QALBI JACEEYL GALAY MA QUUSTAA?!!! Q-kowaad



Sheekooyinku waa nuucya badan yihiin, Midiba waa ceeynoo midbaa ah khiyaali midna waa xaqiiqo waa wax dhacay, balse Sheekadaan ayaa ah mid xaqiiqo ah oo waxay ka dhacday magaalada Muqdisho ee dalka Soomaaliya, sheekada ayaa ah mid aad u muruga badan misane mareeyso marxalada kala duwan sida kuwo farxadeed, murugo, naxdin iyo dagaal.

W/Q: Abdirashid Ismacil Xaaji (Qoslaye)
Email: wardheere10@hotmail.com

wardheere10@yahoo.com


Sheekadaan ayaa u dhaxeysay lamaane Somaliyadeed, kuwaasoo Jaceylkoodii kusoo gaba-gaboobay bilaa natiijo.iyadoo aysan ceeb aheeyn waayo in tabadan waxaa la sheegaa oo la soo ogaaday dadka is jecel in aysan is hanan inta badan walina lama hayo sababaha dhabta ah ee loo aaneeyn karayobalse Lamaanahaan ayaa waxaalagu kala magacaa fatxi iyo Farxaan.

Hadaba Farxaan oo sxbkeey ah ayaa ila soo xiriiray maalin ay tahay talaado taariikhduna ku beegneeyd 21 bisha October sanadukuna ahaa 2008 isla markaana ii soo bandhigtay in aan sheekadaan qalika u qaatto waqtina ku bixiyo isagoo iiga hadlay sidii ay wax u dhaceyn, Iyo marxaladihii kala duwanaa uu soo maray iyo baahida ku dhallisay in aan sheekadaan qoro, dhab ahaantii ma aheeyn qiso ama sheeka sahlan, waxeyna aheeyd mid uu wax ka qorin lahaa qoraa kasta oo sheekadaan loga sheekeeyo.

Sheekada ayaa ah mid aad u xiisa badan.Waxeeyna ku bilabaneeysaa:

Waxaan ku dhashay magaaladda Marka ee gobolka Shabeeladda Hoose, sanadka markuu ahaa 1983-dii halkaas oo dhamaanba eheladeeydu ay ku noolaayeen muddo aad u dheer, noqdeena dad caanka ah dhamaanba Gobolka shabeelada Hoose gaar ahaan magaalada marka oo ah meesha aan ku dhashay.balse waxan kusoo barbaaray magaaladda Muqdisho oo aan ku soo qaatay nolosheeyda inta badan, anigoo hal sano jir ah bay dhimatay hooyadey,mana laheeyn wax abtiyaal ah ama habaryar yaal ah oo hooyadeey kaligeed buu dhalay awoowgeey, aabaheeyna wuxuu ahaa xamaali aan waxba heeysan. Isaga qudhiisa waxaa dad kala dhashay hal wiil oo adeer oo madaxa looga jiro
.
Waxaan i soo korsatay Eedadey oo Aabahey la-dhalatay.Mar walba waxaan ka murugo aan dhamaan igu aheeyd hooya la’aanta marki aan maqlo wiil ama gabadh dhaheeyso hooyo waan nxin jiray oo beerka ayaa i damqan jiray waayo maanan soo arag arxanka hooyadu ay leedahay wallow aan garanayay dhibka hooyadu ila soo martay mana heeysan wax kale oo aan ka shinsado ama aan dhahayo badalki hooyada ayay iigu jiran habaryar la’aan, abti la’aan iyo ayeeyadi hooyadeey dhashay oo hal mar ay wada dhinteen hooyadeey. Wallow murugadu iska badneeyd hadana waxa ugu weeyn ayaa aheeyd adeerkeey oo isna waalan oo aan cidi u maqneeyn oo aan heeysan cid daryeesha iyo aabe oo aan waxba u qaban Karin oo isna xamali ah.
Sidoo kale ma jirin wax kale oo ehel ah oo aabaheey la dhashay marka laga reebo adeerkan madaxa looga jiro iyo eedada aan lanoolaa.

Xilli aan dhiganaayay Dugsiga Qur’aanka ayaa waxaan dareemay cadaadis adag oo aan kala kulmay ninkii qabay Eedadey.eedo iyada qudheedu ma aheeyn ruux aad u naxariis badan ama jil-jileeca yaqaana aniguna ma ihi nin weeyn oo wax garad ah ama awood leh mana garaneeyn meel kale oo aan uga baxo ama uga cararo cadaadiskaan, iyadoo ay sidaa tahay ayaa waxaa maalmo kadib geeriyooday aabaheey oo ahaa xamaali markii horena iska yara xanuunsanaa, murugadi I heeysay ayaa igu sii lixaadsatay oo ifka isaga ayaan ka fiirsan jiray habeenka jimcaha ayaan la soo seexan jiray, marki leeygu qeeyliyo ayaan aadin jiray, balse maalintaan wixi ka danbeeyay ayaan dareemay muruga midda ugu ciilka badneeyd, walwal, wal bahaar, naxdin, murugo iyo ciil ayaa ii biloowday.Fatxi waxaa dhashay Eedadey Aamina, waxeey ila dhigan jirtay dugsigeeyga quraanka,

Fatxi waxeey aheeyd gabar aad u da’yar balse ilaah uu ku manneeystay caqli iyo degenaan waxaase u sii dheereeyd sifooyin badan oo aan qoraal lagu soo koobin Karin Fatxi mar walba oo aan ciishooda waxay aheyd gabadha kaliya ee niyada ii dhisi jirtay, marki leeydilo weey ila ooyin jirtay, marki banaanka leeysaaro weey iga soo daba bixin jirtay waayo waxeey aheeyd gabar aad u naxariis badan edeb iyo asluubna alle uu ku manneeystay, Fatxi aad ayay ii dhaqaaleyn jirtay, xilligaas waxaan jiray 11sano. balse weey igayareeyd oo waxeey iyana jirtay markaas 9 sano, da’da iyo caqli eebe kumanneeystay waa kaaf iyo kala dheere, waa mashriq iyo maqrib waa wax aan dadku wada qabin waxa intaa kabadan kartida, go’aan qadashda,dad jeclida iyo dulqaadka.

Fatxi ilaah wuxuu u hibeeyay qurux, dabeecad,edeb, asluuub,faham, ruuxi arkaa wuxuu shakki ka muujinayay da’da in aysan aheeyn midda loogu sheego waxeey u dhaqantaa sida 30 jir waxeey uadeegtaa sida ruux qangar ah xishoodka iyo qiimeeynta waa wax ilaah ugu deeqay.

Maalin ayaa waxa dhacday inaan kusoo daaho kubad anigoo ku ciyaaraayay xaafadda gubta ee degmada Deynile, Nasiib darase waxaa halkaasi igu soo arkay aabaheed ama ninka qaba Eedadeey Aamina.Wuxuu iila dhaqmay si ka baxsan wanaaga bani’aadanimada, qaraaba nimada iyo xurmeeynta insaanka, isagoo igu dhex ceebeeyay dhalintii aan kubada la ciyaaraayay, waxna aanan ii reeban, Balse waxaa iga qiima badneeyd hadalada qaar uu i dhahay inuu nafta iga gooyo.Marki aan guriga ku soo laabtay ayaa Waxaa i dareentay oo aad ii dajisay marki aan uga sheekayay arrinka isoo qabsaday. waxeey ii gashay booskii aabe iyo hooyo waayo waa cidda kaliya ee farxadeeyda dooneeysa ilana jecel wax walba oo nafteeydu jeceshahay.

Muddo kadib waxaan dhameeyay dugsigii quraanka kariimka oo aan mar qura wada dhameynay aniga, iyo wiil iyada la dhashay, waxaa inoo biloowday school oo ay nageeysay eedadeey wuxuu la dhinjiray Al-khalil school wuxu ku yaallay xaafada xararyalle e degmada wardhiigley in muddo ah ayaan wada dhiganeeynay. iyo walaalkeed marki ay guriga ka soo baxayaan waxaa la soo siin jiray lacag baabuur ay ku raacaan iyo mid kale, Lkn aniga ma jrin cid iga naxdo lacagna waligeey gacanteeyda soo ma galin marka laga reebo Fatxi oo wax iga siin jritay lacagteeda loo soo siiyo baabuur raaca.

Mudo marki Aan School lug uga imaaneeyno subaxdiina aan u lugeeyneyno aniga iyo ayaa waxaa ogaaday adeerkeey ama ninka eedadeey qaba oo markii danbe Fatxi ka bedalay schoolki geeyayna midkale, murugu ayuu arirnkaas iigu noqday iyo culeeys maadaama aan iyada ku tiirsanaa.

Fatxi waxay ii daryeelin jirtay si wanaagsan. Dadka qaar kood waxay nagu xaman jireyn inaan nahay laba qof oo walaalo ah.balse aniga waxba maanan ogeyn oo Fatxi waxay ii qaaday Jaceyl aanan caadi aheyn, Xaaladaas waxaa ku sugneyn muddo dheer, anigoo 22 jir ah Fatxina ay tahay 20 sano jir, ayay la adkeysan weyday Jaceylka faraha badan ee aniga ii qabtay.

Iyadoo ay tahay xilli habeen maqrib ah ayay Fatxiu soo labisatay si aanan weligee ku arkin, waloo ay aheyd Fatxi gabar haddii ay labisan tahay iyo haddii kalaba aysan qarsoomin quruxdeyda, Ilaah ayaa ugu deeqay ruux haduu daawadana Kama daayo in dhaha deeymadoow la raacaa, eegmadana wuu la dheeygagaa dhalinyartu weey is weeydiiyaan. Fatxi waxay u soo jaleecday dhankii aan taagnaa hase ahaatee waxay i dhiibtay Bashqad iyadoo igu tiri soo akhriso igana soo jawaab, waa cajiib waxaan is weeydiiyay maxay ula jeedaa yaa u soo dhiibay waayo Fatxi ayaa ku jecel maba aamineeyn.

la soco qeybta labaad

Leave a comment

No comments yet.

Comments RSS TrackBack Identifier URI

fikirkaaga waa muhiim pls leave comment

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: