kadeedka caashaqa Q.labaad


hadba adunyada intad ku nooshahay waxad arkaysa waxyaabo aad ufara badan oonoloshada kuso biirayso inkasto aysan jirin ruux uu jaceykiisa ku guulaysta marar badan ayan ka hadalnay arimaha jaceylka anigo ah abubakar mohammd hassan mr qurbaani maanta sheekada an rabo in aan niiso bandhigo ma ahan sheekoyinkii hore maanta wey ka duwantahay waa sheeko cajiib oo dhab ah qofkii ay ku dhacday ayan nasiib ula yeeshtay in aan kawareysto xalada ay ku dhacday qisadan marki ay ula so gudbonaatay kadib sidii uu noqday iyo sidii u hada ku suganyáhay magaciisana wa cabdulqadir ahmed daadooy.

kadib wuxuu noo bilaabay sheekadi ay ku dhacday sxbkyna qaliga ah mr daadooy wana sidatan

waxaa ahaa wiil da yaroo dan ka lahen aduunyo hada la joogo, meshay u socotana u raaca, dan la aantayda ween waxa u asbenayay wadanka usoo tahriibay dhib iyo lug dheer usoo galay sidoo isoo dhawen wayday, ilaa hadana aan ku heesan wax sharci ah, waxana bilaabay nolashayda in aan maaweeliyo si aan uga fakado sida dadka qaar ugu washan nolashan, waxana ahaan wiil la wadaaga dadka magalada wax walbay qabaan, marki hore waxa bulshada ku soo dhax galay banooni ka bacdiina music ayaa uga sii dhax siibtay, asxaab badan ayaa magalada ku yeeshay waxayna i fududeesay in aan ilaabo wax walba oo nolashayda aheed iyo mesha aan ku nolaa, in kastoo kamka aan ku jiray ay igula nolaayeen sxbada aduunka ugu qaalisan oo wax walba ila qeebsada waligayna an iloobin donin asxabtaydaas,

mudo marka sida ku nolaa anoo ku dadalay jaceel aan dareen u aheen hadana dhamanen buuq iyo jahweer igu beerayay ayaa malin malmaha ka mid ah waxa la kulmay gabar kamkeena xalfad ka jirtay nagu soo booqotay gabadhaas oo hore isku bar garanenay lakin wax aqoon ah isku laheen, markay isalantay ayaa sara joog ilaa hoos u firiyay anoo la yaban siday u wenatay iyo surada quruxda badan oo saaka saran,

salan iyo kaftan ka bacdii mesha ayaa ku kala tagnay, qof walbana shaqadiisa xalfada uga aadaneed uu horay u galay, sacadii xalfada marki la joogo qof walbana sidi la qumaneed usoo labistay aya waxa i dhalaalay gabar dherer iyo dhax yar isku wada darsatoo aan laga jesan karin, surada wajigana hada sii fiiriso adan ogoleen in adan ka jeesato ilaa aad isku shiixdid mahe, malintii oo dhan intay xalfada ay socotay marba dhinac ayaa isha uga xadayay oo quruxdeeda dhamaadka laheen, waxa si fican habeenkaas isoo jiidatay indhaheeda aad moodid in ay kaa dhax baxayan, runtii si aad ah ayaa uga helay waxayna noqotay gabar aan quruxdeeda la dhaco iyo qabka rabi u sameeyay. waxay xalfadi socotaba dhamadki aya laso garay nasiib wanagna waxa u yeeshay in aan hoolka isla hagajino aniga iyo iyada xalfada markay dhamatay , anoo aad u danenaya barashadeda ayaa ku dhaqaqay

in aan hadal ku darsado, sida dumar qarkiis igama didine si yar oo reer magaal ah iyo qiimeen ku jirtay ila san qaday, kaftan iyo is war dhaafi saaid ah ka bacdii waxa jecleestay barashadeena in ay intaas sii dhaafto iyadana waa iga aqbashoo si taxar dar leh xushmad iyo xishood gabar huwan ay numberkeeda i qortay, shaqadeena markaa dhamenay waxa isku racnay xafada laga wada cashenayay nasiib wanagna isla habenkaas ayey saxan wax igula qeebsatay iyadoo kalsooni walaaltinimo iyo mid saxibtinimo isiinaysa, aniga intaas waxa ku maqnaa shaqsiyadeeda iyo barasha badan oo an u bahnaa in aan ka sii barto qofkay tahay dhamanteed, mudo ka bacdii asxaabtii badneed oo jikada nala joogtay ayaa kala hoyday aniga iyo iyadana meshenii ayaa kaftan aad u macaan badan iyo waraysi isku dhafsanay, anoo aad u danenaya in aan ogaado in ay xariir lee dahay iyo in kale ayaa waydiiyay, si yaroo hadal gabana waxay igu jawaabtay in ay xariir lee dahay aysana ibidkiis khayaameen .wiilkaas oo ay jaceel ka dhaxeeyo.

runti wa ka xumaaday qoftan dahabiga ah in aan aniga hanan oo la iga hor qaato, hadana waa ku farxoo siday iskugu kalsoon tahay oo xariirkeeda u xoojineeso, waxayna i ahed habeen farxadeed oo an helay sheeko macquul ah oo dhaxal gal ah anagoo wada dhoola cadeneena ayaa mesha ka wada hoyanay kuna dardaranay in aan isla xariirno is aan u tix galinoo barashadena iyo walaaltinimadena, habeenkii oo dhan marka sariirta tagay in kastoo dalana hadana miirkayga kama bixin astaantay u taalo iyo quruxda rabi ku manestay iyo dabeecadeeda dahabiga aheed, anoo dhahaya tana Danmark may ku nooleed aan horay u seexday, wuxuu habeenkii is gurana waxa la garay subixi salaan subax aan u qoray, si yaro dagan intay iga soo jawabtay quraacna soo doono i raacisay, horaa uso dagay anoo danenaya arageeda baahina i heeso ayaa goobtii is soo xadiriyay, bulshadii mesha joogtay aan quraacda la wadagay .

la soco qeybta labaad insha allah
___________________________________


Website counter

1 Comment

  1. wadku mahadsantihin sida wacan aad ula socotan shekoyinka anigana waxan ku dadali doona ha iyo jeer in aan niiga haqabtiro wixi macluumad ah in aan ni so garsiiyo sida ugu dhaqsiyada badan inta iiga mahadcelisay aniga in ka badan ayan ugu mahadcelinaya hadan ahay mr qurbaani


Comments RSS TrackBack Identifier URI

fikirkaaga waa muhiim pls leave comment

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: