QALBIJACEYL MA QUUSTAA ? Q_3AAD


Maalma kadib ayaa waxaa dhacday in sxbkeey Xassan leey soo adeegsado oo isagii aan ku lahaa ifka marka laga reebo jaceeylkeeyga dhintay ee sahalka igu dhaafay iyo sahay la aanta, ayuu igu dhahay Xassan “sxbow anigu safarbaan u socdaa cidana waxaan kala kulmay culeeys adiga daraadaa leeysaarayo ee sxbow iska bax oo raadso meel kale”,


wax aan ku hadlo garan maayo waxaan noqday dhibane aan dhalan, waxaan daris la noqday naxdin is daba joog ah, sxbkeey Xassan ayaa waxaa la baray gabar ilama adeer la ahay Fatxi oo la dhaho Sacdiyo oo halkaas ayaa leeygugu wada tashaday sir maqaba raxmaankoow adiga u sahan ayan n maqlin jiray, sxbkeey waxaan kala kulmay ciriiri, waji gabaxsanaan, jeesjees isagoo dhallinyarada dhexooda igu ceebeeynayo iguna dhahayo waa wecel aan dad laheeyn hooyadeey ayaa nagu qasbeeysa ee waxaan muu naga tago haduu dad leeyahay.waa yaab waxani muyiisan aheeyn Xassan sidaan I dhahayo war aduunyooy xaalqado illeen sxb isku halleeyn malahan maba ahan ninki aan garanayay waa nin cusub wuxuu safka la soo galay Fatxi iyo Aabaheed malaha waxaa soo jiidatay Sacdiyo, waxaan qiray oo aan ogaaday inuusan dad aamin laheeyn sxbtinimada qaarkeedna aysan wax macna ah ku dhisneeyn.

Dhibkaan oo dhan waxaa ii geeystay Fatxi oo aan anigu u maleeynayay in ay tahay mid daacad ah wallow eey I jecled hadana waxaa ka tan badiyay qurba jaceey.intaas kadib ayaan waxaan go’aansaday in aan iskaga tago xaafadi sxbkeey Xassan oo aan kala kulmay waji xumo baahsan oo leey geeysanayo 24ka saac waxaan go’aansaday in aan shaqo raadsado balse nasiib wanaag wax shaqo ah maanan helin waxaa dantu i baday in aan ku biro dhallinyarada ku nool jirdiinada oo aan wax daryeel ah heeysan sida aniga oo kale, waxaan iskaga dhex galay asxaabteeyda oo u badneeyd dad reera muqaadaraad ah waxaa dantu i bartay dhaqan xumadii waxaan dhex jiiray dhibaatooyin ka badan kuwi jaceylka Fatxi iyo Murugadi aan dhamaadka laheyn ee aan kala kulmay sxbkeey Xassan.

Waxaan ku noolaa middo aad u badan KM4 oo ah meesha ay ugu badanyihiin dhallinyarada koolada dhuuqdo oo ku nool dhibaato aad u weeyn, wax hooy ah ma heeystaan, waxdaryeel ah ma heeystaan, waxaan daris noqonay Eyaha, Bisadaha, dhaxanta, roobabka mahiigaanka ah xilliga iska socda. Waxaan iskaga dhex jirnay dhibaatooyin aad u badan oo ay inoogu darneeyd dhallinyarada kale oo ika keeyn dileeysa marki ay indhaha nasaaraan.waxaa ka sii weeyn dhaqan xumada aan baranay sida: xatooyada, khiyaanada, fal-falxumada ay sameeynayaan dhallinyarada qaarkood.

Magaalada muqdishu waxeey aheeyd meel aad u dhib badan in lagu nolaado meelahaas oo kale Amni darrida jirta daraadeed dagaalada dusheena ayay ku biloowdaan hadana waa nagu dul dhamaadaan.maalinkastaa mid ayaa naga dhinta wax daryeel ah ma heeysan. Sxbkeey Xassan hooyadiis ayaa maqashay arrinka iyadoo logu sheekeeyn jiray ninki qaraabadiisi ayaa wadatay ayay igula kulantay anigoo dhaawacmay oo ay igu dul dheelayaan ciyaalki kale halki ayay iga qaaday waxaan soo maray markale cisbitaal waxaan galay cisbitaalki aan markii hore leey geeyay, dhaqaatiirtii iyo shaqaalihii cisbitaalka ayaa i aqoonsaday dabadeedna ila yaabay xaalka aan kusuganahay iyo maqaamki aan bulshada kaga jiray, daryeel iyo daweeyn fiican ayaa leey sameeyay waxaan lakulmay dad naxariis badan oo aad ii garanaya marki aan soo naaxay oo drugski jirkeeyga ka baxay ayaan waxaan aqoonsada maamadii dhashay sxbkeey iyo dhaqtarkii idaaweeynayay oo ahaa kii marki hore leey keenay.

Dadaal aad u badan ayay sameeyeen halki ayaan in muddo ah ku jiray oo aan jiifya muddo 6 bilood ah kadib waan kabsaday oo lugtii weey ii fiicnaatay, Xanuunkaas marki ay u adkeysan waysay Xassan Hooyadiis Caasha ayay igu tiri, waan dareemi karaa dhibaatada ku heysata ee meeshaan iskaga haajir iyadoo i siiyay lacag dhan 800 oo dollarka maraykanka ah.Waxan aaday magaaladda Nairobi ee caasimada dalka kenya, waxan ka helay shaqo Dukaan ah, Nasiib wanaag waxaa 3 bilood kadib Nairobi kula kulmay gabar 23 jir ah, magaceedu yahay Haboon, kana timid Sweden, waan is baranay in muddo ah ayaan wada soconay aniga oo naftu isiin weeysantahay oo aan Dumarki oo dhan u maleeyo sida Fatxi in ay u naxariis daranyihiin ayay ii sheegtay in ay iga heshay, si fiican ayaan isku baranay xaaladaheeyga oo dhan ayaan uga sheekeyay.

Waxeey aheyed gabar shaqsinimo iyo dadnimo intaba leh waxeey wax ka garaneeysay nolosha insaanka iyo wlaiba dhaqanka somaliyeed oo ah mid aad u wanaagsan.waxeey aheyd gabar aad loo soo tarbiyeeyay malaha aniga daraadeey Afrika loogu soo diray in ay dhibka iga bixiso, waxan galay nolol kale oo farxad leh haba iska yaraato is aaminaaduye hadana waan isfahamnay gabadhii waxeey I bartay dhamaan ehelkeedi iyo asxaabteedi. Aabaheed oo Kampala joogay bay igu tiri la-hadal oo baro waan iskiin baraye arrinkana aniga ayaa u sheegaye oo waan la-hadlay wuuna iga aqbal ayay i dhaday nasiib wanaag baabihi ayaan la hadlay wuxuuna ii sheegay in gabadhiisu ii baahantahay, waan garan waaayay runtii nasiibka aan yeeshay waan farxay hadana waan murugooday oo waxaanba is dhahay ma inti oo kale ayaad hadana soo mari doontaa muxuu xaalku noqon doonaa?, Waa aduunyee wuxuu kaloo ii shegay in ay gabadhu aad u jeceshay wiilasha ku nool dalkooda sida aniga oo kale wuxuuna ii sheegay inuu isiiyay gabadhiisa, arrinkaas ayaan aad ugu farxay oo raja fiican igu beeray.

Marki gabadhii aan nasiibka u yeshay ayaan ka codsaday in aan dalka somaliya dib ugu soo laabto wallow dalku aad u qasnaa hadana waan ku faraxsanaay in aan dib ugu soo laabto waayo wadankeyga ayaa wax waliba iigaga wanaagsanaay gacalisadeeyda cusub ayaa igula talisay in aan iska joogo Kenya balse waxaan halkaan kaga tagay adeerkeey yara madaxa loogaga jiro oo aan aan ehel dhan ka shinsanaa.

Sabti 22 febarayo sanadii 2009 ayaan ka soo degey Aadan cadde Airport ama international airport wax ehel ah oo isoo dhaweeyo maan laheeyn marka lag reebo adeerka xanuunsan, waxaa leeygu qabtay airportka oo leey sheegay in leeyga shakiyay kadibna xabsiga leey dhaadhaciyay wax aan galabsaday malahan waxaan ahay mawaadin, wadinayadda waxaa ii sii dheer waxan ahay wiil dhallinyaro ah oo noloshiisa inta ugu badan ku soo qaatay qas iyo jahawareer jaceeyl hadda oo aan nasiibkeeygi helayna waxaan ahay maxbuus, inta aan xabsiga ku jiray telefonkeeygi waxaa iga qaaday oo hayay ciidamada garoonka oo iskugu jiray kuwa Somali ah iyo kuwa ajaanib ah.

Xiriira fara badan oo ay ila soo smaeeysay gacalisadeeyda nasiib umaan yeelan in aan ka war helo waxaa loo shagayay oo kaliya in aan ahay maxbuus isla markaana leyga shakiyay, kala shakkintu ceeb kameeysan aheeyn soomaliya gaar ahaan koofurta haba ugu darnaato magaala madaxda muqdishu oo ana ku noolaa una soo aaday in aan aderkeey meesha kawado oo aan daawo laraadsho ama Cusbitaal wax looga qaban karo.Balse waxaad moodaa intallaabo kasta oo aan qaado carqalad iyo dhibaato joogta ah kala kulmo.

10 march sandkii 2009 ayaa leeyga soo daayay xabsiga iyadoon leey sheegin waxa ama sababta aan u xirnaa marka laga reebo uun in leeyga shakiyay, galab ay tahay talaado taariikhduna tahay isla malinta xabsiga leeyga soo daayay ayaan waxaan raadis ugu dhaqaaqay adeerkeeyga qaaliga ahaa oo aan meelna cidi ku ogeeyn maalinkaas iyo habeenkaas oo dhan waan baadi goobayay, marki danbe ayaa waxaa leeygaga sheegay inuu kusugnaa bishi la soo dhaafay Degmada Afgooye ee Gobolka Shabellada Hoose halkaas uu aad ugu dayacdareeysanaay. Waxaan go’aansaday subaxdii danbe ee arbaxada ayaan waxaan gari ka raacay Isgooyska Baar Ubax anoo ku sii jeeda Degmada Afgooye.

Nasiib wnaaag gaarigi ayaa wuxuu nagula gadoomay inta u dhaxeeysa Xawa Cabdi iyo Calamada halkaas o ay ku dhinteen dad badan sdido kale waxaa dhaawac soo gaaray dad aan anigu kamid ahaa, wallow aan dhaawacmay hadana waxaa midkeeyga iigaga darnaay adeerkeeyga aan ifka ka fiirsanayay oo aan qaraabo iyo ehel ka leeyahya isaga oo qura ayaan raadin iagag baahna, mana ahan ruux miirka qabo oo lahelayo meel lagala xiriiro.Dhaawaceeygu wuxuu ahaa mid aad u sahlan marka loo eego dadka kale ee gariga ila saarnaa.Halki ayaan gaari kale oo Taksi ah ka qaatay afgooye ayaan gaaray isla galabnimadii waxaan si fudud ku helay adeerkeey oo aan aad uga naxay diifta iyo dhibaatada ka muuqanaysay.

Waxaan soo abaaray xaafadeeydi aan kadegaanay Xaafada Gubta ee Degmada Deyniile oo aan hore uga sii diyaarsaday guri moddo 2 bilood ah ayaan halkaas adeerkeey wada degneeyn nasiib wanaag dhimiskiisa ayaa is bedalay oo dhibaatadi iyo diifti ka muuqaneeysya ayaan kala tacaalay.

Xiriirka Haboon igala dhaxeeyay muusan noqon mid is badalo, khilaaf nama soo dhex galin farxad iyo reeyn reeyn ayaan kuwada soconay inti aan ku sugnaa somaliya iyada ayaa biilkeeyga bixneeysay iyo dhamaanba wax yaabaha aasaasiga u ah nolosheeyda mudo gaaban kadib Nairobi ayay kusoo laabatay waxaana isku afgaranay kuna aqalgalnay, waxaana ku wada damaashaadeeynay muddo 3 bilood ah oo aan nasiib u yeeshay gabar qiima badan ahlu-diin ah noloshana wax ka taqaano magaceeduna noqday mid raago oo noqotay midi taariikhdeeyda dib u soo celisay iyo sumacadii aan bulshada ku dhex lahaa ugana magacdaray hanoon wallow aabaheed uu ula baxay HABOON balse HANAAN WANAAG ayaan u raaciayay.

Nolosha aduunyadu aadbeey u macaan tahay hadii aad hesho cid ku daneeyneesa ama nolosha wax ka taqaano kalsoonid sahal beey ku dhalataa hadii daacadnima jirto, horuumarkastaa ee la gaaro waxaa hormuud u ah wada shaqeeynta iyo isku tanazulida.

Haboon, weey heybad wacneeyd inti ay maqneeydna waxaan kuwada heesin njirnay oo halku dhig inoo ahaa heeskaan caanka ah ee ay wada qadaan Xassan Aadan Samatar iyo Sahro Axmed Jamac magaceeduna yahay CAASHAQA DADIHI WALIGAA HASII DEEYN oo sidaan u qorneeyd:

FARXAAN:
Dawadii nafteeydeey BAL aan kula dardaarmee
Nabadda aan ku leeyahay ku daabaco qalbiga oo
Waliga ahasii deeyn duushaye allow nabadeey
Qorraxduna dallaalnimo
Caashaqana daadihi waligaa jasii deeyn

HABOON:
Darmaanta jeclaayeey BAL aan kula dar-daarmee
Dantu wada jir weeye docdaada yeey ka beeylihin anna teeyda igu daa
Dunidoo barwaaqo ah, dalka nabad ku sii joog
Caashaqana daadihi waligaa ha sii deeyn

FARXAAN:
Dayixii iftiimaay BAL aan kula dar-daarmee
Dumarka adoo kale taa hesha madaaysee dooqaaga ka adkoow
Duushaye allow nabadey
Qorraxduna dallaalnimo
Caashaqana daadihi waligaa hasii deeyn

HABOON:
Deeymada uroonoow BAL aan kula dar-daarmee
Kuwa loogu dowgalay labadii is doortee
Kala dila dadka is jecel
Ayeeyna isku keeyn dirine
Dalka nabad ku sii joog
Caashaqana daadihi waligaa ha sii deeyn
Heeskaan ayaa ah mid aniga shaqsi ahaan iyo gacalkeeyag Haboon aad inoogu weeyn oo aan inta badan waqtiyadeena soo xasuusanaa, waxaa nasiib leh ninki oo sadkiisa helaya ninki u samra aduunyada iyo axwaasheeda weey wareegtaa balse ku tashi ayay kaa rabtaa, weey is badashaa balse samir iyo dulqaad ayaa lagaaga bahanyahay, weey wanaagsanataa lkn in aan shukriso ayaa laga rabaa.

Haboon waxeey ku laabatay dalka Sweden, oo ay halkaas nooga furtay Dacwo aniga iyo adeerkeey, maadaama aan ahay qeeyb kamdi ah nolosheeda, in aan halmeel kuwada noolaanana aan ku heshiinay.Kadibna Wey inoo dacwootay, hadana waxaa ku wada nool nahay Magaaladda caasimadda ah ee stokhlom ee dalkaan Sweden;
Ugu danbeen Fatxi meysan tagin Canada, dhib iyo rafaad badan kadib ninkii weey kala tageen oo wuu ku xumaaday hada waxay degentahay degmada Deyniile oo ah halka ay u qaxeen, iyadoo had iyo jeer soo garaacda teleefankayga.

Aqiristoow, inoo xaqsoora ma xaqbaa in ay I xumeeyso Fatxi, xaqse muu leedahay ineey dib ii soo milicsato Soo macnaheedu Mahan wali in ay tahay qurbadoon, Hadaba waalidiinta waa ineysan cudurka dilaaga ee caashaqa ah ku dhabar gooyin Ubad-kooda, iyagoo madaxa u gelinaaya meel aysan ku qanacsaneyn ayaa intaasi kusoo gabagabeeyay Qisadii Murugta laheyd ee ku dhacday.

Leave a comment

No comments yet.

Comments RSS TrackBack Identifier URI

fikirkaaga waa muhiim pls leave comment

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: