Lacagtii iyo sariirta iyo go,ii 100dollar ahaa nin hakuu noqdaan


Qisadaani waxey dhaxmartey labo mucaashaq oo lagu kala magacaabo miski iyo qalinle waana qiso dhab ah oo aan aheyn maaweelo iyo qiyaali ah

Qalinle wuxuu ahaa ardey dhigan jirey iskuulada ku yaala caasimada dalkeena hooyo wuxuu ah wiil aad u furfuran wuxuu ahaa wiil kaftan badan maalin maalmaha ka mid ah waxey kulmeen miski oo ayadana dhigan jirtey isla iskuulkaasi
Qaline madaama uu ahaa wiil kaftan badan ayadoo ay tahay bareek mise waqtiga ardeyda loo fasaxo quraacda ayaa waxaa uu arkey gabadhaani aad u quruxbadan oo ay la jirto asxaabteeda qalinle ayaa ku soo laabtey wuxuuna ku bilaabey salaan madaama ay horey isu garanaayeen miski asxaabteeda wuxuuna ku bilaabey saaka gabadh aan quruxbadan ayaa idinla jirtee halkeed ka soo dhacdeen gabadhaan horey idinkuma arkinee
Waxaan u jawaabtey gabadh ka mid ah gabdhihii la socdey miski
Haa qalinlow gabadhaan waa saaxibteena isku xaafad ayaanu nahay waxaana lagu magacabaa miski barasho wanaagsan
Intaasi oo kaliyah kuma ekaaninee madaama qalinle loo sheegey miski magaceeda
Abaayo miski wiilkaan waxaa la yiraahdaa qalinle barasho wanaagsan gacmaha ayaa la Isdhaafsadey waxeyna u raacisey gabadhii dad bareysey abaayo miski qalinle waa uu dhib badanyahay ha u bixin waa uu kaftan badanyahay laakiin waa wiil masha allah
Miski waxey ku jawaabtey yaaba rabo wiil xirxiran dhib malahan waa loo baahanyahay qalinle howshiisa ayuu guda galey gabadhii ayuu ku saaqey wuxuuna ku bilaabey kaftan iyo sheeko waxaa la isweydaarsadey suaalo kuwaasi oo ah
Halkee degantahay iyo iskuulka mardhow miyaa ku soo biirtey
Isfahan ka dib miski oo qosleyso waxey tiri walaahi wixii saaxbiteyda sheegeysey waxbaa ka jiro kaftanlow ayaa tahay aboowe xiligii fasalada la gali lahaa ayaa la gaarey ee ina keen
Cabaar ayaa school_kan banaankiisa lagu bashaaley lagu biyo cabey waxaana loo soo laabtey fasaladii
Qalinle intaasi oo kaliyah kuma ekaaninee markii la dhameystey xiisadihii uu nin walbo hoygii uu ka deganaa magaalada muqdisho uu dib ugu laabtey ayaa habeenkii wuxuu taleefon u direy gabadh gabdhihii kamid ahaa oo lagu magacaabo shukri
Oo ah saaxibtiisa khaaaska ah qalinle
Wuxuuna ku yiri shurkiyey suaal baan ku weydinayaa miski ciyaal xaafada miyaa mise xaafadaha kale ayey ka imaadaa
Shurki waxey ugu jawaabtey maya aboowe waa ciyaal xaafadda
Shukri oo la kaftameyso ayaa waxey ku tiri haye miski maad ka heshey
Wuxuu ku yiri maya kama helinee ee waxaan la yaabey dabacsanideeda iyo habka ay u sheekeyneyso waa gabadh masha allah
Shurki ayaa waxey u sii raacisey haye hadii wax dheeri ah jiraan waxba haka baqin sow saaxibtaada ma ahi aniga ayaa kuu joogo ee jug isoo sii hadii aad wax dareenitid aniga ayaa kuu joogee
Qalinle kkkkkkkkkkkk ok mahadsanid saaxibteyda qaalida adigaa caqliga ayaan kugu jeclaadey
Miski iyo qalinle subax kasto waxaa la qataa sheeko iyo kaftan
Muddo 3isbuuc kadib qaline waxbaa u qarsamey
Yacnii waxbaa iska badeley siduu marka hore uu ahaa
Qalinle wey u ahaan weysey wuxuu la tashtey saaxibtiisa shukri wuxuuna ku yiri shukri abaayo aniga gabadhaan waan ka heley ma ogi waxa ay igu beertey markaste waxaan xiiseeyaa sheekadeeda labadaan habeen waan is fahmi waayey xitaa heer waxaan gaarey inaan ka hurdi waayo markaste waxaa I hortaagan qosolkeedi
Waxey ku tiri shukri haye howsheyda ma galaa mise waxbaa kuu dhiman oo ay ula jeedo qofta ma u shegaa makuu soo xiraa
Qalinle wuxuu ku yiri maya sug hadii aad adiga u sheegtid laga yabaa iney si kale wax u fahanto waan iska sugeynaa xiligii ay ahaataba
Muddo .3bil kadib qalinle wuu is heyn waayey madaama ay dheeraatey sheekadooda oo aadna la isu bartey
Qalinle maalin ayuu ka codsadey iney timaado miski guriga shurki si ay meesha ugu qataan sheeko kama aysan diidinee
Shukrina waa loo sheegey iney qotaasi imaaneyso gurigooda
Maalintaasi waxey aheyd maalin farxad u leh qalinle madaama uu codsigii uu gudbistey laga aqbaley uuna dareemey iney miski daneyneyso asiga
Wuxuu waqtiga is jaraba waa la gaarey xiligii balanta miski waxaa lagu soo dhoweeyey guri aad looga jecelyahay oo aad loo qurxiyey qalinle maalintaasi aad buu isu qurxiyey wuxuu xirtey dhar aan weligiisa uu san xirin uu soo iibiyey maalmo ka hor waa la kulmey waa la cunteeyey sida ay dhalinteena somali joogto ay caadadoodu tahay markii aad gabadh daneyneysid aad ku marti qaadid guri gabadh kale koleyba waad dareemi kartaan habka ay wax u dhacayaan
Kadib markii ay 3dooda sheekeysteen ayaa shukri ka soo dhaxbaxdey waxaa isku soo harey qalinle iyo miski
Qalinle oo naxsan cabsanaayo waxa afkiisa ka soo bixi doona jawaabtooda uu ka baqaayo ayaa afka daboolka ka qaadey
Wuxuu u soo bandhigey jaceylkiisa iyo wixii qalbigiisa ku jirey
Talow miski maxey jawaabteedu noqondoontaa?
Miski ayaa hoos eektey markii uu afkiisa ka soo baxey miskiyey jaceyl baan kuu qaadey waxaana rabaa jaceylkaas aan kuu qabo inaad ila garab istaagtid
Miski intey hoos fiirisey ayey cabaar aamusneyd waa caadada lagu yaqaano gabadhaheen laakiin ma ahan ku casriga hadda jooga
Daqiiqado kadib waxey aamusnaataba qalinle asna yaab uu la fadhiyo ayaa miski waxey ku jawaabtey sida tan :
Qalinle aboowe uma maleynaayo wiil adiga kaa wanaagsan oo aan la sameyn lahaa jaceyl
Uma maleynaayo wiil adiga kaa wanaagsan oo nafsadeyda aan u hibeyn lahaa
Waxaan filayaa inaad akteyda aad ka heli doontid qalbi wanaagsan
Diyaar ayaan u ahay inaan kula wadaago wax alaale wixii adiga aad ii keentid
Af lagu dhaho maya maba igu yaalo aniga waxaan islahaa sideed ugu sheegi laheyd qalinle hadiiba adiga aad igaga hormartey maxaan diidayaa
Qaline aad buu u farxey
Intuu gacmaheeda qabtey ayuu shumiyey wuxuuna u raaciyey waan ku jeclahay weligeyna waan ku jeclaan donaa
Miski iyo qalinle waxaa meeshaa ugu bilaawdey nololcusub iyo jaceyl cusub
Ilaa ay ka garaan iney dadka ka soocmaan jaceyl dartiisa oo ardeydii oo dhan ay farta ku fiiqaan
Heer waxa ay gaareen iney isu heystaan iney yihiin labo qof oo guri isla jooga oo kale yacnii is qabo midba mid kale uguma waco magaciisa waxaa kaliyoo la iskugu wacaa gacaliso iyo gacaliyo yaana waxba hadalka idinku dheereyninee waxaa sidaasi ay ku socdeen ilaa ay ka dhameeyaan dugsiga sare
Qofba qofka kale wuxuu wacad ku marey iney cid kale u hooyan ayaga mooyaane
Kadib markii la dhameystey dugsiga sare oo laga qaatey shahaado
Miski markii ay gacanta ku dhigtey shaahadii dugsiga sare ayaa waxey go,aan ku gaartey iney soo eegto waalidkeeda oo deganaa gobolada koonfur galbeed
Waxeyna la tashatey gacaliyaheeda qalinle waxeyna ku tiri macaane aniga waxaan rabaa inaan aado hooyo madaama aan moogahay muddo 5sano ah waxaan rabaa inaan soo eego inta aan bilaabin jaamacad wuuna ka yeeley
Miski waxey safar u noqtey dhankaas iyo waalidkeeda
Waxaan lagu balamey iney suuqa ila aadan si ay waalidkeeda wax ugu gado qalinle wuxuu ahaa wiil xogahaa iska tabareysan wuxuuna hadiyad ugu dhiibey hooyadeed wuxuuna ku yiri hooyo iga gaarsii alaabtaan
Waxey u jiheysatey koonfur galbeed markaste wey la soo xariiri jirtey ilaa ay ka tageyso meeshii ay rabtey qalinle wuxuu deganaa xaafada bakaaraha
Habeen kaste wuu la xariiri jirey xiliga uu asiga isu diyaarinaayo jiifka
Miski waxey gaartey gobol kamid ah gobolada koonfur galbeed
Waxeyn guda gashey booqasho asxaabteeda
Ayadoo ku jirto booqashadii ayaa asxaabteeda waxey kula taliyeen madaama intaas sano ay wax soo baraneysey iney shaqeysato si ay reerka wax ugu qabto miski waxey heysatey 3shahaado kuwaasi oo kale
Shahaado computer .mid caafimaad ah iyo middi dugsiga sare
Waxaana loo sheegey iney dhalinyaradii oo dhan ay ka shaqeysataan hey,adaha samafalka sida MSF.GTZ,ADRA.UNDP.WOLDFISION.WFB.CARE
Madaama ay heysato dhowr shahaado waxaa lagula taliyey iney ka qeyb gasho imtixaan 6dii biloodba mar la qaado waxaana lagu dhiirigeliyey iney dad ayada ka aqoon yar ay ka shaqeeyaan ayna heer ka gaareen
Miski kiligeed go,aan iska gaarinee waxey la soo xariirtey gacaliyaheeda arintii ayey u bandhigtey kama uusan diidine wey ka ogolaatey
Waxeyna guda gashey sidii ay ku heli laheyd shaqo ilaahey ayaa u sahloo wey ku guuleysatey waxaana qaadatey hey,da kamid ah hey,adaha aan kor ku xusey
Waxeyna heyshey heerka sare
Miski waxey aad ugu dheereyd luuqa english_ka waxeyna heshey jago aad u fiican
Miksi waxey balan ku qaatey iney qalinle oo kaliyah la caqal gali doonto
Miski waxey noqotey gabadh lacag leh oo dadkeedi oo dhan gacan qabatey qalinle ayaa asna wuxuu ku go,aan ku gaarey inuu guursado miski laakiin dhaqaalo daro ayaa u saamixi weysey
Wuxuuna u bandhigey adeerkiisa wuxuuna u sheegey inuu gabadh jecelyahay uuna rabo inuu guursado si uu gacan u siiyo
Adeerkiisa kama diidinee laakiin wuxuu ku yiri hadiiba aad rabtid inaad guursato marka hore waad inaad shaqeysataa waxaan ku geynayaa dubai si aad u shaqeysato muddo dhowr bilood kadib waxaa loo wadey dhankaas iyo dubai wuuna muddo 3sano kadib qalinle wuxuu isku dayey inuu somali aado si uu aroos ula galo gacalisadiisa miski laakiin miski waxey noqotey gabadh hanti leh oo guurkaba uma soo jeedinee waxey ka doorbidey shaqadeeda iyo sidii ay ku beeran laheyd lacag fara badan
Qalinle ayaa soomaali so gaarey wuxuuna u sheegey inuu u soo socdo si uu uguursado waxey ugu jawaabtey gacaliye aniga adiga oo kaliyah ayaan kuu jogaa waxba gacalka ha iska boobin ee shaqeyso wuxuu ku yiri aniga muddo 3sano ah ayaan shaqeynaayey ee waxaan rabaa jaceylkeenii inaan ka miri dhalino waana soo socdaa
Wuuna imaadey kadib wuxuu isku dayey inuu reerkeeda ka raadsado waalidkisa ayuu u direy lagama diidinee laakiin waxaa lagu xirey lacag aad u tirabadan oo aan weligeeda gabadh Somali joogto lagu raadsan
Qalinle kama fikirin lacag waxaa u cad oo kaliyah miski inuu halmar caqal uu lagalo uuna ka mira dhaliyo jacceylkiisa iyo balantii uu ka qaadey oo aheyd inuusan cid kale la aqal gali doonin
Laakiin miski wey is bedeshey waxey u baratey lacag fara badan dhaqankeedi wey bedeshey madaama ay dadka ay la shaqeyneyso ay yihiin gaalo
Markii lagu xirey lacagtaasi faraha badan waa uu ogalaadey
Qalinle wuxuu la kulmey miski wuxuuna u sheegey lacag kastoo aad dalbato jaceylkeyga dartiisa waan u dhiibayaa ee xujo kale miyaa kuu dhiman
Waxey ku tiri hadii aadan aroos weyn ii dhigeynin wixii aniga aan dalbado ii yeeleynin albaabka waa uu kuu furanyahay
Wuxuu ku yiri muxuu yahay dalabkaaga?
Saaxib aniga ayaa suuqa aadaayo oo wixii rabo dalbanaayo adiga jeebkaaga yaanan lacag lagaweynin
Hadii laga weeyana wey jiraan dad igu leefal ah dadkaasi ayaan albaabkeyga u furaa haddaba ka fiirso
Wuxuu ku yiri bal dalbo waxa aad rabtid
Waxey u sheegtey iney rabto wax walbo guriga la dhigaayo iney ahaadaan qaali waayo waxaan ahay qof lacag leh oo la wada garanaayo marabi guriga wax raqiis ah in lagu arko haba ugu yaraadee go,a sariirta la saraayo waa inuu ahaa 100dollar
Walee waa yaab qalinle hadalkeeda uma janjaxinee
Qalinle lacagta uu arooska ugu talagaley iyo meherka cunidda arooska iyo wax uu heysto xiligaasi ismalahan waxaa la guda galey arooskii madaama loo fuliyey miski wixii ay rabtey
Ayadoo lagu guda jiro ayaa qalinle waxaa ku yaraadey lacagtii uu watey
Wuxuu isku dayey inuu deen raadiyo laakiin miski hooyadeeda ayaa araktey iney gabadheeda wiilkaan ay xujeyneyso oo aysan rabin iney la aqalgasho sidii ay u burin laheyd sidaas darteeda u xujeyso waxey ku tiri wiilkeyga waxba lacag ha raadininee aniga ayaa dhameystiraayo ee iska daa
Waxaa ogaatey miski iney hooyadeeda ay lacag ku dari rabto
Intey u taktey waxey ku tiri hooyo lacag aan leeyahay marabo inaad ninkaasi ku caawiso asiga ayaa dan leh asiga ayaa la imanaayo wixiisa hadii kale albaabka waa uu furanyahay cid la baraayo malahan hadii aad lacag siiso aniga uma socdo ninkaasi
Qalinle lacag ayuu dalbadey arooskii sidaas ayaa lagu dhameystirey
Miski oo ku jeesjees ula hadleyso ayaa waxey ku tiri qalinle hadiiba aadan is hubin maxaad iga soo raadisey maxaad imoodaa aniga ma ogid miyaa inaan ahay gabadh da,yer oo lacag leh lacag aan aniga igu qarash gareysey waxaad ku heli kartaa gabdho leefalkaaga ah maad kuwaas asiga guursatid wixii kuu soo harana waalidkaaga siisid
Qalinle aniga waxaan balan ku qaadey inaan ku guursado balantaasi ayaan oo finayaa lacag wax ay tahay malahan beri ayaan heleyaa laakiin ogow adiga inaad tahay laba wajiile maalinta aan arooska kugalo maalintaasi ayaa aniga igala weyn lacagta aad ku faaneysid
Kadib arooska qalinle wuxuu u laabtey Dubai ilee deen ayaa lagu leeyahay si uu deentaasi u soo gudo
Miski bilooyin kadib waxey yeelatey uur waxaana loo sheegey qalinle iney uur u leedahay aad buu ugu farxey wuxuuna yiri natiijadii aan rabey waan heley
Wey dhashey miski waxey u dhashey wiil qalinle deentii waa uu iska gudey wuxuuna heley shaqo aad u fiican oo tii hore ka sareysa
Heer wuxuu gaarey inuu noqdo ganacsadey weyn
Somali waxey horey ugu maahmaahdey aduunyadu waa harka labadiisa gelin
Miski waxey ku faantaba lacag
Miski hey,adii ay u shaqeyneysey ayaa waxaa lagu amrey iney gebi ahaanba ka soo guurto gobolkaasi kadib markii ay qilaaf soo dhexgaley madaxda hey,adda iyo shaqaalaha ugu sar sareeyo hey,adda
Miski waxey noqtey guri joog waxaa meeshii ka baxey wareegi ay ku wareegi jirtey afrika iyo gobolada Somali lacagtii ay horey u tacbatan waxey noqotey wax ay dad ku biili jirtey iyo wax ayada isticmaali jirtey
Miski waxey deris u noqotey lacag la, aan booskeedi hore ayey ku soo laabatey ilee la iskuma haleyn karoshaqo hey, add
Waxeyna wacdey ninkii ay horey ugu jeesjeestey waxeyna u sheegtey iney shaqadii ka fadhiisatey uuna soo biilo wuxuu ugu jawaabey aawey lacagtii aad ku faaneysey taasi maad biilatid
Aniga balantii waan ka soo baxey laakiin hadda fursad ma heeyo markale ayaan kula hadli donaa hadda shir ayaan ku jiraa
Miski waxey isku deysey iney raali geliso waxeyna u sheegtey markii danbe oo ay wacdey
Waxeyna ku tiri qalinle aboowe aniga ciyaalnimo ayaa I qaatey waad la socotaa inaan ahay dumar marka qalid waa uu dhacaa waxaana rabaa inaad iska ilowdid wixii horey u dhacey xaaskaaga ayaan ahay
Waan ogahay xaaskeyga waa tahay sow kuuma sameynin wixii aad rabtey aniga waan kuu sameeyey
Ma xasuusataa ereygii aad horey ii tiri lacagta aad heysatid waxey goyneysaa gabadho kale hadda waxaan rabaa mardhow inaan aroos galo ee sidaas ula soco aniga dhankaaga uma soo socdi ee sidaas la soco qaylin laheydaa iyo ooynlaheydaa adiga ayey kuu talaa
Sariirtii qaaliga aheyd iyo go.ii 100ka dollar ahaa nin hakuu dhaqdaan
Iga raali noqo faceyga ayaan la dheelayaa adna facagaaga taajirka ah la dheel
Kkkkkkkkkkkkkkk
Miski oo yaaban ayaa arintii waxey u bandhigtey hooyadeed waxeyna u sheegtey sida ay wax u dhaceen
Hooyadeed waxey ku tiri wiilka adigaaba markii hore ceyrisey ee waxaad rabtaa miyaa hadda inuu si wanaagsan uu kuu dhaqdo
Miski waxey ka codsatey inuu soo furo
Laakiin qalinle taasi waa uu ku gacanseerey miksi waxey dib ugu laabtey magaalada muqdisho waxeyna u sheegtey arintii saaxibteeda shukri
Shukri waxey ku tiri arinta oo dhan waan la socdaa qalinle ayaa ii sheegey wax walbo laakiin adiga ciyaalnimada aad sameysey maxaad ka wadey
Abaayo aniga hawo ayaa I qaadey qalinle waan jeclahay marka adiga hadii uu hadalkaa yelaayo la hadal
Qalinle waxaa la Hadley oo taleefoon u dirtey shukri waxeyna ka codsatey inuu Somali dib ugu soo laabto Kama diidinee
Wuu soo laabtey waxey isku deysey iney heshiis ka dhax abuurto laakiin waxaa dad ku gacanseerey qalinle wuxuuna ku yiri furitaan wax la dhahaayo ha iska ilowdo lacagtii iyo sariirtii Nin ha u noqdaan wuxuuna la joogey muddo dhowr beri ah
Inkastoo markii danbe uu waalidkkiisa iyo waalidka miski ay is arkeen arintiina laga xaajodey sidaas uu ku soo biili jirey laakiin wax ninimo kumaheysanin
Waloo uu markii danbe uu furey sidaasna ay ugu dhashey wiil iyo gabadh

Haddaba dhalinyaroy ma ahan gabadhaani oo kaliyah imisa ayaa jirto markey ka baxaan daruuftii heysan jirtey markii hore oo gadaal ka kibra ilaahey waa garsoore waxaad arkeysaa wiil iyo gabadh oo jaceyl weyn isu haayey kadib wiillkii mise gabadha midkooda uu yurub aado uu jaceylkiisa mise jaceylkeeda iloobo mise lacagba ha helee ma ahan wax la xisaabi karo
Dhalinyarada somaliya miyeysan laheyn mowqif halkey ka mareysaa balantii iyo axdigii uu galey shakhsigaasi markuu helo lacag mise noloshii uu horey ku nolaa mid ka wanaagsan
Inuu horey u kobcin lahaa jaceylkiisa mise jaceylkeeda?
Hadii aanu nahay Somali jaceylka waan rabnaa laakiin ma naqaano wadadiisa qof welba waxaa u dheer dantiisa

Waxaa idiin diyaariyey
Mr c/casiis maxamed (qalbijaceyl)
Qalbijaceyl11@hotmail.com

Leave a comment

No comments yet.

Comments RSS TrackBack Identifier URI

fikirkaaga waa muhiim pls leave comment