Geeddi jacayl iyo godobtii qarsooneyd!! qeybtii 4aad


Wakhtigu waxa uu is guro maalmuhuna isbuucyo sii noqdaan waxaa lagaaray wakhtigii
lagu ballansanaa billowga sanad dugsiyeedka cusub (1988-1989)

arday fara badan oo ay wajiyadoodu farxadi ka muuqato iyo xoogaa kale oo sidii
ayaanle yara xishoonaya ayaa subaxnimo sabti ah isugu yimid dugsiga sare ee
sheekh-suufi si ay ula jaan qaadaan xilligan cusub ee waxbarasho kaasoo saacada
lajoogo billaabanayey.

ayaanle waxa uu kamid ahaa ardayda soo shir-tagtay subaxaa waxaana ubillowday xilli
kaduwan kii lasoo dhaafay waayo waxa uu meesha ku waayey asxaab fara badan oo ay
dhanka waxbarshada isku fahmayeen kuwaasoo ay ugu muhiimsanaayeen saaxiibkii siciid
iyo qoftii aragtidii ugu horreysay ku beertay jacaylka.
asxaabtan uu sida gaarka ah utabanayo waa bilan iyo siciide labaduba waxay ugudbeen
fasalka afraad oo xilli galabnimo ah ladhiganayey.

ayaanle oo markiisii horeba in muddo ah la gabanaa jacaylka uu uqabo bilan ayey
kusii fogaatay rajadii uu kaqabay in mar uun uu udan sheegto, laba siyaabood ayuuna
isasoo hor dhigay inay caqabad ku noqon karaan hammigiisa, waa tan koowaade wuxuu
cuqdad ka qaaday dhicitaankii imtixaanka taasoo uu istusiyey in bilan ay u
arki-doonto nin asaagii ka haray!
tan labaadna waxay ahayd in wakhtigu aanu u saamaxaynin inuu dantiisa ka hadlo
maadaama ay subax iyo galab kala dhigtaan iskuula, inkastoo haddii uu yara sugo
xilliya ay xisaduhu udhamaadaan uu arki karay bilan hadan go’aan deg-deg ah ma aanu
gaarin, balse goor dambe ayuu fekerkaa kusoo dhacay.

in badan ayuu ayaanle go’aansaday inuu bilan usheegto jacaylka laabtiisa huriyey
hadana meel dhexe ayuu go’aankaa uga harayey, maalmihii dambe waxa uu caado
kadhigtay markii lagaaro xilliyada rawaxaadda inuu yara sugo bilan, balse maxay
utartay?
sheedda oo kaliya ayuu ka eeganayey (fiirsanayey) isagoo iska qarinaya si uu
nafsaddiisa ugu qanciyo muuqaalka dahabiga ah ee rabbi kumanneystay bilan.

maalin maalmahaa kamid ah ayaanle oo darbi ku gabanaya sheedana ka daawanaya bilan
ayaa waxaa dushiisa kayimid oo soo dul istaagay saaxiibkii siciid waxa uuna indhaha
la raacay halkii uu ayaanle shiishka ku hayey, isla markiiba waxaa ucaddaatay
qorshaha uu saaxiibkii darbiga ugu dhakanayey.

ayaanle oo kusoo baraarugay siciid oo dul taagan ayaa inta uu hareeraha eegay sidii
tuug laqabtay lasoo booday (haye siciid caafimaadkaaga kawarran aniga maanta madaxa
ayaa iyara xanuunayey horay bas kama aanan raacine halkan ayaan ku nasanayey)
siciid oo ku qoslaya mar-marsiiyaha ayaanle ayaa yiri marka hore saaxiib waan
ladanahay teeda labaad xisadihii ayaa goor-dhow ii billaabanaya ee caawa siddeeda
fiidnimo ayaan isugu imaaneynaa hoyga aad ku nooshahay, markaa ayaan siwanaagsan u
sheekeysan doonnaa (haddii rabbi idmo) sidii ayuuna qof walba halkii uu higsan
lahaa ugu huleelay, ayaanle oo gartay in saaxiibkii uu fahmay qorshihiisa ayaa
isaga oo niyada iskala sheekeynaya is yiri tolow maxaa midkan maanta kula kulan
siiyey caawa canaan iyo wax aanan kari karin ayuu iisoo bandhigaaye, sidii ayuuna
bas ugu sii raacay xaafaddii iyo hoygii uu kunoolaa.

goortii la ballamay oo ahayd 8:00 fiidnimo ayaa la isugu yimid hoygii ayaanle
siciid ayaa hadalkii billaabay oo yiri ma fileynin ayaanloow in cabsida aad kaqabto
dantaadoo qof dumar ah loo sheegtaa ay heerkaa gaarsiisantahay waayo illaa iyo
xilligaan ogaa waxaad ilahayd berri ayaan udan sheegan doonaa hawshaaduna waxay ka
badan weyday inaad sheedda ka daawato oo kaliya, marka saaxiib sidani talo kuuma aha
ee isaga har kolley bareerahaaga ma bayaanin kartide.

ayaanle oo maalmahan is dhiiri-gelinta aan lagu hawl-gelin ku caan baxay ayaa
hadalkii saaxiibkii ka biyo diiday isagoo yiri…. waa socataa Hoos ka Aqri Q5aad

(lasoco qeybta 5aad insha allaah)
(w/qoray axmed maxamed barrow

Leave a comment

No comments yet.

Comments RSS TrackBack Identifier URI

fikirkaaga waa muhiim pls leave comment

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: