SIR MAQABE ALLA U MAQAN


qisadaani waxey ku dhacdey wiil somaliyeed oo naga codsadey inaan magaciisa la shaacin balse naaneystiisa noogu sheegey Jaceelow
jaceelow ayaa maalin hore wuxuu igu soo booqdey gurigeyga ayadoo tahay maqrib wuxuuna igu yiri
saaxib hadaad tihiin bahda nololcusub waxaan rabaa saaxibow qalbijaceyl inaad iga qortid qiso igu dhacdey
bal horta aan wax yer taariikh nololedkiisa aan wax yer idinka taabto inta aan adinka iyo jaceylow aan dhaxdiina ka bixin

jaceelow wuxuu ku dhashey magaalada marka ee gobolka shabeelada hoose wuxuuna ku soo barbaarey muqdisho gaar ahaan degmada wadajir ee madiina wax barashadiisa wuxuu ku soo qaatey isla magaalada muqdisho
jaceelow waxaa uu ka dhashey qoys ladan jaceelow waxaa oo kale uu ii sheegey inuu dalkaan uu mardhow soo galey uuna u yimid inuu halkaan ka sii dhoofo bal aan isku kiin dhaayo adinka iyo jaceelow wuxuuna ku bilaabayaa sida tan :

waxaan soo galey dalkaani masar sanadka markuu ahaa 2009 bishii 9aad waxaan ku soo degey dad ehelkeyga ah waxaan degnaa xaafadda ay somalida ay u badantahay ee (caashir ) waxaana u imid sida aan horey kugu sheegey saaxib qalbijaceyl leen mise barnaamij dhoofitaan ah madaama ay halkaani ka fududahay wadamada kale
muddo labo bil kadib anigoo iska wareegaayo oo aanan cid ka garaneynin dalkaan aan ka aheyn qaraabadeyda iyo wiil aan isku baraney meel lagu kireeyo internetka anigoo meesha u tagey inaan ehelkeyga la xariiro ilee meesha waxaa laga diraa taleefonada sida adigaba aad la socotid.

maalintaasi waxaan isku dayey inaan meeshii aan taleefoonka ka diran jirey inaan keligey aado si aan ula xariiro ehelkeyga oo joogaan egland ama ingiriiska markaan soo dhameystey taleefoonkii ayaan dibadda markaan u soo baxey ayaan isha ku dhuftey gabadh oo keligeeda meel istaagan oo aad u quruxbadan markaan arkey aad baan u eegey markaan ka soo jeestana indhuhu waxey ileeyihiin maxaad uga soo jeesatey markaan labo tilaabo qaadey oo meeshii ka soo kictimey ayaa waxaan maqley walaal qof i oranaayo anigu isuma maleyneyninee markaan ku darey tilaabadii ayaan hadana maqley walaal maad ila hadashid waaba kula hadlayaaye intaan gadaal u eegey waaba inantii sina waan u naxey sina waan u farxey waayo inantii indhaheygu jecleysteen ayaa ii dhawaaqdey waan farxey marna waa markii ugu horeyso aan gabadh isoo jiidatey aan arkaayo xogahaa wadnaha i garaacmey
markaas ayaan ku iri walaale aniga miyaad ila hadashey markaas bey igu tidhi haa adiga ayaan kula hadley waxaan ku iri walaale sideen kuu caawiyaa
waxey igu tidhi walaal waxaan rabey inaad igu yeertid wiil ka shaqeeyo xaawaladda mustaqbal waayo meeshaasi waa la buuxaa ma geli karo waan ka xishoon
waxaan ku iri walaaley anigu garan maayo waayo dalka waan ku cusbahay waxey igu tidhi magaciisa ayaan kuu sheegayaa ee igu wac waxaad ku tiraahdaa gabadh baa halkaasi kuu taagan waayo lacag buu ii hayaa
markey ii sheegtey magaciisa ayaan dhankii maqaaxida somalida aan u jiheystey dadkii baan weydiiyey magaca ay ii sheegtey nasiib xumo waxaa la igu yiri wax yer ka hor wuu joogey balse wuu soo labanayaa meel dheer ma jiro ee iska sug anigana waxaan u soo laabtey inantii ilee waxbaa la iga sugayaa
markaan u tagey ayaan ku iri walaale wax yer ka hor uu tagey ee wuu soo labanayaa iska sug
waxeyna igu tidhi mahadsanid
maya dhib malahan hadii aan hadda somalinimo aan wax iskugu qaban goormee wax isu qabaneynaa ayaan u raacsiiyey
ayadoo halkaasi mareyso ayaa waxey igu tidhi walaal waxaan filayaa inaad hadaayey mar igu tidhi dalka waan ku cusbahay
haa ayaan ku iri waxaan jogaa muddo laba bilood ah waxey iga wareystey halka aan ka imid iyo waxa aan u imid anigu waxaan u sheegey inaan ka imid muqdisho balse uma sheegin waxa aan u joogo .
waxaan ku iri dee waad la socotaa dalkeeni meel la joogi karo ma ahan dhibaatooyin ayaa ka jiree sidaas awgeed ayaan u imid
waxey gabadh aad u furfuran kaftan badan aadna u hadal macaan iskaba daayee quruxdeeda kale joog iyo qaab dhan walbo ilaah baa u dhameystirey waxaad u maleysaa in wixii dadka kale loogu talagaley in ayada oo kaliyah loogu deeqey
aniguse kama aamusinee waxaan ku iri abaayo imisa sano ayaad jogtaa markaas ayey igu tidhi walaale aniga inta waan ku duqoowey waxaan jogaa 7sano
waxaan ku iri adiga iyo duqnimo kale dheeree ma 7sano ayaa wax badan ah kaftan kadib waxaa la is weydaarsadey qof walbo magaciisa inkastoo aan rabin inaan magaceeda aan inta ku soo bandhigo
daqiiqado kadib ayaa waxaan ku iri abaayo waan kaa sii tagayaa ee barasho wanaagsan waxey igu tidhi walaalow see camal ma keligey ayaan halkaan igaga tageysaa ayadoo ila kaftameysa waxaan ku iri qofbaan internetka ku balansaneyn ee waxaa la gaarey waqtigii balanta waxey igu tiri anigana maxaa keligey inta i dhigey inta uu ka imanaayo waxaan galayaa internetka waxaan isu raacney dhanka internetka wax sidaasi ah maba noo jirin markaan fadhiisaney anigu waxaan iska galey sheeko waayo waxaan khadka ku balansaneyn walaasheyda
wey ii wacdey waxey igu tiri fiiri aboowe ma isticmashaa facebook waxaan ku iri maya markaas ayaan ku iri anigu waxaan isticmalaa msnka waxey igu tiri ok
waxaan niyadda iska iri war maad ka qaadatid msn-keeda hadda ayaad fursad heysataa anigoo ayada la kaftamaayo ayaan ku iri msnkaaga ma isiin kartaa laga yabaa inaan mar kale is arag aan wada xariirnee madaama aanu nahay dad walaalo oo somali ah
maya aboowe anigu msnka aad uma isticmaali waxaan u badnahay facebook ee hadii aad lahaan laheyd facebook beelo ayey ahaan laheyd
abaayo anigu malihi facebook hadii adiga aad ii sameyneysid kuma darin taasi
taasi maa wax weyn ah hadda ayaan kuu sameynaa ee kaaley inta imow
isla markiiba waxey ii sameysey facebook waxeyna igu dartey keeda anigana dhankii kale ayaan ka soo galey waxeyna itusisey sida loo isticmaalo anigu facebook dhagaha uunbaan ka maqli jirey balse weligey ma isticmaalin maalintaasi ayaa igu horeysey aan isticmalaayo .
wax yer ka bacdi taleefoon ayey yerkii u dirtey waxeyna u sheegtey iney dhararsatey waxeyna u sheegtey iney meel u dhow maqaaxida ay joogto waxeyna ku tiri aniga meesha ma soo geli kari ee waa la buxaa ee walaalow adigoo raali ah ma igu keeni kartaa
jaceelow yerkii ayaan hadda wacey wuuna soo socdaa ee aniga waan sii tagaa ee adiga ma sii fadhiineysaa ayey i tiri
maya waan dhameystey anigaba guriga ayaan iska adayaa balse daqiiqado yer ka dib ayaan baxayaa xogahaa fariin ayaan qorayaa is arag danbe walaaley .
ok aboowe barashaada aad ayaan ugu faraxsanahay waxaad tahay wiil daacad ah oo qalbigiisu nadiif yahay balse waa intaad cusubtahay weyna igu qososhey
aniga waan yaabey waxaan ku iri wixii inta ka harsan sidaan ayuu qalbigeyga uu u noqondoonaa daacadna u ahaan doonaa insha allah marna isma bedelaayo ee maxaad u tiri sidaasi.
waxeyna igu jawaabtey adigaaba arki doontidee iska sug kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk
weynu arki doonaa anigoo yaaban oo is weydinaayo suaalo talow maxey ka wadaa daacadnimada iyo qalbigaaga nadiifka waa inta aad cusubtahay ?
labo beri kadib waxaan guriga soo dhigtey computer waxaan soo geliyey internet isla habeenkii saacadu marka ay aheyd lix saac habeenimo ayaan galey khadka waxaana furey facebookii ay iyadu ii sameysey waaba online durbadiiba wey ila soo hadashey salaan kadib iyo kaftan dheer waxey igu tiri aboowe caashir halkeed ka degantahay
abaayadiisa waxaan ka deganahay (gaamac ) markaas ayey igu tiri waan isu dhownahay
waxaan ku iri halkeed degantahay
aboowe sidaasi kaagama dheeri isla caashir uunbaan isla degan nahay waxaan deganahay aniga meeshii aan ku kulmeyney meel u dhow ee habeen danbe ma soo degeysaa wiil wanaagsan ayaa tahay sheekadaada macaan aanba iska jecleystey .
waayo sida aad la socotid reer qaahiro caadadooda habeenkii ayaa la socdaa maalintiina cidii wax baraneyso ma ogiyee waxaan ku iri
haa waan soo degaa insha allah
waxey igu tiri meeshii aan isku arkeyney habeenkii meeshaasi ayaan iskugu imaaneynaa
aniga waaba iska farxey madaama ay i daneyneyso oo ay i balamisey
waxaaba is leeyahay maa la gaaro sacadii ayaa ila dheeraatey oo waxaan is leeyahay yaa hadda kaaga dhigo
waxey igu tiri taleefoon ma heystaa markaan meesha imaado hadii aan is weyno si aan kuu soo waco
haa numbarkii ayaan siiyey isla markiiba wey soo wacdey waxaan isla sheekeysaney dhowr daqiiqo
(sir maqbe alaa u maqan )

 

la soco  qeybta labaad

Leave a comment

No comments yet.

Comments RSS TrackBack Identifier URI

fikirkaaga waa muhiim pls leave comment

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: