JACEYL KALA AWOOD WEYNE KII IILKA I DHIGEY Qeybtii Koowaad


Qisadaan ama sheekadani waxay dhex martay ama ay wali ka dhextaagan tahay lamaanayaal Soomaaliyeed oo la kala yiraahdo Safiyo Iyo Farxaan Xaaji oo ku dhaqan Magalaada Cape Town ee Dalka S,Afrika qisadan waxa qoray ama alifay mu,alif weyn reer swedan xiligan ku sugan waana kee wa mu,alifkii aad wada taqaaniin wa kee kaas wa qoraa da,yar walibana mualif ah wa abubakar mohamed hassan (( mr qurbaani ka bogosha wacan sxbyaal adunyada meelwalba ad ka joogtan waxan idin leeyahay farxad kuwada ciida ciidul adhxaa wa ciidii weynayd ciid arafa dadka qaar waxay shahiiid ku yihiin maalinta sagaalad banka arafa aan u wada duceyno meel walba aan ka joogno adunka …………….

waxay wiil dhalinyaro ah oo ku nool magalada muqdisho qaar ahan kaaran waxan dhashtay sanadka marku ahay 1982 dii aabahay wuxuu ahan jiray askari ka tirsanan jiray dowlada maxamed siyaar bare kadib uu ku geeriyooday dagaaladi sokeeye ay ka dhaceyn magalada muqdisho kadib waxa iso garab qabtay aderkay oo hada asiga la noolahay yarantayda waxan dhigan jiray duqsiga hoose ee degmada kaaran kadib waxan bilaabay in an adeerkayga saacido oo an shaqadii uu hayay garab ka siiyo madama uu adeerkay iska ahay nin weyn waxan fadhiistay oo fariisan ku yeeshtay suuqa weyn ee bakaaraha madama uu aderkay ku lahay dukaan weyn oo bagaash ah.

suuqii aya la qabsaday waxana iska ahay iskaabulo waan ogay in ay nolosha kali aysan ku wanagsaneyn laakin in badan ayan radiyay lamaane laakin dadalkayga kuma aysan qasaarin waan helay wax aan waqtiga kula qaato lakin ma aysan ahayn kuwa aniga is dhihi kara kuwaan mustaqbal ayay ku wanagsan yihin waqtiga kaliyah aya la qadan jiray waxan sidan ahadaba malin maalmaha kamid ah ayan waxan arkay dukankii aan kadhiyay dukan ii dhow gabar ay wax ka gadanayso lakin ma aysan ahayn gabar cadi ah waxa mooda intii yarayd ay mesha tagneyd anigo dhan ayay i jiidatay waxan kala garan wayay in an dukan fadhiyo iyo in kale markii ay baxday intaan kadaba cararay dukankii oo ii furnay ayan waxan ku dhahay abaayo i maqal waxan raba in aan wax yar ku su,aalo weyna ii istaagtay waxayna iigu tiri maxad rabtaa aan ka caawiya waxan ku iri hadi aad iigu cawin karto magacaaga kaliyah walaal macan wey yaabtay waxay iigu tiri aboowe adiga kuma aqaan adigana iima taqaantid hadana waxad iweydiineysa magacayga ha waa runta kuma aqaan lakin magacaga hadi aad ii shegto dhib maad u aragta .

maya ayay iigu tiri waxay iigu tiri waxa lii dhaha safiyo haye hadana maxa kal iweydiine ayay iigu jawaabtay kolay wad ku mahadsanntahay madama ad iigu cawisay magacaga hadana waxan raba kaliyah in aad i shegto xaafadada kaliyah maxad u arki lahayd walal macan waligay intan suuqan wax ka gadanaayi adigo kal maba arkin waxan deganahay madiino hadana sidii ayan isku baranay malintii oodhan waxa mooda in ay ii ahayd maalin qaas ah oo anigana ii qaas ahayd malintas malintii safiya aan arkay maba aysan ahayn malin cadi ah waxa ku fikiray in aan beri aan arki waayo wayo qof maanta aad aragtay hadi markale nasiib u yeelan weyso sow dhibaato mahan waayo suuqa bakaaraha wuu weyn yahay aad ayuu u weyn yahay dadna lagama radin karo wa dhibaato hdana waxa niyada u sheegay hadi an nasiib u leyahay wan arki doona dukaanki ayan xiray xaafadaysa ayan iska aaday malintii ku xigtay ayan hadana waxan ku arkay isla shalay meeshi ku arkay o ahayd anigo dukankayga meel udhow hadana wan wacay waxay iigu tiri adiga miya meeshan miya dukan kulahayd maxad shalay iigu shegi weysay meel kale maba ka adeegan lahayn adigo joogto taas dhibaato maleh ayan ku dhehay meshi ayan ku shegaysanahay malintii oodhan dukankayga ayay joogtay weyba iila shaqaynaysay galabtii ayan kala hoyanay waxay isiisay tel ayan kala qadanay isla habeynkii wan so wacay waxan ku iri waan ku salamay safiyo abaao macan runtii waxa tahay gabat qaali ah salan kadib waxan usii raaciyay tixdaan..

jaceyl kala awood weyne kii iilka dhigay
qays leela ag seexshe anoo iigu abuurmo
oogaduu ku faafo diiday inaa agtaysto
ogow nafta ku ooman adigee ruuxii ku
aamina abaal loo gala runtii

intaas markaan tel ku iri aad ayay u aamusnayd anigana intii ay aamusnayd aad ayan u naxsanay waxan islahay maxay ku dhih doonta waxyar kadib ayay iila hadashay waxay iigu tiri runtii shalay ayan is baranay hadana waxa iledahay waan ku jeclahay jaceylka malmahan socda aya sidan ah waayo raga ayago ka fiirsanin ayay kula yimaadan waxayna kuleeyihin wan ku jecelnahay kalmada jaceylka qiimahooda iyo qaayaheeda maba yaqaanan runnti aboowe jaceylka qalad maahan lakin dhalinyarada sannadkaan jiran aya qalad ka dhigayn waayo meeqa dumar ayay qalbiga ka dhaawaceyn meeqa dumar aya caloosha loo buuxiyay kadib meel cidlo ah loola dhaqaaqay kadib maxa dhacaayo gabarta mar hadi sidas loo galay mustaqbalkeda iyo aayaheeda dambe wey u dhamaatay sidiinaba idinka hadi rag aad tihin jacelkina waad iloweysann lakin dumarka jaceylkooda wa taariiq weyn ayuu ku reeba oo waligood iloobi karin runti aniga hada wan kuso dhaweyn kara waana ka ogolaan kata aboowe lakin adiga kama fikirtay beri wixii dhacaayo adiga maanta aya ku cad lakin kama fikirtay waxa aad jeclaatay in ay yihin qalbi nadiif ah mar hadi aad dhaawacdid ama aad burburisay in aad so celin karin kalsooni sida lo dhiso wey sahlantahay lakin kalsooni burburtay sida lo so celin lahay wey adagtahay adiga hadi aniga sidan rabo ka helaayo oona beri meel cidlo ah aadan iiga dhaqaqeenin welcme ayan ku leeyahay lakin marka hore in aad so fikirto aya aniga iila fiican aboowe hana ku fududaanin kalmada wan ku jeclahay abowe.

LA SOCO QEYBTA LABAAD INSHA ALLAH

2 Comments

  1. waaaaaaaaw

  2. Qisadaan ama sheekadani waxay dhex martay ama ay wali ka dhextaagan tahay lamaanayaal Soomaaliyeed oo la kala yiraahdo Safiyo Iyo Farxaan Xaaji oo ku dhaqan Magalaada Cape Town ee Dalka S,Afrika qisadan waxa qoray ama alifay mu,alif weyn reer swedan xiligan ku sugan waana kee wa mu,alifkii aad wada taqaaniin wa kee kaas wa qoraa da,yar walibana mualif ah wa abubakar mohamed hassan (( mr qurbaani ka bogosha wacan sxbyaal adunyada meelwalba ad ka joogtan waxan idin leeyahay farxad kuwada ciida ciidul adhxaa wa ciidii weynayd ciid arafa dadka qaar waxay shahiiid ku yihiin maalinta sagaalad banka arafa aan u wada duceyno meel walba aan ka joogno adunka …………….


Comments RSS TrackBack Identifier URI

fikirkaaga waa muhiim pls leave comment

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: