadhooda soo gaartay, iyadoo weliba imtixaankii Dugsiga sare ee Shahaada lagu qaadanayey aanay ka qeyb gelin, isagoo dhammaaday intey la madluunsaneyd miriidka micigii uu ku muday mataankii qalbigeeda.

Aabbe Max’ud iyo Hooyo Maryan goob kastoo caafimaad oo ay geeyaan gabadhooda Warsan waxba way ka qaban kari waayeen dhammaan dhaqaatiirtii ku sugneyd isbitaallada la geeyey, daawooyin aan waxba u tarin ayaa la siiyaa, balse Warsan ma ahan qof la haysato dunidan oo waaba sida qof waalan oo kale.

Warsan, goortey ku dabaalaneyso badweynta murugada, Xasan wuxuu dhex mushaaxayaa farxad iyo yididiilo uu ka dhaxlay ka gadaal markii uu Abtigii Cabdi ku wargeliyey in uu beriba u soo baqoolayo magaalada Muqdisho, “Ninba waayihiisaa waalo loo tumaa” ayaa horey loo yiri, sidoo kale, Xasan, Abtigii Cabdi wuxuu u sheegay in ay safarkiisa ku wehliso Xamdi oo ah gabar uu isagu dhalay oo quruxda uu Eebbe u sameeyey aan la soo koobi Karin.

Xamdi, Aabaheed Cabdi sababta uu uga soo wadayo qurbaha ee magaalada Muqdisho uu u keenayo waxay tahay si uu u illowsiiyo dhibaatadii faraha badneyd ee Walaashiis Faadumo ay soo martay, isla markaana uu kaga saari lahaa cuqdadda daba dheeraatay ee uu ku beeray, taasoo uu uga gol leeyahay in uu maslaxad uga dhigo gabadhiisa Xamdi oo uu siiyo wiilkeeda Xasan, isla markaana uu walaashiis Faadumo u wado carriga Mareykanka, isagoo qorshihiisu yahay in uu meherka Xasan iyo Xamdi ka dhaco Muqdisho, arooskooduna ka dhaco magaalada New-york ee dalka Mareykanka .

Abaarihii 9:00 (sagaalkii subaxnimo), mar in yar ka horeysay ayay Xasan iyo hooyadii Faadumo ka soo jarmaadeen hoygoodii, una soo baqooleen dhanka Aayraboorka caalamiga ah ee magaalada Muqdisho, kaasoo magaalada uga beegan dhanka koofureed, xiligaas oo la filayey in ay soo caga dhigato diyaaraddii sidday Abti Cabdi iyo gabadhiisa Xamdi.

Hooyo Faadumo iyo wiilkeeda Xasan, waxay dhararayeen xilliga ay diyaaraddu imaaneyso, daqiiqado yar kaddib ayaa mar qura waxaa hawada soo galay diyaaraddii Boeing 707, markay soo degtay diyaaraddi waxaa si habsami leh uga soo daadegay rakaabkii saarnaa oo ay ka mid ahaayeen Abti Cabdi iyo gabadhiisa Xamdi.

Waxaa is helay walaalo isu oomanaa oo sanayaal is moogaa� waalid iyo awlaaddiis isu hammuun qaba ayaa is hantay� salaan iyo soo dhoweyn diiran ayaa la isku qaabilay, waxaa si wadajir ah loo soo raacay gaari yar oo darawlkiisu sugi la�aa inta la isa salaamayey oo la is dhaafdhaafsaney dhunkashada walaaltinimo iyo midda waalidnimo ee gacaltooyadu ku dheehan tahay.

Xamdi, waa gabar 17 jir ah, dhererkeedu wa 1.75mt, midabkeedu waa casaan, hilib weyn ma laha, dhexda waa u yar tahay, tinteedu waa madow sii dhaafay garbaha, waa qalanjo gabar ahoo raggii arkaa uu calmanayo.

Xasan runtii intii gaariga la sii saarnaa eray ma oran, Abti, Hooyo iyo Xamdiba si talan taali ah ayay sheekada isugu dhiidhiibayeen, halka uu Xasan ku shuqlanaa ka bogashada bilicda iyo qaab dhismeedka uu Eebbe u abuuray Qalanjada Abtigii dhalay ee Xamdi.

Waxaa la soo gaaray hoygii Hooyo Faadumo, waxaa maalintaas guriga joogay isla markaana xaadir ku ahaa shaqaale loo carbiyey howlaha casuumadaha, kuwaasoo ay Hooyo Faadumo u yeeratay, maalintaasi farxad iyo reyn reyn ayaa si wadajir ah loogu wada qadeeyey� Casirkii goor la tukaday, casiriyuhuna diyaar yahay ayuu Abti Cabdi ugu baaqay Xasan iyo Xamdi in ay soo xaadiraan, maadaama la isu mehrinayo galabta, iyadoo uu mid waliba si gooni gooni ah horey ugu sii sheegay ayuu markanna labadooda oo wada jooga u sheegay, waxayna labadooduba muujiyeen in ay diyaar u yihiin ayna dhararayaan inta uu sheekhu isku mehrinayo.

Waxaa yimid Sheekh Cali Cusmaan oo markiiba isku mehriyey lamaanihii is doortay ee is calfaday, meher laga daba dhacay ayaa halkaa ka dhacay, farxad iyo damaashaad fara badan ayaa lagu caweystay. Habeenkaas Xasan iyo Xamdi waxay noqdeen labo isqaba oo wadaaga macaaniga ay noloshu leedahay.

Subaxdii kolkuu waagu dilaacay ayay Xasan iyo Xamdi ambabaxeen iyagoo soo daawaday dhammaan dhulalka dalxiiska ku wacan iyo goobaha taariikhiga ah ee magaalada Muqdisho. Galab casir liiq ah ayaa Xasan iyo Xamdi looga yeeray qolka fadhiga oo uu ku sugnaa Abti Cabdi, wuxuuna ku wargeliyey in maalinta Isniinta oo hal maalin oo qura ay ka xigto ay u socdaali doonaan dalka Mareykanka, halkaasoo ay xafladdii aqalgalkooda ka dhici laheyd.

Waxay goor sheegtadu ku beegan tahay 8:00 (siddeeddii aroornimo), maalintuna waa Isniin, waana xilligii ay Xasan iyo Xamdi ku qornaayeen Diyaaradda, dhammaan rakaabkii dayuuradda ayaa loogu baaqay in ay suummankooda dhuuqsadaan, muddo daqiiqado gudahood ahna diyaaraddii ayaa cagaha dhulka ka qaadday iyadoo ay ku giigsan yihiin suummankii badbaadada.

Abti Cabdi iyo Hooyo Xaliimo oo ku qadeynaya guriga deerkiisa ayuu yeeray gambaleelka mobile-ka Abti Cabdi “Hallow, waa kuma?” ayuu yiri Abdi Cabdi “Abti waa ilmahaagii Xasan iyo Xamdi, Illaahey waa na samo geeyey, waxaan kaala soo hadlayaa New-york” ayuu yiri Xasan, “Waa Alle mahaddii haddii aad samo tagteen, anagana waxaan rajeynaynaa in aan labo maalmood kaddib haddii Allaha awoodda lihi ogolaado aan idinka daba imaano.” ayuu ku macsalaameeyey Abti Cabdi caruurtiisii.

Sida ballantuba aheyd Abti Cabdi iyo Hooyo Faadumo labo maalin kaddib waxay u duuleen magaalada New-york ee dalka Mareykanka, iyadoo halkaasi aroos weyn oo qiime lahaa oo qarash aad u fara badan oo Abti Cabdi uu bixiyey lagu qarash gareeyey xafladdii Arooska Xamdi iyo Xasan, waxaana Arooskaas goob joog ka ahaa marti sharaf aad u fara badan oo Soomaali iyo Ajnabi isugu jiray waxaana sidoo kale door weyn ka ciyaaray Abti Cabdi oo mahaddeeda lahaa Alle ka sokow.

Xasan, noloshii ciriiriga aheyd wuu ka baxay, nolol cusub ayaa u bilaabatay, waxayba la aheyd in ay tahay markii ugu horeysay ee macaaniga nolosha uu dareemo, wuxuuna Maamule ka noqday mid ka mid ah Sharaakidaha waaweyn ee Abti Cabdi uu leeyahay, taasoo ku taalla New-york.

Dhanka kale, Warsan xaalkeedu ma wacna oo waxay noqotay qof aan dhimanna nooleyn, reerkeeda oo idil quus ayay ka noqdeen oo waxay ku sugned noloshii ugu xummeyd (Waa yaabe aaway kibirkii iyo isqaad-qaadkii faraha badnaa ee Warsan ay ku takri fali jirtay, ma kurbo iyo kadeed caashaq baa baddelay?).

Warsan, waxaa lagu qiyaasay in ay tahay qof waalan, daawo waa lagala quustay, waxay u dhaqmeysaa sidii qof waalan, keligeed ayay isla sheekeysaneysaa, waxaa loo qaaday Cusbitalka lagu xanaaneeyo dadka waalan ee Laansaleeti, waxayna ku biirtay liiska dadka waalan ee lagu hayay Cusbitalkaas, Warsan, intuu miyirkeedu joogay ereyadii ugu dambeeyey ee ay ku hadaaqday waxaa ka mid ahaa:-

Inankii iga doortay,

Ameerikiyo Aasiya,

Afrikada dhexdeediyo,

Afarta Qaaradoodba,

Anigaa u deyriyee,

Uur kutaallada maantiyo,

Amarkaan I haysto,

Anigaa is bidayee,

Alla! ayaan daraniyaa!!!

—000—000—

Anfacada la cunayiyo,

Iidaanka lagu daro,

Iimaba dhadhamayaan,

Inta aan ka kasbado,

Alkulnkii nafteydee,

Uur kutaallada maantiyo,

Amarkaan I haysto,

Anigaa is bidayee,

Alla! ayaan daraniyaa!!!

DHAMAAD

@C/qaadir Cali Cabdulle (Baange)
Email: mrbaange@hotmail.com

1 Comment

  1. walaalyaal buugaan waxaan isla aqrisanay gabar aan is jecleen oo aan hada is gurrsanay snadka markuu ahaa 2003 dii, waa sheeko aad iyo aad u calool xumo badan…lakin waa sheeko wacan


Comments RSS TrackBack Identifier URI

fikirkaaga waa muhiim pls leave comment

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: