Geeddi jacayl iyo godobtii qarsooneyd!!! Qeybtii 2aad


Qeybtii hore waxay inoo mareysay oday cali shirwac oo wiilkiisa kasugaya inuu
sihuffan ugawarbixiyo waxyaabihii ku dhaliyey inuu sidii qof waalan udhaqmo?.

ayaanle oo markan umuuqda inuu yara nastay caradiina ay ka degtay ayaa si ay
daganaashiyo kamuuqato hadalkiisii ugu billaabay ( hooyo iyo aabe ugu horreyn waxaan
idinka codsanayaa inaad iga raalli noqotaan maxaa yeelay arrinka aan sameeyey ma aha
mid aad marnaba kufarxaysaan waayo warqadaha aad arkaysaan waa qeyb kamid ah
tacabkiinnii aniguna waxaan kadhigay mid qasaaray.

hooyo ruumi oo muujinaysa naxariisteeda waalidnimo diidanna in odaygu canaan kala
dul dhaco wiilka ayaa hadalkii qaadatay oo tiri wiilkaygiiyoow xaaladdaadu waa sidee
iminka?, waxaan islahaa dhib weyn ayaa soo gaaray, balse wax uunbaa jira hadiiba ay
dhacday inaad sidan sameyso maxaa kugu kallifay iiga jawaab hooyo?

ayaanle oo aan hadalka meel dheer ka daydayin unasoo marin ayaa si fudud ugu yiri
waalidkii saakay abbaarihii 8:00dii subaxnimo ayaa waxaan baadi goob ugalay sidii
aan usoo ogaan lahaa natiijadii aan ka gaaray imtixaankii teeramka labaad kaasoo
qofkii ku guuleystaa uu ugudbayo fasalka afraad ee dugsiga sare(form four secondry
school) markii aan marayo agagaarka beerta daraawiishata oo aanan gaarin dugsiga
sare ee sheekh suufi kaasoo ahaa midkii aan mudada sadexda sano ahayd aan wax
kabaranayey ayaa waxan maqlay dhawaqa qof magacayga ku dhawaaqaya ayaa si
daran-doori ah isaga daba dhacayey markii aan qooraansaday oo aan hareerahayga
eegayna waxaan meel aan fogeyn ka arkay saaxiikay siciid oo iigacan haatinaya, is
bariidin kadib waxa uu ii sheegay arrin run ahaantii igu noqday leeb meel halis ah
iiga taagmay kaasoo ahaa in aan ku dhacay imtixaankii, sanadkanna ay hawshu tahay
falkaagii dib ugu noqo taasoo marnaba ii cuntami weyday.

hadalkii saaxiikey anigoo aan waxba ku kordhin waxna ka dhimin ayaa waxaan isu
daayey dhankii uu iga xigay iskuulku oo aanba meesha ka fogeyn balse talo waxay igu
caddaatay markii aan indhahayga kusoo quustay, anigoo luudaya misna ka dhuumanaya
asxaabtii aan isku fasalka ahayn sida in aan dambi galay oo kale ayaa waxan dib
ugusoo laabtay hoyga.

arrinkaa filanwaaga igu noqday ayaa igu qaaday inaan buugaagtii ay iigu qornayd
duruus badan oo aan aad ujeclaa ku baabi’iyo inkayar toban daqiiqo.
waalidiinta ayaanle oo garowsaday si wanaagsanna ulasocday hadalladii kasoo yeeray
wiilkooda ayaa iyaga oo kaxun arrinta dhacday waxay hadallo isugu jiray waano iyo
dhiirra-gelin ku aaddan dhanka waxbarashada usoo jeediyeen wiilkooda taasoo ay
kahortag uga dhigayeen in ayaanle uu ka haro waxbarashadii uu in muddo ah soo daba
taagnaa.

oday cali shirwac ayaa tusaale usoo qaatay waxyaabihii uu kalasoo kulmay noloshiisii
miyiga iyo markii uu imaanayey magaalada muqdisho isagoo uga gol lahaa inuu ku
dajiyo xaaladda kacsan ee wiilkiisa waxa uuna hadalkiisii kubillaabay sidan;-

wiilkaygiiyoow waagii aan da’yar adigoo kale ahaa nasiib uma aanan yeelan inaan
waxbarto hawsha kaliya ee aan habeen iyo maalinba hayey waxay ahayd dhaqaaleynta
xoolaha oo ahaa raasumaalka kaliya ee aanu kufaani karnay, markii aan muddo kusoo
jiray noloshaa ayaa waxaa igu dhashay hiyi-kac magaalo taasoo aan go’aansaday inaan
magaalada ubakhoolo, nasiib wanaag wax dhib ah kalama aanan kulmin in aan fasax
kahelo waalikey waxayna iisoo daba dhigeen duco ducadaasoo rabbi aqbal kadhigay.

anigoo aad ugu faraxsan imaashiyaha magaalada ayaa gaarigii aan miyiga kasoo raacay
waxa uu nakeenay meel la igu yiri waxaa layiraahdaa afar irdood darawalkii gaariga
oo markii horeba tabarucaad igusoo qaaday ayaa igu yiri wiilyahaw xamar waad
joogtaaye kasoo deg gaariga dushiisa.

markii aan in muddo ah meereysanayey taladiina iga cayn-wareegtay oo aan ku
shallaynayo maxaa miyigii iyo reerkaagii kaasoo fogeeyey ayaa waxaa xilli
gabaldhicii kudhow waxaa meeshii iigu garaabay nin bakhaar qudaarta lagu kaydiyo
kulahaa meel aan kafogeyn halkii aan gaariga uga degay, waxa uuna shaqo iga siiyey
bakhaarkiisii oo aan kamid noqday dhallinyaro lagu magacaabi jiray( cayaal dambiil)
habeenkiina darbi ayaan jiifan jiray!.

war iyo dhammaantii xaaladdaa adkayd ilaah ayaa igu garabgalay maantana waad
aragtaayoo reer ladan baanu nahay, hadaba wiilkeygiiyoow waxaa lagaa doonayaa in aad
dulqaad muujiso oo aadan dib uraacin guul-darro mar qura kusoo gaartay.
dar-daaran iyo duco iswadata ayuu ayaanle dusha uritay wuxuuna si ay xushmadi
kujirto uqaatay taladii waalid isagoo ballan qaaday inuu sii wadan doono
waxbarashadiisa.

ayaanle waa cusub ayaa ubaryey waxa uuna maalmahan isu diyaarinayey— lasoco qeybta
3aad insha allaah.

waxaa qeybaha soo socda oo ay ugu horreyso qeybta soo socata aad ku akhrisan
doontaan jacaykii dhaliyey inuu ayaanle ku dhaco imtixaanka kaasoo uu uqaaday bilan
jaamac taasoo ahayd da’yar rabbi u idleeyey hubkii qof dumar ahi ku faani lahaa
dhanka kalena ay isku fasal noqdeen bilihii ugu dambeeyey. lasocasho wanaagsan.

W/Q: axmed maxamed barrow (shooli yare)

Leave a comment

No comments yet.

Comments RSS TrackBack Identifier URI

fikirkaaga waa muhiim pls leave comment