Geeddi jacayl iyo godobtii qarsooneyd! qisso jacay (qeybtii 7aad)



Erayada cajiibka ah ee kasoo burqanayey bushimaha bilan waxay sidii dhimbilo dab ah
oo kale ku noqdeen ayaanle oo daqiiqado kahor heystay farxad kumeel-gaar ah taasoo
uu isaga dhaadhiciyey in wax waliba ay hagaagi doonaan balse ay noqon weyday halkii
ayaana looga dhaqaaqay isaga oo aan xittaa hal eray oo uu ku difaacayo jacaylkiisa
ka oran.

dhibbane jacayl ayaanle oo ay talo ka wareertay ayaa cagta saaray waddadii wadnaha
si uu utiigsado hoygii uu kunoolaa ayaanle habeenkaa inuu bas uraaco waxa uu
kadoor-biday inuu lugeeyo intii uu waddada socday waxaa maskaxdiisa ka guuxayey
sida aanu jecleysan ee loo qaabilay taasoo ay udheereyd shallaay uu ka qabay
jacaylkan jah-wareerka faraqa ugu riday.
ayaanle markii uusoo gaaray xaafaddii uu deganaa waxa uu ku hormaray hoyga
saaxiibkii siciid si uu ula socadsiiyo natiijada laga dhaxlay hawshii uu
dhiiri-gelinteeda gacanta weyn kulahaa, ayaanle waxa uu lakulmay siciid oo fadhiya
guriga hortiisa, siciid markii uu meel fog ka arkay ayaale oo kusoo jeeda ayuu isaga
oo qoslaya fadhigana kasii istaagaya waxa uu hadal ku billaabay haye saaxiib waxa
aan umaleynayaa in caawa wax waliba sida aad jeceshay ay kusoo dhamaadeen?

ayaanle ooba illoobay dabkii uu caawa faraha ugasoo gubtay ayaa qosol dhag
kasiiyey isagoo la yaaban saaxiibkan war moogga ah kuna yiri waan jeclaan lahaa
adiguna waad ila jeceshahay balse (lamood noqonse weyday) kulankii caawa natiijo
la’aan ayuu kusoo dhamaaday erayo run ahaantii jawwiga iga lumiyey oo aan kala saari
waayey goobta aan ku suganahayna waa leygu sii sagootiyey.
siciid oo umaleynaya in saaxiibkii ku cayaarayo ayaa yiri kaftanku ha inoo dambeeyo
caawa wax niyad jab ahi kaama muuqdaan oo waadigan qoslaya ee runta ii taabo,
ayaanle oo doonaya inuu saaxiibkii uga faalloodo xaqiiqda jirta ayaa yiri horta
siciidoow layaabku mararka qaarkood waa uu kaa qosliyaa, inantii bilan ahayd caawa
waanu kulanay danahaygiina waan uga hadlay balse wey igu gacan seyrtay iyada oo
waliba igu tilmaantay qof aan danihiisa aqoon ee dumarka gabay been ah utiriya mid
ayaase iigu darnayd caawa markii aan daaha uga rogay dantii aan lahaa ayey qac
kasiisay qosol aan caadi ahayn kaasoo ay nala yaabeen dadkii goobta ka dhowaa isla
daqiiqaddaa waxaa ii cabirmay jawaabta aan heli karay, aniga oo ay hadalada bilan
dacar igala qaraaryihiin ayaan misna dhagaheyga udhigay illeyn nin dan leh ayaan
ahaaye waxaan is iri markii ay dhameysato gor-gortan ka usii wad balse cidna ilama
sugin goobtii ayaa la igaga dhaqaaqay,dhakafaarkii aan kasoo qaaday kulankii caawa
ayaa igu kallifay inaan lug xaafadda ku imaado marka saaxiib xaalku waa sidaa.

siciid waxa saaxiibkii umuujiyey sida uu uga xunyahay arrinta ku dhacday wax talo ah
ee uu ku biiriyo ayuuna garan-waayey waxa uuna urajeeyey nasiib wanaagsan iyo in
wixii calaf ah aan marnaba la seegi doonin, sidaa ayaana leysku qanciyey oo lagu
kala tegey.

ayaanle habeenkaa jiif isaga shaqo iskuma aanay lahayn waxyaabo badan ayaana
hortiisa imaanayey dhowr mar ayuuna isku dayey inuu is illowsiiyo nafsadda ayaase ku
qanci weyday inay marnaba illowdo jacaylka baaxadda weyn ee ay uheyso bilan,
jiif la’aan soo qaabishay habeenno is xiga ayaa kallifay inuu inanku gaaro go’aan
shakhsiyan ah kaasoo uu ugu talo-galay inuu nafsaddiisa maaweelo uga dhigo.
go’aanku waxa uu yahay inuu ka fogaado aragtida muuqaalka bilan kuna dadaalo sidii
aanu u arki lahayn xilliyada isbedelka labada gellin ee iskuulka,marka labaadna waxa
uu doonayaa inuu quluubtiisa….waasocataa

( lasoco qeybta 8aad insha allaah)
w:qoray axmed m.barrow(shooli)

1 Comment

  1. Asc walal qebta kale gorman sognaa


Comments RSS TrackBack Identifier URI

fikirkaaga waa muhiim pls leave comment

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: