(MA SWEDAN AYA KU BADESHAY ))) Qeybtii Labaad


saaxibkay aya wuxuu iisheegay nag fiican oo magacayda iigu sheegay ishwaaq oo wadanka sharci ka qadatay oona garoob ah naagtas ayan lugta ku galina sxb sidas aya ugu badbaadi karta dublin sxb fikirkayga qado wa hadi aad rabro mustaqbal anigana sxbakay war kama diidi karo tana aniga aya mustaqbal ii tahay hadi aan sharci iyo naag isku helaayo waba mahad yaba heli kara aniga iyo saxibkay waxan aadnay xafadii ay deganayd ishwaaq gurigayda aya garaacnay sxbkay aya yaqanay

lakin wey iska qurxoonayd sidasna uma sii qurxooneyn laakin tanta aan ka rabo aya kasi weyn is barasha kadib aniga magacayga ay usheegay wana kaafi aya lii dhaha iyadana waxay iigu shegtay ishwaaq habeynki oodhan haasaawi dheer aya galnay aniga waxan ka rabay wan ka helay weyna ii ogolaatay in an so dego xaafadayda aniga iyo alaabtayda oo wada socono aya guriga so galnay weyna naso dhaweysay qol fiican ayay isiisay qolkaan maanta laga bilaabo adiga aya iska leh ogow kuso so dhowow gacmo furan wan dhawahay ayan dhehay kadib waxan gudi galay iyada noloshayda sidii aan ku ogan lahay waxay iigu tiri aniga garoob ayan ahay.

lakin waxan weydiiyay madama aad garoob tahay abaayo ma ogan kara labadan gabdho aabahood waxay iigu tiri alshabab aya dileyn aabahood lakin anigana sidaas uma si weydiinin mar hadi ay iigu tiri aabahod wu dhintay waba kadaba haaray waxa mooda in ay ii bilowday nolol cusub waayo ishwaaq wa gabar fiican soo dhaweynta ku fiican anigana waxan ka mid noqday reer swedan oo laakin sharci ku lahayn habeyn walba meshi aan ka rabaado swedan waan aadi jiray gobol ka gobol ayan ka bartay asxaaab fiican ayan ku bartay ishwaaq iyada aya waxwalba isii jirtay waxa maqli jiray naagaha yurub joogan nimanka ayaga ka gatan beyn aya umaleyn jiray lakin maanta aya xaqiiqsaday waayo guri ayay isiisay oo dowlada ogayn wan cuna wana caba dadka uma xumi in aan ka sareeyo maahinne heer waxan gaaray in aan jaceyl ku abuuro xita lacagta ilmaha la siiyo aan ka qaato o waalidkay ugu dirsado anigo shaqaynin .

waxanasiib wanaag sanadkii 12/4/2011 ayaa waxaa nasiib u yeeshay gabadha aan ifka ugu jecla ee ishwaaq aya waxay iiga codsatay in aan gursado anigana waan ka ogolaaday lakin waan diiday guur weyn waayo aniga sharci ma lihi waxan raba in aan shiiq so waco oo meher ku dhufano wey ii ogolaatay mudo kadib waxay noqotay xaaskayga gurigii aniga aya aabo ka noqday sidi aan raba aya u maamulan jiray waxan sidaas ahaanaba mudo kadib waxa wadanka swedan soo galay gabdhaha aan aniga adeer u ahay aabahood oo runta ah oo aniga u haystay in uu dhintay oo markii hore ii shegtay miskiinka wuu imaaday swedan laakin ma yaqaano meeshii ay joogto ishwaaq iyo caruurtiisa maalin ayan waxan maqlay iyado tel; ku hadlayso oo dhahayso aniga maxa iiga rabta swedan ha iigu imaan norwey ama finland tag meeshaas aya ilmahagaaga kugu kena aniga ha iso raadsan aniga marki aan intaas maqlay waan yaabay shalay ninkii iigu dhahaysay wuu dhintay oo maanta so hadlaayo wa arin mucjiso ah oo aniga maskaxdayda ka weyn .

aniga awood aan ku weydiiyo ma aana lahayn waayo arintaan shalay anigo ka fiirsan ayan sameyyay anigo u sameyay sidi aan ku heli lahay sharci iyo mustaqbal waayo shalay hadi aan meel ku ogan lahay ilmaha aabahood waxay iigu dhehaday wuu dhintay wuu dhintay meel loo dhaafayo ma jira wa maya aniga shaki weyn aya i galay meel aan ka aadi karo ka jirto wayo sharci mahaysto lacag maba hayso wayo wadankan aniga kama diiwan galsani xitaa sariir aan ku seexdo kama haysto wan shalayay waxan ka shalayay maalintii aan yurub hami iigu so galaysay waayo maanta fiir sharaf xumada iigu haysato naag ilmaha aabahood dishay aya aniga faraqa ku xirtay waxa macquul ah shalay waxan weysna sharci laakin maanta mustaqbalkayga oodhan aya way doona hada maxa ku hadla hadal maba i yaalo waxa iigu filan sxb shalay meeshai ka imaatay waad taqana aad taasna aniga sharaf ima aha .

mudo kadib ilmaha aabahood wuxu ahay nin madax adkaan badan waayo nin ilmo ka maqan jiif ma uyaalo wuxuu so baadi gooba swedan maa laga wana naag iyo labo gabdhood wadata ninwalba aya sheegayo wa loo so tilmamay xafada dhinaceeda ayuu imaaday marki ay ogaatay waxay iigu tiri sxb waxad sameysa caawa ilaa beri is dabir meeshaad aadi karto aad laakin waxa iigu balan ah habyen dambo in aad gurigan adiga aad seexato laakin cawa ilmaha aabahooda ay qolkaaga seexanaayo ogaaw anigana waxan sameyna sidi uu mardambe u imaan gurigan ee adiga hada iska bax anigo yaaban oo marna quslaayo marna naxdintii iiga badatay ayan guri wiil aan saxibo nahay iska so aaday kadib waxa guirga imaaaday ilmaha aabahood dadkii xaafada deganaay aya indhaha iyo afka taagtaagay naagtii shalay dhahaysay ilmaha aabahood wuu dhintay maanta oo joogo miskiinka markii uu guriga so galay waxyar maba fadhiyin qaylo iyo buuq ayay ku bilowday aqyaar oo iyada cideeda ah ayay u diyaarisay oo iyada isku fiicnayeyn miskiinka labada dhinac sidi lagu buuqaayay aya waxa laga qaatay 2 dalaaqo ah in uu ku furo waayo waxa lagu dhehay naagtan adiga kuma rabto ee fiiiri qolkaas xiran nin aya iska leh adiga madaxaaga ayuu hada magalada ugu jira hada hadi aad baxdo isla caawa wu so laabanaya maxay ku taraysa naagtaan naag kuma noqoto ee iska fur ee ilmahaaga madaxooda fiir .

miskiin wuu hadlay heer wuxu gaaray in uu codsado in uu naagtiisa weli jecelyahay in lasiiyo fursad uu naagtiisa kula so hadlo lakin wa loo ogolaaday lakin maxay taraysa marki ay guriga wada galayn bananka aya loo fadhiyay qayladooda wa la dhagaysanaayay asigo sariirta fadhiyo ayay albaabka kaso baxsay naagtiisa waxay tiri war kan inika taqaanin madaxayga maliiga qada mise caawa wa dila kan miskiinka asigo indhihiisa biyo ku taagan oo gabdhihiisa haysta aya wuxuu dhehay maanta laga bilaabo madama ishwaaq oo aniga inacday oo sidaan iigu sameysay anigo nool oo ninkale guursatay oo weli aan jecelahay oo iyadana iiga codsanayso oo ku madax adkaynayso ilaa aan ka furo gurigan kama tagaayo lakin ogow aniga xur inaan ahay shalay waayo adiga aya madaxaaga adiga aya i dhiibatay anigana kuma qasbin laakin maanta madama aad i qasbayso ogow tan ine aduunyo tahay waana ku furay sacadan wixi laga bilaabo fasax aya tahay marki u intaas dhehay aya loo ogolaaday ilaa caawa in uu seexdo gurigga wa mida aan aniga uula yabanahay ilaa hada nin miskiin ah oo caruurtiisa laga dheerenaayo oo guriga ilaa caawa seexo ladhahaayo waligay maba arkin laakin miskiiinkaan waligay intaan aniga ifka ku noolay ninkaani oo kale maba arkin waa nin sabar badan oo dulqaad leh aniga oo kaafi ah ninkaas gacan aya u taagan.

mudo kadib aniga sanadkii iyo barkii aya ii dhamaaday waxan aaday xeradii qaxootiga wa isku sheegay waa aniga kaafi ah sanad iyo bar ayan swedan joogay mana ka bixin ayan dhehay isla markiiba waxa lii soo tuuray entervew waxa mooda wiixi aan ku haminaayay in aan maanta helay kadib entervergii ayan maray waxan qatay sharcigii kadib waxa lii siiyay guri aan aniga iska leeyahay markii aan guriga helay waan so diyaarsaday alaabtii oodhan markaan dhigtay school ayan bilaabay mudo kadib schoolka waxan isku baranay gabar nasro la dhahaayo oo wadankaan wax badan joogto afka swedhishka waxa lagu hadla qof ku dhashtay o kale qoftii ayan is fahanay jaceyl ayan bilaabnay ishwaaq waxan usheegay in aan ka guuraayo madama aan guri helay waxay iigu tiri .

adiga oo kaafi ah maa guurayo sabab ayad u guuraysa ma ogtid miya inaa ku jeclahay oo la,aantaadi noolan karin aboowe maxa sidas ii leedahay maxa aniga ka haleeyay waad ogtahay waxwalba in aan ku siin jiray heer waxan garay ilmaha aabahood adiga madaxaada in aan guriga ka buriyo adigana saan aya ileedahay aboowe maxa ka wata hadalkaan in aan afkaaga ka maqla marnaba kama fileynin aboowe wadnaha aya i goysay waan ka guura maxa aniga ku dhibay o aad iiga tabanaysa aboowe macan.

adigo og wixi aad iiigu sameysay aya ileedahay maxa kugu sameyay ma xasuusata maalintii aan ku dhehay ma ogan kara abaayo ilamaha aabahood maxa aniga iigu tiray maxasuusata mise waad ilowday ninkaaga oo nool aya aniga danbe weyn qoorta ii galisay adigo lagu qabo aya idhehday garoob aya ahay maxa kugu kalifay hadi aad ninkaaga nacday maad sugtid ilaa u ku furaayo waayo waxa tahay masugto maherlaay adigo kale wax la mahersado maba tihid waayo maher maba kugu xirni hadi sidaan ilmo iiigu dhali lahayd xitaa ma ogayn miyaa in ilmahaas meherkii hore ay ku dhashtayn 3 naf aya ku dheshay tada aya ku dheeshay taydana waku dheeshay iyo ninkaaga sharaftiisa waad ilaalin weysay adigo kale waxa tahay muqaalifo nurmabar 1 anigana ehelba sharci ayan kugu sugayay hadana wan haysta sharci iyo naag sharaf leh adigo kale naag iskabadaaye xitaa naag musqusha ii tirtrka kama dhigan lahayn marka hore waxa so barata nagta la qaba waxay tahay micnaheeda so ogow hadana nabadeey waxan ku duceysanaya in aanan markale kulmin intaan noolnahay..

kadib waxan kuso laabtay gurigii cusbaa oo dowlada swedan isiisay mudo kadib waxan ogaaday miiskiinkii aan qaladka aan ka galay in aan cafis weydiisto madama uu xaaaskiisa aan qabidi beyn ku qabay lakin aniga taas qalad kuma aanan lahayn waayo iyada ookiyaalo madow ii galisay waxan soo aaday goobtii oo ku noolay si aan cafis ugu weydiisto waxan imaaday xaafadii uu degana waxa lagu magacaba FELLINGSBRO xaafadii markii aan imaaday ayan is aragnay si fiican ayuu iigu so dhaweyay wuxuuna iweydiiyay caruurtiisa xaaladod waxana ugu jawabay sxb caruurtada xiligii aan ka warqabay wey nawaad qabayeyn lakin xiligan waxba kama shegi karo sxb waxana kugu imaday in ad iska ke cafiso madama aan nin xun ahay waayo aniga arintan maba ogayn mana lii sheegin sxb naagtada aya iigu qaladay sheekadan .

sxb nagtada hadi aad mar dambe aad idhahdo iska jir naagtaasi magacayda mar dambe ha iigu so qadin hadi aad nawad aad rabto waye waayo taas naag mahan naagaha oodhan ayay meel ugu dhacday weyba fiicneyd hadi aan ogaday wajigeeda dhabta ah waayo maba ogan lahayn hadi an isla joogi lahayn marmarka qaar aya fiicnaada kala maqnashaha waayo waxa ku ogan karta qofka xun wajigiiisa dhabta ah sxb hadana waxa iigu imaatay in aan ku cafiyo sxb horta aniga wixi iigu dhacay iyo dhibka iso garay mahan mid adiga iiso celin karta waayo wxii iso garay aniga iyo ilahay aya og hadi aan maanta ku cafinin waligay kuma cafinaayo waayo sababta aan ku cafiyay ayay waxay tahay waan aragnay raga qaar ayago falalka dambiyaasha ugu xun xun gala wa tano kale hadana marnaba lagama yaabo in uu ka toobad keeno ama uu kaso laabto fal noocaani o kale sxb hadi aad kaso laabatayy falki xumeyd aad horay u gashy waan maqlay asbaabaha kugu kalifay falkaani waxa keentay madama uu wadanki xumaaday hadana meel loo laabto aysan jirin hada aad ka imaatay meeshii xumeyd greega intaad grega u laban lahayd aya falkaani u gashay sxb laakin waxan ka digaya sxb waxan ku shegayay ogow doorada xaarka wey cunta lakin af tirtirasho aya lis dheeryahay adigana sxb baahi baqti looma cuna greeca sxb niman asaagaaga oo kale aya ku nool sxb waxad is barta sxb sidii aad nolosha uula qabsan lahay sideedaba nolosha waa jalaato intii ka dhaalalin aya la cuna sxb .

runtii sxb anigo kaafi ah runtii gacan ayan mar labad ku tagay adigo kale aya fiican in laga barto bini,aadinimada waxay tahay sxb runti nin boqor ah aya tahay wax aan kugu tilmaamo maba garnaayo sxb waad iiga reesay sidii aad ii waanisay ayaba wax lasiio lahayn waandada wan qaatay sxb waxana tahay walakayga iiga weyn booskiiisa aya joogta sxb is barasho wanagsan sxb intaas ayuu kuso gabagabeeyay sxbkayna kaafi sheekadii lagu sheekenayay manta intaas ayay ku ektahay wa anigo ABUBAKAR MOHAMMED HASSAN MR QURBAANI waxa idinka tagaya kulanti dambo oo xiiso leh saaxiibayaal iska ilaaliya nolosha sideedaba waxay ku tuseesa wajiyaal badan ………….

____________________________________________________________

2 Comments

  1. waxaan rajeynayaa aniga o ku hadlaayo magaceyga iyo kan dhalinyarada somaliyeed gaar ahaan intooda ku sugan arliga hooyo
    inaad noo sameysaan chating lagu caweeyo

    sidoo kale lagu baashaalo oo laysku wareysto

    thanks

  2. beriihor hamluhu siwanagsan ayay ulabisanjiran hada maxadhacay se wamaxay sidasi


Comments RSS TrackBack Identifier URI

fikirkaaga waa muhiim pls leave comment

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: