Sheekadaan Waa Sheeko Aad uyaab Badan fadlan adigoo degan akhriso


Sheekadaan Waa Sheeko Aad uyaab Badan runtii waa sheeko waxyaabo badan kulansatay aadna kaaga yaabin doonto, Sidaan Anigaba Sheekadaan ugu yaabay ayaan doonayaa aqristoow inaan adigaa kaaga yaabiyo, isku day inaad si dhameystiran u aqrisato, Waatan Sheekadii Kabogo.

Safiyo Waa gabar wadanka qurbaha soo gashay sanadkii nasoo gudbay waxey iska dhiibtay wadan kamid ah wadamada Yurub gabadhii mudo ayey kujirtay xerada qaxootiga kadib dowlad ayaaa siisay guri aay degto markii aay kasoo baxday xeradii ayey gurigii dowlada ugu talagashay aay degtay.

Muddo gaaban markey gurigii kunooleyd ayey bilowday iney badsato isticmaaalka computer-ka (internet-ka) Gabadhii Waxey computer xaafada yaallay oo aay kusoo dagtay isticmaalkiisa badsataba Waxaa dhacday habeen ayadoo inboxkeeda kujirto iney aragto fariin cusub oo usoo gashay una qorneyd sida tan:-

Waan kusalaamay Magaceygu waa Cabdi Safiyo waxan arkaa haben weliba inaad computer-ka kudaahdid ilaa waqti danbe ad kugaartid, wax saxib ah aad banaanka uraacdo miyaadan haaysan? makuu wanaagsano inaad computer-ka kudaahdid fadhigiisa waana waano kaaga timid dhankeyga.

Kadib markii aay aqrisatay email-kaas usoo dhacay aad bey uxanaaqday dabadeed waa ay tirtirtay fariintii usoo dhacday, safiyo waxey isdhahday waa kuma qofkan waanadan kusiinayo, dabadeed waxey iska sii gudo gashay isticmaalkeeda qadka.

Intaa kadin habeen weliba Cabdi Wuxuu usoo diraaa email safiyana waa aay siitirtaaa, lakin haben bey safiyo ayadoo tiri rabto waxey aragtay Subject soo jiito dabadeed waxey gudo gashay fariintii kahor inta aysan tirin

waaw maantay aad baad uqurux badantahay dirac aad u bilicsana waad wadataa waana ogahay emailadeyda ma aqrisatid oo waad tirtaa waanadeydiina ma aadan qaadan wana arkaa waano in lagu siiyo majeclid balse caawa wax waano ah kuma siinayo waxaan kuleeyahay caawa waan kujeclahay waxana isoo jiitay quruxdaada waana kufaraxsanahay inaadan wareeg ubixin, lakin waxaan hubaa maalin in aad ijeclaan doonto, kadib aan isguursan doono, oh kahor inta aanan dhameyn fariinteyda waa inaan kuusheegaa waxa aan ugu jeclahay waa markaa dhoola cadeyneysid oo adoo qadka kusheekeysanaa qof war qosol leh kuusheego,
Iska taxadar.
Waan kujeclahay.
Cabdi.

Kadib markee aqrisatay emailkii aad bey unaxday qof aysan weligeed lakulmin, weligeed aay arkin, weligeed aysan lahadlin, dhahayo waan kujeclahay, waxey bilowday iney isla hadasho aay is weydiso suaalo badan, ugu danbeyntii safiyo waxey go’aansatay iney uceliso jawaab digniin u ah sidan u qorneyd.

Qofka aad tahay magaranayo, waxaa kuu roon inaad emailkan aad iisoo direysid aad joojisid hadii kale waan kudacweyn doonaaa.

Kadib markee udirtay emailkaas cabdi uma uusan soo dirin emailo dheeri ah ilaa dhowr habeen, safiyo durbadiiba waxey isdhahday waa cabsayay waa kaa joojiyay emailkii.

Habeeno kadib safiyo Oo computer-ka kucaajistay oo indhaha isku haaysto kusanteesan kursigeeda ayaa mar indhaha kala furtay eegtay computer-ka durba waxey aragta fariin katimid cabdi inbox-keeda waa ay furtay waxey uqorneyd sida tan.

Haye Qalanjo markey indhaha kuu xirnaayeenaad bad uqurxoontahay malaha aniga ayad igu riyooneysay wan kaxumahay inaanan habeenadan wax email ah kusoo dirin waayo waan mashquulsanaa, waan hubaa inaad itabtay aad ixiistay, mid kale aan kudhahee wan kudacweynayaa ayaad igu tiri ogoow aniga kama cabsanyo inaad idacweyso, dacwadaasna majoojin karto jaceylka aan kuu qabo bye Cabdi.

Waa ay naxday safiyo durbo tinta ayaa ufurneyd waxey bilowday iney tinta gacmaha saarato aay gadaal iskugu geeyso, indhaha kala qaado isku xirto ayadoo emailka fiirineyso, Durbadiiba haddane waxey heshay email kale oo kayimid Cabdi.

Qalanjo jooji inaad kucayaartid timahaada waana xili danbe orod ee seexo maskaxda daji wad kucaajistay qadkee.

Safiyo waa aay naxday aad bey uyaabtay sida uu Cabdi ku ogaaday waxa aay isla xiligaas sameyneyso waana xilli danbe xattaa wax shanqar ah mamaqasho, Waxey bilowday ineey raadiso qof wal oo meel kasoo eegayo, maba lahan meel laga soo eegayo oo xattaa daaqadaha waa uxiranyihiin xattaa albaabka, safiyo oo yaaban ayaa iskudayday iney qolkeeda jiifka aay tagto aay seexato, kahor inta aaysan damin computer-ka haddane waxey aragtay email kale oo u yimid.

Qalanjo raadintaa iraadineysid waa jaceyl aad ii qaaday cajiib. wan kujeclahay sidoo kale bye Cabdi.

Waa aay isku naxday safiyo markii aay aqrisay fariintii durba waa aay damisay computer-kii waxeyna u carartay qolkeedii jiifka ahaa ayadoo yaaban, habeenkii kadib markey aragto fariin ka imaaneyso Cabdi ma aaysan furi jirin cabsi iyo naxdin aay ka qaaday awgeed, waey sii tirtaba haddane waxey aragtay email Cabdi kayimid subject u ahaa “Waxbo ha Iga Cabsan” waxey durba maskaxdeeda isweeydiisay matirtaa ma aqrisaa balse ugu danbeyntii ayadoo karti iska baareyso ayey furtay emailkii sida tan uqornaaa.

Qalanjo Hacabsan anigana ha iga cabsan maxaa yeelay markii kugu danbeysay aad emailkeyga aqrisatay waad oroday, waan ogahay waxad isweydineysaa siduu ku ogaaday arinkan, balse waxaan kaa dareemaa qalbigeyga oo aan halkeyga kagala socdaa, Ogoow mar weliba aad idareento aad iga fikirto anigana waan kuudhawahay kaama fogi, waxan fadhiyaa dhinacaada, waxan sugayaa habeenka aad bilowdo inaad idareenti sida aan anigaba udareemayo inaad idhinac fadhiso.
Had & Jeer Waan Kujeclahay.
Cabdi.

Safiyo durba wuxuu dareenkeeda siiyay inuu Cabdi Jecelyahay, waxey isweeydiineysaa wuxuu kahadlayo madhab baa oo makujecelyahay, balse siduu ku ogaanayaaa wax walbo aan sameynayo, macquul maahan siduuna iijeceylyahay aniga maba arko mana aqaanee, habeenkaas waxey bilowday iney fariimihiisa ugu jawaabta si aay dhabta u ogaato inuu jeceylyahay iyo inkale iyo siduu ku ogaanayo dhaqdhaqaaq weliba aay sameyneyso, ayadoo sidaa ufikireyso haddane email Cabdi ayimid ayaa usoo dhacay sidan uqornaa.

Hi Safiyo sidee dareemeysaa hadan kuugu yeero qalanjo waayo waxad tahay boqoradeyda.

Waxey ugu jawaabtay.

Haa Cabdi majecli in leygu waco magacaas waxaan jeclahay in la igu waco magaceyga gaaban Safiyo waadna igu wici kartaa magaceyga in la iigu wacana aad baan ujecelahay.

Durbadiiiba waxaa jawaab kusoo celiyay Cabdi oo Leh.

Waa runtaa magacaada ayaa qurux badan, lakin mararka aan kudaawanayo oo aan kufarxayo xiriirkaada waxaan jeclahay inaan kugu yeero magacyo qaas ah, haddane iska seexo waa Late time maxaa yeelay beri waxaad doonaneysaa shahaadada iskuulkaaga, waxana kuu rajeynayaa guul macsalaama Cabdi.

Safiyo markale ayeyba sii naxday siduu ku ogaaday cabdi in aad beri doonaneysid aqoonsigaaga durbadiiba fariin ayey kucelisay aay leedahay.

Cabdi sidee ku ogaatay berri inaan aqooonsigeyga doonanayo aniga wax aan kuusheegay majiraan yaa kaaga warramo arimaheyga iisheeg!!!????

Cabdi Jawaab Ayuu Kusoo Celiyaya Isla Waqtigiiba.

Waan ogahay maxaa yeelay dhinacaada ayaanba hadda fadhiyaaaa, “miyaadan iijeedin, miyaadan i arkeyn miyaadan dareemeyn inaan dhinacaaga fadhiyo” Xatta waxaan ogahay inaad maalin 3xaad aad ka qeyb geli rabtid xaflad sanad guuradii 1da luuliyo ee somaliya. Keliyah waxana og inaad kaqeyb geli rabtid Sanad guuradaas waa Axmed oo deris kula ah intana kaaga soo horeeyay mudo baddan.

Safiyo waayaabtay haddane waxey hubtay axmed keliyah inuu arintaasi ogaa asigana uusan qof kale usheegeyn waxey layaabtay siduu ku ogaaday Cabdi, ayadoo dhidideyso ayey carartay qabowga dhacayo safiyo waa aaba dhidideysaa, waagii markuu baryay ayey sitoos ah u abaartay Ahmed oo deris la ahaaa, Markey Axmed utagtay ayey kutiri axmedoww see tahay , Ahmed Fiican ee maxaa sidaan ugu degdegeysaa wax daran miyaa Safiyo Maya ee waxan kuweeydiinayaa magaraneysaa qof ladhahayo Cabdi Axmed ooyaaban Ayaa dhahay Haa waan garanayaaa qof miyaa kaaga sheekeeyay arintiisa, Safiyo ayaa kujawaabtay maya ee wuxuu iisoo diraa email haben weliba haddana inaad ogtahay meesha usocdo waa ogyahay ee yaawaa iisheeg. Ahmed oo afka kala taagayo ayaa dhahay mawaalantahay wiilkaas waa uudhintay 2 sano kahor, safiyo ayaa Durbaba Naxday Waxey Kutidhi sidee kudhacday emailo ayuu iisoo diraaa ayadoo tustay emailadii uu usoo diray, Axmed ayaa dhahay waxaan maleynayaa qof emailkiisa isticmaalo inuu jiro. durba safiyo ayaa iska soo jartay caawa maseexan karo waa inaa shirkada computerada utagnaa eailkaas naloo aan raadinaaa.

Qolo computer-ada kutaqusasay ayaa lakeenay xaafadii habeenkii markii aay baareen emailka aay isticmaasho waxaa laxaqiijiyay emailkaas in looga soo diray isla computer-ka aay isticmaasho safiyo.

Kadib waxaa la ogaaday in uu la isticmaalo isla computer-ka Dadkii markii aay katageen ayey emailkeedii furtay haddane waaba email kale oo kayimid Cabdi, Safiyo oo yaaban Ayaa iney tirto damacday kahor inteysan aqrisan balse ugu danbeynttii waa aay furtay wuxuuna uqornaa sidatan.

waan lasocdaa inaad axmed utagtay uu arimaheyga kuusheegay, hadda aniga waxan daganaan jiray gurigaan aay dowlada kusiisay waxan isticmaali jiray isla computer-kan aad hadda isticmaasho waxaan dhintay 2bo sano kahor sidaa awgeed ayaan hadda kahor kuudhahay kama cabsanayo dacwad, hadda waad ogaatay waxaan ahay welina waan kujeclahay waxaana kumidoobi karnaa keliyah inaad soo dhimato hadda ma anaa kudilo mise waan kusugaa xiligaad soo dhimato.
DHAMAAAD.

15 Comments

  1. Wa sheeka cajib leh oo markan aqriyay anigaba icabsi gelesay lakin suaashu waxaytahay mawax dhicikaraa!!!!!!!!!!!!!!!: Waxan filayey Safiyo inay walani.

  2. sheekada waxaanba sugaayay meeshey ku dhamaato waanba naxsanaa sida safiya kkkk lkn waa sheeko cajiib ah balse maaha run reer aaqirad in lagu riyoodo maahine real life qof u sheekeyne waa cajiib safiyana waa geesi hadeyba reer qaaqiraad la shekeysatay kkkkk

  3. Qoraagan mid kabeen badhan weli mamaqal ee yuusan nawalin,kwaheri Muandishi mwongo

  4. Waan idin salaamay aqayaarta waa sheeko layaab leh waa yaab!!!

  5. Magacaygu waa amiin kacaan waa idin salaamay waa sheeko layaab leh!!!

  6. ASC Waaw waa sheeko layaab leh cabsi xoogan ayaan dareemay aniga qudhayda qof dhintay sidee buu u isticmaali cumpiterka arintaan mala rumeysan karo

  7. Markahore waad kumahadsantihiin,soogudbinta,arimaha,jaceylka.magaceygu waa,ismaaciil,gendershe,runti,
    qisadani,kolka,aan aqristay,kadib,aad ayey ii yaabgelisa,xitaa,marki aan,
    aqriski,bogay,runti anigoo layaaban,
    ayaahadal,igasoobixiwaayay,ayagoo
    illeh,dadkeyga,warmaxaakuhelay,
    runti,jaceylku,intuu,dunidii,katagay,ayuu,aaqiro uukasoohadlo,,akiid walayaab,cusub,mahadsinidiin,mar,
    2 waad.

  8. Kk yab badna

  9. Asc hadan ma waxad noken ten rer aqired qad isticmal yab badana

  10. Wlh wanba naxsahay waxan shegaba la ahay rer akhiqad jecel jilayo yab waye wlh lkn qisadan run miyane waligey qiso ka romansi bdan ma arkin qiso ka cabsi bdana ma arkin wlh inta danbe markan so garay aqrintda wanbo baqay ana isku maleyne

  11. anigoo ah mustafaisxaaq amiin qalanjo aniga adiga ayaan kaa heley suuraddaada muuqaaga lebeskaaga aadaabtaada qaab dhismeedkaaga maaasha laah

  12. Kkkkk waa history la yab ah wan ku hesta ani

  13. waa sheeko aan la cajaa ibay markaan aqristay intaan aqrinaayay waxaan is waydinayay ma is calfan doonan marki doonta balse waxaan la yaabay markaa soogay aana aqriyay inoo dhintay l2bo sano ka hor

  14. walahi sheekadan aneey iihaysata pckaga nin aan gaaraneyn ayaa ila isticmalo faceboobka anoo ku jiiro ayaa laga jawaaba magaceyga dehxdisa pc oo dhan waan tuurey miid cusub ayaan so gaatey walina waa sidi waa sheeko yaab leh walle dadkina kuma rumeysanayan lakiin qof dhiintey sidu imail uso diiri kara waa iga su aal subxanalah allah ilaahow na gaar gaar

  15. oh waa sheeko caajib ah an waligeed la maqlin aad ayaa ugu helay tesslam )


Comments RSS TrackBack Identifier URI

Leave a reply to Rula Cancel reply