Geeddi jacayl iyo godobtii qarsooneyd! Qeybtii 6aad


Ayaanle waxa uu habeenkaa badankii ku hawlanaa xulashada labbiskii uu fiidnimada soo
socata la shirt-tegi lahaa waxaana hawshaa garab kusiinayey siciid oo isagu jeclaa
in saaxiibkii mar uun ka guul-gaaro jacaylka kalinimada ku helay middii dheelli-tiri

lahaydna uu xaalkeedu yahay sida “fallaar cirka loo ganay!”
wakhtigu waxa uu socdaba waxaa soo dhawaaday xilligii lagu ballansanaa baar bakiin.
abbaarihii 7:00 fiidnimo ayaa ayaanle oo ay kamuuqato farxad aanu qiyaasi karin
halka ay ku biyo shuban doonto waxa uu soo caga-dhigtay bartii lagu wada ballamay,
ayaanle waxa uu fadhiistay meel gooni ah oo uu ugu talo-galay inuu kala socdo
imaashiyaha bilan, basaska dadweynaha ee ka shaqeeya wadada hawl-wadaag taasoo
hor-marta baarka uu fadhiyey ayuuna indhaha la raacayey bal inay bilan kamid noqon-
doonto dadweynaha baarka hortiisa uga degi doona caawa.
markii la gaaray wakhtigii ballanta inankuna uu dhararsanyahay ayey bilan kasoo
gashay dhankii uu ka filayey mooyee dhanka kale, salaan diirran oo ay qaddarini ku
lammaansantahay ayaa leysku dhaafsaday.
ayaanle ayaa bilan kuyiri caawa waxaan filayey inaad horteyda ka imaan doonto balse
gadaasheyda ayaad ka timid, bilan ayaa si fudud ugu tiri ayaanle walaal
deegaankeygu kama foga halka aynu joogno, xaafadda jeed-jacayl ayaana kunoolahay,
teeda kale degmadan hawl-wadaag dan khaas ahaaneed ayaa galabnimadan igasoo gashay
sidaa ayaana gadaashaada uga imid mooyee hortaada ayaan ka imaan lahaa, ayaanle oo
ay ka gaartay maxaad hadaladaa u billowday si aaney sheekada caawa xaafadaha ugu
meereysanin ayaa hadalkiisii ku billaabay;-
aad ayaan ugu faraxsanahay kulankan caawa mar labaad ayaana kaaga mahad- celinayaa
ogolaashahaaga, markii uu hadal intaa yiri ayaanle ayuu u hinqaday inuu sameeyo
dalabaad cabitaanno ah balse bilan ayaa taa ka diidday, iyada oo aad mooddo in ay
deg-degsantahay ayey ku tiri inankii caashaqay ereyadan” run ahaantii waligey sidan
fudud uma aanan ballan-qaadin kulan noocan oo kale ah ee waxaa ila habboon adigoo
aan xumaan u arag inaad ii bayaaniso waxa uu ujeedkaagu yahay?”
ayaanle oo ay xaaladdu si uun ula dadbantahay geesinimana iska raadinaya ayaa yiri
sidan;-

Bilan aragtidaadii
baas bey ii ahaydoo
berrin aadan joogin
oo bidhaantaada lagu arag
iimaba baxaayo
boholyoobay awgaa
bushigan ihelay
la beegsaday dhakhtarrada
baxnaansha bukaannadoo
burduhuna ii dheeraa
bogsan weyday boogtaad
berigaan ku arkiyo
bilihii u dambeeyey
ku beertay boggeyga
waxaan laba bogleeyaba
ka bogsan maayo inaad
bar-barkeyga ahaatee
intaan ley bud-dhigin
baashaada ila qabo.

bilan waxay dhag kasiisay qosol dhawaqiisu uu aad usarreeyey kaasoo uu maqli karay
qof walba oo agagaarka ka dhawaa! markii ay qosolkeedii dhameysatay ayey ugu
jawaabtan wiilkii ayaanle ahaa sidan,
ayaanloow marka hore aad ayaan uga xumahay inaad isasoo kallifto anigana aad isoo
lug-gooydo haddiiba ay hawshaadu caynkan tahay, waxaan filayey inaad iila
imaan-doonto sidii aan garab kuugu siin lahaa waxbarashadaada si aad uga soo kabato
waxyeelladii kal hore balse waxaad miiska soo saartay arrin igu culus kuna cuslaan
karta gabar walba oo dib-udhicii hawlahaaga waxbarasho wax ka ogeyd, waana wax uu
caqligu diidayo adigoo og jugtii kaasoo gaartay imtixaanka in aad hadana jacayl iyo
bad-weyn aadan ka dabaalan-karin isku mashquulisaa taana waxaa u daliil ah
waxyaabaha aad caawa lasoo shir tagtay oo aan uqaadanayo in ay yihiin hawlo aad
muddo badan ku weyday in badan oo muhiim kuu ahaan lahayd ee mid iga dhagayso aan
kugu bogaadshee;_-

Hammigaagu weynaa
habsaankaagu badanaa
ma hingaadisay halkaad
ku hoobatay berigii
heegada sariyo
hambalyeystay kheyrkaa
haddaad hungowday waagii
ma istiri hagaaji
higsimaadka mustaqbal
hoggaankiisa waxbarasho
hadalka anigoon badin
hubso oo ka joog
heesta aad wadataa
haye inaan iraahdaa
waa habeen laga yimid.

Erayada cajiibka ah ee kasoo burqanayey bushimaha bilan waxay dhimbilo dab ah ku
noqdeen ayaanle oo daqiiqado kahor haystay farxad uu isaga dhaadhiciyey in wax
waliba hagaagi doonaan balse ay noqon weyday halkii ayaana….. waa socataa
(la soco qeybta 7aad haddii rabbi idmo)

W/Q:axmed maxamed barrow(shooli yare)

E-mail choli114@hotmail.it

Leave a comment

No comments yet.

Comments RSS TrackBack Identifier URI

fikirkaaga waa muhiim pls leave comment

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: