Geeddi jacayl iyo godobtii qarsooneyd!! qeybtii 3aad


waa cusub ayaa ubaryey ayaanle waxa uuna maalmahan isu diyaarinayey sidii uu ula
jaan qaadi lahaa sanad dugsiyeedka cusub ee billaabanaya maalmaha soo socda.
siciid oo ahaa saaxiibka uu ayaanle sida aadka ah ugu kalsoonaa maadaama ay ahaayeen
dhallinyaro deegaan keliya kusoo wada barbaaray waxbarashadoodana isku mar
billaabay, ogaana maalintii uu natiijada qaraareyd saaxiibkii lasoo laabtay


ayaa xilli fiidnimo ah yimid hoygii uu ayaale kunoolaa nasiib wanaag markii uu soo
dhaafay albaabka hore ee guriga oo xilligaa furnaa ayaa waxaa kahor yimid ayaanloo
doonayey inuu magaalada hoose iyo waliba deegaankii uu kunoolaa soo indha indheeyo
maadaama uu labadii habeen ee lasoo dhaafay uu lajiifay guul darradii imtixaanka.
ayaanle waa uu katalo baxay magaaladii uu aadi lahaa markii saaxiibkii siciid uyimid
waxa uuna ugu baaqay inay dib ugu laabtaan qolka fadhiga.
dhallinyaradu waxay habeenkaa si wada jir ah ulafa gureen waxyaabo badan oo dhanka
waxbarashada si weyn utaabanayey, siciid ka sokow saaxiibtinimada ayaanle wuxuu
ahaa mid dhanka kale ku wehliya fasalladii ay wax kuwada baran jireen, balse iminka
isagu waa ku baasay imtixankii waxa uuna galay kaalinta labaad.
su’aasha isweydiinta mudan uguna xiisaha badneyd ee ayaanle lasoo hordhigay ayaa
ahayd sababihii kallifay inuu imtixaanka kudhaco?
ayaanle oo aad mooddo in jawaabta su’aashaasi ku yara adagtahay ayaa inta uu
hareerihiisa deymo (eegmo) ugu dhaqaaqay hadalkiisii ubillaabay sidan;-

(siciidoow waxaa hore loo yiri nin adduuyo joogoow maxaa aragti kuu laaban!)
qaddarta rabbina waa halkeeda mana ahayn wax aan filayey inay sidani dhacdo.
waxaa laabteyda degay dareen kalgacal kaasoo aan la ii ogeyn waxbarashadeydiina kala
dhantaalay, waayo waxaan dayacay dadaal badan oo dhankaa ah gabadhaa daraadeed.
sheekada ayaanle markii ay meeshaa mareyso ayaa hadalkii waxaa soo dhexgalay
saaxiibkii siciid oo yiri ( wegerey waa layaab!)

kolley anigu maadaama aan ahay saaxiibka inta badan kawar haya xogtaada hadana ma
aanan arag waayadan jamasho aad uheysay ruux dumar ah ee ma jin (jinni) baad
jeclaatay?

ayaanle oo markan doonaya inuu usir-baxo saaxiibkii ayaa yiri run ahaantii ma ahayn
jin balse jacaylka aan gabadhaa uqaaday ayaa lahaa waxyeellada jinka oo kale,
anigana qorshahan ii qarsoonaa ma ahayn mid aan kula socodsiiyey maadaama loo diyaar
garoobayey imtixaankii kama dambeysta ee aan darteed ugu hoobtay, saaxiib yaanan
hadal kugu daalinine qofka aan ka hadlayaa ma aha qof aad meel fog ka raadineyso waa
gabadha bilan loogu yeero ee nagu fasalka ahayd bilihii ugu dambeeyey.

^ faallo kooban^

bilan waxay ku nooleyd xaafadda geed-jacayl degmada wardhiigley ee magaalada
muqdisho waa da’yar hubkii dumar ku faani lahaa rabbi u idleeyey timaheeda dhabarka
ku teedsan midabkeeda casaanka ah luqunteeda dheer ee cabbaaryaha ku xardhan ninkii
mar jalleecaa aanu kadaaleynin milicsigooda, waxayna bedel uga timid dugsiga sare ee
jamaal c/naasir oo ay usoo wareegtay dugsigan sare ee sheekh suufi laba bilood kahor
intii aanu billaabanin imtixaankii gunaanadku).

siciid waxa uu habeenkaa kula taliyey saaxiibkii in haddii waxyaabaha uu sheeganayo
ay dhab kayihiin aanu laabta ku haysan ee uu udan sheegto gabadha bilan ah ee
wadnihisa hoyga kuyeelatay, sidii ayaana habeenkaa lagu kala tagay.

ayaanle jacaylka baaxadda weyn ee uu uqaaday bilan jaamac
ayaa ahaa mid ku billowday aragtidiisii ugu horreysay maalinkii ay fasalka kusoo
biirtay waxaa cajab geliyey hannaanka rabbi heybadda usiiyey gabadhaa bilan ah,
indhaha oo kaliya ayuuna ka eegan jiray markii uu ugu bato salaanta uma aanu dhaafi
jirin.
wakhtigu waxa uu isguro maalmuhuna isbuucyo sii noqdaan waxaa lagaaray xilligii lagu
ballansanaa……. waa socataa

(lasoco qeybta 4aad insha allaah) Xaga hoose

W/Q: axmed maxamed barrow ( shooli yar

Leave a comment

No comments yet.

Comments RSS TrackBack Identifier URI

fikirkaaga waa muhiim pls leave comment

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: