(MA SWEDAN AYA KU BADESHAY ))) Qeybtii Koowaad


umadeey waan idin salamay kuli meelwalba ad ka joogtan dunida dacaladiisa afartiisa geesod waxan idin leeyahay dadka qaar waxay so gutayn waajibaadkii xajja oo saarna inkasto waajib uu yahay hadana cidii aysan awoodin in ay xajja gudashadiisa aysan isla mar ahaantasi waxa waajib laga gasay madama uusan tagi garin in uu ku sooma gurigiisa asigo joogo waxa noo dhamaday ciidii arafo bal markaana kuso dhawada sheeko lamagac baxday (((MA SWEDAN AYA KU BADESHAY ))) wixii iiga baratayn walalayaal wa walalkiina ama qoraagiina weyna ((( abubakar mohammed hassan mr qurbaani)) ka bogosha wacan oo wanaagsan sxbayaal..


Qiso jacel ah oo aad u xanun badan ayaa waxay dhex martay lamaanayaal muda badan aad isku jeclaa oo lagu kala magacabo kaafi iyo ishwaaq qisada aadka u xanunka badan sida ay wax u dhaceen ama ay u jiraan waxaa nooga waramaayo kaafi oo isla waqti xaadirkaan dhinacayga fadhiya runtii kaafi wa wiil da,yar hadana nolosha ku cusub waligay wuxuu la haasaaway ishwaaq oo ahayd gabarta kaliyah oo aad ula dhacay runntii waxan dhihi kara anigoo ah mr qurbaani qisadan ama sheekadan waxan ku qiyaasay in ay tahay noloshii saxibkayna kaafi yare waxuuna ku bilabayaa sidaan………………

waxaan ku dhashay magaalada muqdisho gar ahan xaafada hodan laakiinsa waxaan kusoo barbaaray dalka baqor tooyada sacuudiga madama uu dalkii noqday goob dagaal 1994tii ayan ka tagay wadanka waxan aday sauudi madama uu joogay aabahay asiga la noolay noloshayda bar waxan kuso qatay wadankaas laakin markii aan weynaaday oo dhaafay 24 sano oo aan garay oo aan is leeyahay markaan wiixi xun iyo wixii ku sax intaba waad garanaysa aya waalid ka codsaday in aan baxo oo aan u tahriibo dalalka galbeed madama uu markaas furnaay jidkii ama wadadii suuriya waalidkay wey ii ogoladeyn sharcigii aan ku lahay wadanka waan gatay wana kuso baxay suuriya markaan imaaday aya waxa kuso dagay guri muqalas uu lahay gurigas aya joogay mudo 4 cisho kadib.

ayan kaso tagnay aniga iyo ninkii iwaday waxan soo aaday oo hadana nasiib wanag llugta so galiyay wadanka turkiya wax dhibaato ah kuma arag intii aan wadada so socday laakin aniga rajadayda iyo hamigayga intaba kuma aysan ku ekayn in aan turkiga ku hakado waan kaso tagay turki waxan soo aaday greeg waxan dhib so mara waxan hdana so garay greeg runtii tahriibka waxan maqli jiray inn uu dhib badan yahay lakin ismana dhahaynin adiga naf ahantada aya halistaan so galaysa runtii dhibka marku lagu sheego waxba uma arkaysid lakin marki aad indhaha sarto aya oganaysa nolosha waxay tahay.

greega aya in badan joogay wana liigu qabtay markaan so galayay waxana liiga qaaday faro runtii marki aan xabsiga ku jiray waxa mooda in ay rajadayda intaas ay ku ekayd waayo mar hadi faro laga qaado meel aad garayso maba jiran waayo faraha greega runtii aad ayuu u dhib badanyahay waayo grega waxay ku biirtay yurub lakin magac ahan ayay yurub ka tahay markii aad ku nooshahay aya arkaysa nolosha in aysan marnaba istaahilin in lagu noolaado greega markii aad aragto talyaaniga aya jano ku noqonaayo wayo talyaaniga wuxu dhiiba sajoorno laborty oo aad ku shaqaysan karto oo aad ku dhoof garto laakin greega intaas maka hayno hadana farahii ayuu ku darsaday waxa mooda in mustaqbalkayga oo dhan ay ku dhamatay wa wadan halis ah oo hadana cunsuri ah.

habeynki waqti dambo lama socon karo hadi ay ku arkan wey ku dilayan wey ku dhacayan weyna ku baranayan wlhi waxa maqli jiray wadankada wadanka uusan ahayn dareyn ku joog waye runtii maanta ayay i haysata guri aya daganay waxa n ku noolayn dad garaya ila 12 qof oo wiilal ah oo hal qol ah fiiri nasiib daradeyda wadankan kama bixi karo waayo sharci maba bixiyo mana laga bixi karo bixitankiisa aad ayuu u dhib badanyahay waxa sidas u silcaba waxan helay sajuurno oo wiil aan saxibo nahay oo holan sharci ka qaatay oo iiso dhiibay taas ayan kuso baxay intii aan wadada marayay wadnaha aya farta ku hayay waayo waxa laso mara kontoroolo aad u faro badan oona aad u halis ah hadi ay kuqabtan wey ku dhamanaysa nasiib wanag waan kaso gudbay waxan iska imaaday wadanka swedan oo iigu so dhaweyay wiil aan qaraabo nahay ooo wadanka sharci ka lahay oona ka deganay meel magaceyda laygu shegay maalmo wa casimada 3 xaad ee swedan,

markii aan swedan imaaday aya waxa mooda in ay nafta hada iigu so noqotay runtii nolosha mar wa mugdi marna wa cadan laakin mugdiga inta badan bini,aadama uma adkaysan karan swedan aya in badan joogay waayo hada maba iska dhibo karo waayo anigo dhan aya rafaadsan oona silacsan ilaa aan nafta iigu so noqoto oo aan u ekaado dadka lagama yaabo inn aan dowlada iswedan iska dhiibo xafadii ayan iska joogay runtii in badan aya waxan arkay wiilal iyo gabdho faro leh qaar talyaaniga aya ka imaadeyn qaarna maalta aya ka imaadeyn runtii ninwalba sharcigiisa ayuu udhiibanayay wiilka aan qarabo nahay waxay leeyihin noo hay nasiiibkayna aya so tiyaabinayna marki aan arko qof sharci wadanka kale ka leh hadana wadanka kale magan galyo weydiisanaayo.

taas aad aya aniga uula yaaba runtii waayo aniga sharci maba haysta hadi aan sharci haysan lahay maba imaan lahayn wadankale qaar badan aya faraha guwayan qaarna dabkii ayay farahii oodhan gashtayn runtii intaas markii aan arkay noloshii yurub aan ka lahay waxa mooda in ay niyadayda iyo maskaxdayda oodhan aan ka saray qaar badan aya farahii sil ciyay hadana laga helay qaar waxa arkaysa farahii diirkii aya ka qadeyn dhiig aya ka da aayo silacaas iyo rafaadkaas aya sharci lagu radinaya walhi wa layaab adunyada intad joogto waxaad arkaysa waxka yaabiya .

asigo sidaas u silcayo aya hadana faraha laga hela hadana booliskii ayuu ka carara marki la dhaho wa lagu celinaya talyaaniga aya ka imaatay wana dowlad wana yurub asiga aya sharci ku leedahay ma aragtay nin wadankii uu ka imaaday diiidayo oo wadanka kale rabaayo booliski asigo radinayo ayu ka carara hadana wuxu taga norwey wuxu isleeyahay hadana ama sharci ka hesha dhibaatada aad ayay usii badanaysa waxan ku ducaysanaysa in ay soomali midowdo intaas aya xal inoo ah waayo dhalinyaradii oodhan wadankii wey kaso haajireyn xagana ma jiran intana ma joogan meel walba aad tagto nin ku dhahaayo aniga waxan ahay (( dublin )) runtii maalmihii iigu horeysay waxan mooday wiil magaciisa marki dambe aya lii sheegay in ay tahay dublin cudur halis ah lke ( AIDS )

kadib aniga waxan go,aansaday in aan nasiibkayga fiiriyo wadanka swedan aya iska dhiibay farahii aya dhigtay anigo wadnaha hadana markale faraha ku haya aya dhigtay nasiib xumo farahii aya liiga helay waxa lii shegay in aan ahay dublin waayo waxay idhahayn waxa ka imaatay greega runti anaga kuma dhihi karno sharci aya kusiin karna lakin waxan ka rabna in aad noola shaqayso wadankaada aya ku weydiinayna hadi uu kuso dalbado asiga aya dib kugu celinayna hadi uu kuso diido anaga aya xal ka garayno hadana waxan kusi nayna kaar oo lacagta ku qaadato iyo kaam aad degto intaba waan kusi nayna adigana noola shaqay hadi ad noola shaqayso anagana wan kula shaqaynaysa .

markii lii sheegay in farahii liiga helay runtii aad ayan u murugooday waayo meeshi aan kaso tagay dhibatayda aya hadana liigu celinaya dadweynow ma maqashayn nin soomali ah oo la dhahaayo wadankaada aya kuweydiinaysa hadi uu ku diido anaga aya xal ka garayno wadankayga wa soomali greega miya aniga ka imaday waxan maqli jiray naagta in la dhihi jiray aniga kuma sheegayo ee 5 bilood yey ku sheegin anaga oo rag ah aya hada nahaysata oo shanta aya na shegayso kamki ayan tagay lacagtii aya iiso dhacday waxayna ahayd 2200 kroon ayay iiso direyn bishii waxan joogay 4 bilood kadib go,aankii aya liiga so gaaray wuxu noqday in greega dib liigu celiyo anigo yaaban aya greega kuso laabtay mashaqo wa tano kale.

markii kuso laabtay asxaabtii oodhan wey ifahmeyn sxb kaafi haye hada aya imaatay war sxb aad aya uso cadaatay wana so quruxbadnaatay hada aya anaga noo ekaanaysa bal saaxibow intii anaga noo ekaanin waxan kula talinaya intii aad weli madoobaanin sxb dib iska labo meeshan sidii aad ku ogayd waaye wax isk bedel ah kama hayno sxb anigana fikirkayga ma uusan ahayn in aan greega kusi daaho waayo nolosha greega aad ayad ugu silcaysa xita mararka qaar waxad wahaysa meel aad wax ka cunto waxa macquul ah 3 da waqti in aad hesho hal waqti anigana dib ayan ugu so laabtay swedan hadana waxan rabay in aan is dhiibo oo runta aan sheego waayo greega nolol matalo in aan dhaho intii greega iigu celin lahedeyn iigu celiya soomali in aan dhaho aya iigu go,aaneyd lakin swedan markaan dib ugu so laabtay aya fikirkii watay socon waye wiil aan saaxibo nahay aya ii sheegay wax lagu badbaadi karo dublin wuxu ii sheegayy in aan radiyo naag sharci haysata in aan guursado ama saaxib aan kadhigto oo gurigeeda iska jooga sanad iyo bar kadib aan faraha dhigto aan dhaho aniga intaan swedan ayan joogay oo ku noolay kadib markaas ayan sharci lii siina lakin waa inaan ka maqnada sanad iyo bar lakin waxan radiyay sanad iyo bar meeshii la gali lahay lakin hadi aad wadan kale aad faro dhigato sanadkas iyo barkas sharci kuma siinayan .

La soco Qeybta labaad insha allah

Leave a comment

No comments yet.

Comments RSS TrackBack Identifier URI

fikirkaaga waa muhiim pls leave comment

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: