Tix Jaceyl Ah Katurjumeyso Baadi Goob Jaceyl


maantay waxan idin wadaa tix jaceyl aad uxiiso badan baadi Goobna ah Bal Kabogo tixdii Aqristoow.

leen jacaylku waa belo
.
waa beero canab yaal
.
waa baraf qabow badan

waa bixiso yaab badan
.
waa boog kulayl badan
.
waa biriijyo dhaadheer
.
axdi been ma ogola.

ballan weeye adagoo
.
beerkiyo jirkoo idil
.
boholyoowga galiyee
.
beri hore waxaa dhacay.

anigoo barbaaroo
.
burjigiyo ragnimadii
.
igu soo bateenoo
.
batarkiyo ciyaaraha
.
bugta dhaantadaas iyo.

u banbaxa duleedyada.

geelleenna bisha iyo.

sumajiidda bowdada
.
lagu baahshay haystoo.

nirgahayga baanani.

dhafuruur bislaatana
.
barya’li’i u haystaa
.
barqo hore kol ay tahay.

barbarraha mar uun dayay.

soo shoow bidhaantii
.
barkhad inan ah maan arag
.
timaheeda baalkiyo.

babanaaya geesaha.

kalarkaan bayaankaa.

guntiinada basaligaa.

sunniyaha bikaaciyo
.
baalasha indhaha
.
bahja qurux wanaageed
.
beerkay dageenoo
.
waa igu bateenee
.
goortii bidhaanti
.
barta soo istaagtaan.

bariidshoo salaamoo
.
beer dulucsu aan idhi.

la is baray dhabaalihi
.
kaftan la iska baadhbaadh
.
haasaawe la bilow
.
sheekadu bug soo tidhi.

u bandhigay jacaylkii.

baaxaddiisii muujiyay
.
iyaduna bartiibay
.
ballantii ku qaaddoo
.
ila beertay caashaqa.

ku bahownay sheekada
.
barbaartoo dhan gees maray.

bahja doonay kaligeed.

boholyoowgu nagu baah
.
jacaylkii bustaan noqoy
.
baryo saas ku noolayn
.
waxaa dhacay barbaaray
.
bahja reeraheedii
.
bari baynu joognaye
.
bugux bay u guudheen
.
inta aysan bixin bay.

ballan dheer i siisoo
.
bilanoow macaanow
.
burji same ustaadoow.

baashiyoow qurxoonoow.

ha baylihin jacaylkii
.
ha bilaabin sheekiyo
.
dumar baaritaankood.

anigaa Barrow imaan.

bisha soon fureedee
.
boogtii jacaylkaa
.
bogga iiga taallee
.
ballan aannu dhigannee.

ha baylihin jacaylkaas
.
bahja qaaliyeey maqal
.
boholyowga caashaqu
.
beerkiyo laftaydiyo
.
bartankuu dhex jiifaa
.
dumar waa bahjoo qudha
.
barni dooni maayee
.
ballantii ha sii dayn
.
bisha soon fur soo noqo
.
bahja guurtay saaxiib
.
bugux qabatay galabkii
.
anna baylah kaligay

xas badbaado baal degay
.
ka baqoolay sheekiyo
.
haasaawe barasho leh
.
bilihii is wada gure
.
beryihii is daba gale
.
bishii soonfur waa timid
.
basra maynan soo noqon!

igu baah jacaylkii
.
beerkiyo wadnaha qabay.

baadi goob kumaan helin
.balse waxaa la yaab badan
.
boostaale ma jiree
.
dhambaalada bariidiyo
.
baahida jacayl sida
.
baydkeen dhigaayaa?.

baqshadiyo iyo waraaqdana
.
bahja yaa bal gaadhsiin?
.
barbaareey asxaabeey
.
bahja wali ma maqasheen?

bidhaanteed ma aragteen?.

bal maxaan sameeyaa?.

ballankii ma jabiyaa?
.
baadi goob ma raadshaa?
.
bugux ma u dhaqaaqaa?
.
bilay tuurtay wacadkii?
.
bilay guursatoo dhashay?
.
aniguna barbaartiyo
.
barni sheekadeediyo.

barashoba ma aan galo
.
ballankaan ilaashaa
.
axdigaan badbaadshaa.

jacaylkaan bineeyaa
.
baahidu dhib weeyee
.
bal maxaan sameeyaaa???.

Barbaaray bal ila taliya.

Ibraahinoo basanbaasay Ban ahayee!!!!???

1 Comment

  1. Asc kkkkkkkkkkkk


Comments RSS TrackBack Identifier URI

fikirkaaga waa muhiim pls leave comment

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: