waa jaceylkii xamaan iyo raxmo ruun Q-6aad


Waxaa Hadley c/casiis wuxuuna ku yiri saaxib sidee la yelaa hee waalidkaaga hadalkiisa qaado gabadhaani iska dhaaf matihid qof isku filan waa lagu bilaa hadii aad dhahdid waan nikaaxsanaa ma soconeyso arintaasi waa tii lagugu fahmo hooyadaana wey kaa niyad jabeysaa
Aniga sidii aan yeelaba raxmo waa inaan xariga ku xiro hooyo hadey rabto ha I buriso

Xamaan wuxuu go,aansadey inuu raxmo uu nikaaxsado laakiin uu ka dhigto mid sir ah kadibna uu gadaal ka soo bandhigo laakiin masuurta gelin
Wuxuun la hadley raxmo wuxuuna u sheegey inuu xal heeyo waxey ku tiri haye muxuu yahay xalka?
Gacaliso waalidkeyga si kale ma uga reyn karo aan ka aheyn khudba siro kadibna soo bandhigitaan waa hadii aad adiga garab igu siisid sidii aan jaceylkeyga aan ku soo dhacsan lahaa aan ugu guuleysan lahaa
Waxey ku tiri khudbi siro waan ka soo fikirayaa taasi aboowe macaan muddo 3beri ah isii
Waayahay waxaan kaa rajeynayaa jawaab wacan
Raxmo durbadiiba waxey dib ugu laabatey maskaxdeeda waxaa hortaagan jaceylkii markaste waxaa u yeeraayo hadaladii xamaan iyo jaceylkii macaanka badnaa uu la qaatey
Muddadii wey dhamaatey weyna soo wacdey waxeyna u sheegtey iney raali ka tahay laakiin waxaad iga balanqadaa inaad sida ugu dhaqsiyaha badan aad igu soo bandhigeysid
Macaanto taasi haka baqin waa balan waxaan rabaa inaan dhaho aniga waxaan qabaa xaas oo aan ka dhaadhiciyo hooyadey kadiba wax la ii qabto
Laakiin ma dhicin hadalkaasi
Wuxuu waqtiga is guraba waxaa lagu balamey in la aado daafeed oo caan ku ah in labadii heshiisaba ay meesha isla aado la isku soo mehersado haweynaadee mise hayaradaanee
Waxaa loo kictimey dhankaas iyo daafeed raxmo ruun iyo xamaan sidii ayaa la isku soo mehersadey
Raxmo markii uu soo dhacey meherkii oo dib ugu soo laabatey muqdisho waxey soo wacdey c/casiis waxeyna u sheegtey arintaan waxeyna ku tiri aboowe aniga iyo xamaan maanta ayaan isa soo mehersaney koley waad la socotaa maxaa dhici doona
Dumaashi jaceylkeyga maa soo faragelisid waxaan ka baqayaa inuu jaceylkeena meel eber ah uu ku dhamaado
C/casiis ayaa niyada u dhisey oo ku yiri maya dumaashi waxba haka biqin jaceylkiina waa uu jirayaa cid idin kala geyn karto malahan aan ka aheyn ilaahey wixii ilaahey idiin qoro waad mareysaan
Ee adiga is ilaali c/casiis wuu u sarbeebey
Laakiin labo qalbi oo isdoortey oo isu ooman miyaa laka celin karaa waxaa laba jibaarmey kulan oo kii hore kaduwan waayo hadda waxaa la yahay labo qof oo is qabto muddo bilooyin ah kadib raxmo xamaan waxey u sheegtey iney bishaani aysan u imaan caado
Ay caadadii ka go,dey micnaheedu tahay iney ka baqeyso inuu uur yimaahdo waxeyna ku tiri maad isoo bandhigtid xamaan wuxuu ku maaweeliyey bilba bisha ka danbeyso waxaan la hadley abtigey bishaan marka la ii soo diro lacagta ayaan kusoo bandhigayaa hooyana waan u sheegayaa
Laakiin ma noqon arintaasi xamaan waxaa la soo deris murugo meel waxaa kaheysto jaceylkiisa meelna hooyadiisa
Wixii la isqariyaba raxmo waxey yeelatey uur 3bilood ah waxaa fahmey hooyadeed waxeyna ku tiri naa sow kuma dhihin is ilaali maxey tahay sidaan uur miyaad leedahay
Waxey ku tiri haa hooyo xaraan ma ahan uurkaan ee xamaan waan is qabnaa
Waa hooyo wax dhashey wey fahantey dhibka gabadheeda heysato raxmo waxey ka dhaadhicisey iney mardhow u aqal gali doonto
Intee uu yalaa aqal gal maskiin maba oga xamaan waxa ka danbeeyo
Waxaa isla hadley raxmo hooyadeed iyo xamaan waxeynak u tiri wiilkeyga maxaa sidaan u yeeshey gabadheyda miyaadan aheyn muslin
Hooyo aniga gabadhaada xaraan kuma uureyn waan qabaa laakiin dhib ayaa I heysto ee mardhow ayaan rabaa inaan soo bandhigo koleyba aniga ayey uur ii leedahay gabadhaada wax walbo ay igu qaadatana waan soo bandhiga ayaa
Laakiin xamaan ma heeyo wadadii lagu soo bandhigi lahaa
Raxmo si ay wax yeesho malahan waxey niyadu iskugu dhistaa ilaahey ayaa sidaan kuu qorey dhib malahan waxaa ka sii darnaan lahaa hadii ay ku qaadi laheyd sharci daro
Xamaan waxaa hortaagan derbi weyn hadii uu sheegana arintaasi familkiisa oo dhana wey ka go,ayaan waxaa hortaalo adigaa yeeshey ee adiga ley howshaada horey u wado
Durbadiiba waxaa is heyn waayey raxmo hooyadeeda
Waxeyna ku tiri naa ii soo ogow waalidkiisa meesha aan kahelaayo
Kadib raxmo marka ay soo ogaatey oona u sheegtey meesha laga helo waalidkiisa
Raxmo hooyadeeda ayadoo wado raxmo waxey u jiheysatey xamaan hooyadiisa waxeyna u sheegtey wax walboo dhacey sida ay ahaayeen
Laakiin jawaab fiican kama soo helin waxey ugu jawaabtey iga raali noqo wax xamaan la dhaho maba dhalin ee qofkii sidaan yeeley ka raadso meesha uu joogo
Raxmo ayadoo yaaban habka hooyadeeda loo la hadley ayey la soo hadashey xamaan waxeyna u sheegtey iney la joogto hooyadiisa waxeyna ku tiri u sheeg hooyadaa inaad adiga iqabtid xamaan waa uu isku naxey wuxuuna ku yiri maxaad ugu tagteen wax walbo aniga ayaan dhameyn lahaa hooyo ayaa iga diidey ayada ayaa isoo wadey hadda u sheeg hee aboowe waan ku baryayaa
Wuxuu ku yiri hooyadey hadey maqashey wey ii dhamaatey
Haddaba aniga wax kale aan kuu heeyo malahan wuxuuna u wacey c/casiis iyo wiil kalo saaxib ahaayeen oo la ogaa arintaasi markii la nikaaxeyeyna la jirey isla ayadoo la joogto hooyadiisa ayuu meesha ku furey asigoo uga dhigey markhaati c/casiis iyo wiilkii kale
Raxmo oohin ayey gashey maskiin
Talow oohin maxey qabaneysaa durbadii ayagoo meeshaas taagan ayaa taleefon soo diry xamaan hooyadiisa xitaa asiga lama soo hadlin waxey la soo hadashey c/casiis oo si aad ah ugu kalsooneyd waxeyna ku tiri c/casiis hooyo waxaa ila joogo dad nocaas ah arinta la shegaayo majirtaa ?
Hooyo wey jirtaa laakiin ilaahey ayaa sidaas qorey xamaana wax khalad ah ma uusan sameyn waa wax qornaa oo weligeedna dhici jirtey gabadhaasi waa uu furey waa uu qabey laakiin waa uu furey asiga ayey uur u leedahay
Raxmo ayaa ku tiri hooyadeeda hooyo naga keen meeshaan xamaan ayaan hadda la hadley wuuna I furey waxbo inooma yalaan meesha naga keen ilaahey ayaa inoo aaraayee
Ayagoo yaaban ayey meesha ka soo tageen xamaan iyo hooyadiisa maxaa kala qabsadey
Xamaan asigoo yaaban arintaasna ku fududaadey ayaa waxaa u timid hooyadiisa waxaana loo sheegey inuu weynaadey uu isku filnaan karo aysan wax kalsooni ah u heynin uu iska qabto magaalada muddo kadib
Raxmo weli hadii lafurey ma haran waxey isku deysey iney jaceylkeeda si degan ula hadasho aysan wax xumaan ah u qabin arintaan kudhacdeyna aysan ayada ugu horeynin ay weligeeda arkijirtey inta ay soo kacdey

LA SOCO QEYBTA 7AAD

kala xariiri wixii faafaahin ah
Mr qalbijaceyl
qalbijaceyl11@hotmail.com

Leave a comment

No comments yet.

Comments RSS TrackBack Identifier URI

fikirkaaga waa muhiim pls leave comment