MA ANIGAA DOQON AHAA MISE JACEYLKA AYAA SIDAAN AH ? QEBTII KOWAAD


(((( waxaan daweynaha ka raali gelinayaa gaar ahaan asma madaama aheyd in sheekadaan mar hore webka la soo geliyo oo aan la soo daahney waxaan idin leenahay safar iyo cilad farsamo awgeed ayaan ula soo daahey raali noqda asmo walaal qaali raali noqo))))
Waxaan maanta halkaan idin kugu soo gudbindoonaa qiso jaceyl oo ka dhacdey magaalada burco qisadaani ayaa waxey u dhaxeysaa lamaaniyaasha lagu kala magacaabo asma jaamac ismaacil iyo abduqadir xuseen maxamed labadasi lamaane waxey ku dhasheen magaalada burco.

Asma ayaa xariir la soo sameysey bahda webka arimaha jaceylka ee http://www.nololcusub.tk ayadoo kusugan dalka sacuudiga waxeyna u dhacdey qisadan sida tan bal aan iskukiin daayo adinka iyo asma.
Waxaan ku dhashey magaalada burco abduqaadir asna sidaas oo kale wuxuu ku dhashey isla magaaladaan waxaan isla dhigan jirney iskuulka lagu magacaabo shiikh ibraahim waxaanu aheyn isku galaas mise isku fasal xiligaasi aad baan u yaraa da’deydu waxey aheyd 15 sano jir asna aad buu iiga weynaa da’diisu waxey aheyd xiligaasi 23sano jir sanadkana wuxuu ahaa 2005 abduqadir wuxuu qof aad iyo aad u quruxbadan oo ilaahey ku imineystey jamaal dhinac walbo oo laga eego ishu meysan jecleyn in dhinac kale ay eegto runtii abduqadir meel dheer igama jirin isku xaafad beynu aheyn aad baan uga heley xitaa ma jeclaanjirin inuu hablaha lahadlo anigana hablaha iyo wiilashaba intaba inaan lahadlo ma jecleyn waxaan jeclaa oo kaliyah inaan asiga ley lahadlo asiga ley wax walbo la wadaago
Abduqaadir waan u sheegtey inaan ka heley oo aan jecleystey inaan jaceyl la wadaago waxaad modaa abduqaadir inuu islahaa asma marqura mey arimahaas kaala hadasho igama uusandiidin wuu iga aqbaley waxaan arkey anigoo markaan abduqadir akrin in aan isbedelo hadii aanan lahadlin waxaad modaa inaan xanuunsanahay si qarsoodi ah baa waxaa isoo dhuuntey jaceyl baxaadiisu aanan halkaan ku soo koobin karin runtii waxaan is arkey anigoo jaceyl hawadaa la maraayo aad baan u jeclaadey.
Anigoo jaceylkaas iska dhexmushaxaayo ayaa maalin maalmaha ka mid ah wuxuu igu yiri asmooy anigu waan tagayaa waxaan doonayaa inaan itoobiya aado
Maxaad itoobiya ka qabaneysaa baan ku iri markaasuu igu jawaabey meeshaas ayaa la igaga wacey ee sidaasi la soco
Mar qura ayey ilmo iga timid ilee anigu war umaba haayee hooyadiisa ayaa yurub ku maqneyd asna waa nin wax loo soo dhameeyey oo tagi rabo
Waxaa ila soo gudboonaadey murugo iyo fikir dheer habeenkaa si toos uma seexan waxaan niyadda iska dhahay yaa ku soo habaarey waa adigoo badweynta dhexdeeda lagu geeyey deetana lagaaga soo tagey aanan laheyn cid ku caawiso waayo mar hadii lamaane is jecel kala tagaan arintu waxey noqoneysaa qof hal lug ku taagan oo kale.
Subaxdii buu taleefoon ii soo direy wuxuu igu yiri waan tagayaa ee la soco asma insha allah waan wada xariiri doonaa waana ku soo wici donaa .
Wax kale aan iraahdo ayaan waayey ilee naf wax jecel baan ahay waxaan ku iri waayahay gacaliye .
Sidii buu ku tagey itoobiya kuma suusan daahin wuxuu u sii gudbey filand waxaan in muddo ah sugaba waxaan ka waayey wax xariir ah ima soo wacin waxaan iskugu samarsiiyaa bal waa qof safargaley ee iska sug
Waxaan sugaba waxey ila gaadhey 2sano
Burco waxey iska raaceen wiil saaxibkiisa ah oo aan is garaneyno isku galaas aheyn anigoo yaaban oo aanan garaneynin meel aan ka helo iyo si aan u helaba ayaa sanadka markuu ahaa 2007 maalin maalmaha kamid ah waxaan iska fadhisitey internetka markiiba waxaan ku arkey oo online ahaa yerkii ay is raaceen xitaa ma aanan salaamin
Waxaan ku iri xasanow ma araktey abduqaadir meel uu ku danbeeyo
Wuxuu igu yiri haa weynu isla joognaa hadaba wuu ila fadhiyaa ee asigaan kugu wareejinayaa la hadal
Hadalba wuxii igaga soo bilaabey asmooy oo weli miyaad I jeceshahay aniga intaan guursadey baa wiil la ii dhaley
Markaasuu igu yiri cinwaankeyga ku darso meesha ayaan iskala hadleynaa
Anigu meel aan joogo ayaan garan waayey hadana saas ay tahay ma oran kuguma darsanaayo waan ku darsadey ilee aniguu jaceyl I hayaa.
Waan ka samri waayey runtii nafteyda ayaan la tashtey waxaana isoo baxdey inaan sidaasi kula socdo waayo wey ii saamixi weysey nafta inaan ka go’ abduqaadir waxey arintu sidaas ahaataba muddo afar sano kadib baan go’aansadey inaan tahriib galo oo aan tago meesha uu ku noolyahay waan soo tahriibey waxaan imid yemen markaan yemen tagey baan lahadley oo u sheegey inaan soo tahriibey aan hadana joogo yemen wuxuu igu yiri asmooy naftaada ha halaaginee dib u laabo hadii aad hadalkeyg qiimeyneysid waxaan ku iri anigoo si dabacsan ula hadley haye
Dib baan u soo laabtey waxaan soo raacey markab oo berbera u soo socdey markaan berbera ka soo degey baan wacey waana u sheegey wuxuu igu yiri burco waxba haku laabaninee ee hargeysa iska tak.
Marqura hadalkiisa madiidin oo naftama iima ogolaaneyso inaan maya aan ku iraahdo hargeysa markaan tagey waan wacey waan u sheegey wuxuu igu yiri internetka soo fadhiiso waan sheekeysaney xitaa sheekadu wey ila taktey waxaan arkey ayadoo tahay xili danbe
Markaan guriga tagey baa la igu qeyliyey naa maxaa xiligaan ku socodsiiyey waxaan ku iri waxaan aadey xaafadda samsam
Gacaliyaheyga mar walbo waan wacaa laakiin nasiib daro asiga ima soo waco aniga oo kaliyah ayaa mar walbo raadiyo ee asiga dan igama laha qofka jaceylka uu hogaaminaayo waa aniga

LA SOCO QEYBTA LABAAD

12 Comments

  1. qisadan ninka aay ku dhacday waa aniga ee cabdiqadirna waa ani ee plz gabadhaas ila soo xirri siiya eyada ayaan hada war ka ; ahay ee ila soo xiriira emailkyga wa kaas hoos aan ku qoraaa una sheega in emailkii hore layga xaday thnks

  2. Ascm dhaman qorayayasha iyo aqristayasha qisadan wa qiso cajib ah lakin bahda webkan waxan ka codsaneyna hadan nahay aqristayasha webkan iney si tos ah nogu dhameys tiran qisoyin ey noo sogudbinayan wa codsi ku socto maamulka webkan( NB) Mahad sanidin iqyarey

  3. Asc dhaman musliminta … Run ahanti wa qiso aad u uxanun badan, markan akhriye ilin aya iga timid, asmo walal guul ayan kurajeynaya inshall

  4. Asmooy waan ka xumahay walashey dhibka ku heeysto kaligaa ilahey waxaan kaaga baryaa in uu qalbigiisa kuso jeediyo

  5. Aad ayan ugahelay ee waadmahsantahy.

  6. A.s.c all bahada dandihenisa barnamijkaan xisabadan misna qimaha leh shekadan mid runtiileh khiro sida an kadaremaya aduunyada wa harka labadisa gani marka waxan suganaba wa shekada intayda kale

  7. Asc waxaan salaamayaa dhamaan shaqaalaha iyo maamulka webka asma aad ayaan uga xumahay sida uu kuula dhaqmay ninkaasi cirka sare shimbir u,lalay cabaar waakan dabadeed soodhiga cagaha,oo mahuraayo ciida guusha adigaa kudanbeyn doona tan kale waxaan kaa codsanayaa inaad nalasoo socod siiso sidaan si lamid ah markii nabsigu uu helo asana mahadsanid dulqaado

  8. dhamantiin wad salaamantihiin.asxabta barnaamijkan so diyarisay.iyo aqrista yaashaba.
    .runtii markad fiirisid sheekadan horaanteeda waa mid aad iyo aad uxanuun badan.lkn maxay ku dambayn doontaa? Waa su,aal mesha taagan waxan idinka codsaneynaa inaad i noo so dhamays tirtaan mahadsanidhn

  9. Asc sln kadib walalayaal gormad keneysiin qebta labaad

  10. Asc dhaman wan idin slmy aniga rayigeyga waa in lalaxiriro nin aanba awoodin dhoofid maxa yelay wiilasha sanadkaan magalan wax la aamino

  11. Sorry asma waxaan aad uga qiiroday arinta murugadaleh iyo faraadka belse asmay waxaad dhadhamisay dhibka jacayl ka raaxada jacayl ka iyo muxubada jacayl ka waad dhadhamin doontaa insha allaah dhalinyarada soomaliya inta badan dhibka waykula qabaan belse way qariyaan intabadan dhibkana waxaa keenaya dowladla aanta iyo dad kan usocda yusub iyo amerika ee tahriibta lagasootaagay kadibna keenaysa kalafogaan iyo waxlamid ah

  12. Asc wr wp dhaman shaqalaha iyo asxaabta barnamijkan so sartay sln sare hadan ka hadlo rayigeyga shekadan waa mid xanuun badan oo qiso la yab leh qebta kale gorma ayad so galineysan si aan ula socdo


Comments RSS TrackBack Identifier URI

fikirkaaga waa muhiim pls leave comment