Geeddi jacayl iyo godobtii qarsooneyd! qisso jacayl Qeybtii 8aad



Ayaanle markan waxa uu gaaray go’aan shakhsiyan ah kaasoo uu ugu talo galay inuu
nafsaddiisa maaweelo uga dhigo.
go’aanka uu gaarayna waxa uu yahay marka hore inuu ka fogaado aragtida muuqaalka
bilan kuna dadaalo sidii uu wajiga uga dadban lahaa xilliyada isbedelka labada
gellin ee iskuulka, midda labaadna wuxuu doonayaa inuu quluubtiisa ka tir-tiro
haddii uu taa awoodi waayana uu yareeyo hammiga faraha badan ee uu uqabo iyo inuu
xoogga saaro waxbarashada halqabsiga unoqotay dadaal yari lagu dhaliilay.


go’aankaa uu gaaray ayaanle kadib waxa uu umuuqday mid kasoo kabanaya jugtii ku
gaartay (bar bakiin) inkastoo aanu gebi ahaan jacaylku ka guurin hadana waxbaa kusoo
duxa markii uu maqlo heesaha jacaylka qaarkood, heesta sida aadka ah utaabanesay
laabtiisa waxay ahayd heesta caanka ah ee lagu magacaabo ( cimrigiiba jacayl waa
cawaaqib xunyahay) ee uu ku luqeeyo al fannaan boqorka codka “maxamed saleebaan
tubeec”
erayada heestaa oo miisaankoodu culusyahay kiciyeyna dareenka ayaanle waxaa kamid
ahaa;-
listening Cimrigiiba Song

cayaar maaha dadoow
cudurkan ihayee
cantar waad maqasheen
cabla baa lahaydoo
cimrigiiba jacayl
waa cawaaqib xunyahay.

maqalka heestaa iyo kuwa kaloo lamid ahba ma ahayn kuwa uu ku raaxeysanayey
dhageysigooda markii uu maqlana waa uu damin jiray raadiyaha haddii kale oo ay
goobta joogaan dad uu qadarinayo na waa uu ka fogaan jiray maqalka dhawaqooda.

kaalintii waxbarasho ee ayaanle waxay dib ugusoo noqotay sidii ay sanad kahor ahayd,
la qabsiga fasalka cusubna waxa uu noqday mid usahlanaada laba bilood kadib taasoo
uu kugaaray inuu kamid noqdo ardayda ugu firfircoon dhanka waxbarashada fasalkii uu
wax ku baranayey.

bilan markii ay weyday muddo dhowr bilood ah bidhaantii ayaanle ayey goor galabnimo
sii dhammaaneysa ah xilli lagasoo rawaxay iskuulkii waxay sheeko kusaabsan dhanka
ayaanle layeelatay saaxiibkii siciid oo ku tiri “saaxiibkaa ayaanle ma aanan arag
waayadan ee ma iskuul kale ayuu ubadashay?
siciid ayaa ku jawaabay maya wali iskuulkan ayuu dhigtaa ee maalmahan howlahiisa
waxbarsho ayuu ku mashquulsanaa markii ay xisaduhu udhamaadaanna kuma hakado
agagaarka iskuulka ee horuu ka gudbaa.
bilan oo dhoolla caddeyneysa ayaa tiri kolley saaxiibkaa ayaanle uma eka shakhsi
dadaal waxbarasho uu kamuuqdo,balse nasiibkiisa ayuu leeyahay.
siciid isagu waa uu kawar hayaa biyo dhaca hadallada bilan mana uu sii tix raacin
ee waxa uu uga war-bixiyey xaaladda ayaanle sidii ay ahayd kahor intii ayan iyadu
iskuulka kusoo biirin isagoo ugu tibaaxay sidan;-

bilaneey haddii aan kaaga faalloodo xaaladda ayaanle waa markii ugu horreysay ee uu
imtixaanka ku guul-darreysto adiguna taa ayaad la kulantay balse anigu illaa iyo
dugsi hoose ayaan xaaladdiisa ka war hayaa waayo waxaanu ahayn dad mar-qura
alif-beetada islasoo billaabay, midse haddii aan ku xusuusiyo dhicitaankii
imtixaanka ee ayaanle adigaa u sabab ahaa, bilan isla markii ay hadalladii ugu
dambeeyey dhegaheeda kusoo dhaceen ayey buugaagtii ay gacanta ku haysay cirka u
tuurtay kuna tiri siciid waamaxay sababta aan ku yeelan karo nin tiisii dacay?
siciid oo ay ka gaartay maxaad sidaa utiri ayaa xaaladdii inuu dajiyo isku dayey
markii dambena ku guuleystay isagoo bilan usharraxay in sida ay uqaadatay uusan ula
dan lahayn ee uu ula jeeday in ayaanle xilligii imtixaanka uu hareeyey jacayl
curdan ah kaasoo uu niyadda ka saari waayey imtixaankiina uuba ka doorbido inuu
adiga uun ku daawado illoobana jawaabihii saxda ahaa ee laga sugayey.

bilan kuma ayan qancin hadallada siciid waxayna uqaadatay mid uu ku difaacayo
saaxiibkii,waxayna umuujisay….waa socataa

(lasoco sabtida qeybtii 9aad haddii rabbi idmo)
(W/Q:axmed maxamed barrow(shooli yare)

1 Comment

  1. Waa sheeko macan oo xiso badan leh weyna jirta waa wax dhexmara badanaa dhinyarada iskuulka baranaysa iyo kuwa kalaba.wan kahelay waana soo dhawaynayaa


Comments RSS TrackBack Identifier URI

fikirkaaga waa muhiim pls leave comment

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: